Midowga Saxafada ayaa waxa uu soo saaray mareeg uu ku sheegayo in Wadanka Ethiopia yahay goobta adduunka ugu cabudhis badan dhanka Saxafada iyo mucaradka. mareegtan ayaa kusoo beegantay waqti ay Taliska Woyanaha TPLF uu xukun ku dhuftay 24 qof kuwaas oo lagu eedeeyay inay argagaxiso yihiin kana soo shidaal qaateen wadanka Dariska ah ee Eritrea. Dadkan ayaa waxaa kamid ah wariyaal iyo Xubno Dowlada Ethiopia kasoo shaqeyay oo masuuliyiin sare ka ahaa ururada mucaradka oo doorashada ka qeyb qaatay.
Dadkan 24 qof waxa kamid ah Duqa magalada Addis ababa Mayor Berhane Nega oo hada ah Gudomiyaha Ginbot 7 kaas oo wadanka laga masaafuriyay wadanka dibadiisana ku sugan. Berhanu nega waxa la xukumay isaga oo ka maqan wadanka xukunka lagu xukumayna waxa uu noqon kara 15 sanno oo xadhig ah ugu yaraan. Waxa kale oo kamid ah dadka la xukumay Andu Alem Arage oo ah isagu nin cad cad oo aad loogu yaqaaney hoggaaminta ururka mucaradka ah. Waxa kale oo isna kamid aha wariye caan ka ah dhulka Ethiopia oo lagu magacabo Iskender Nega.
Madaxweynihii Hore ee wadanka Ethiopia oo isagu qowmiyada Oromada kasoo jeeday Negaaso Gidhaada ayaa ka hadlay xukunkan ay taliska Ethiopia kusoo rogtay dadkaan waxa uuna yiri waa arrin aad loola yaabanyahay ahna wax lagu qoslo. Taliska TPLF waxay isku dayayaan inay dadka afka ka xidhaan oo wax hadla lawaayo taas weeye u jeedadoodu wax loo dulqaadan karona maahan.
Taliska TPLF ayaa cabsi iyo burbur weyn kusoo foodleeyahay wax kasta oo dhaqdhaqaaqana waxa ay u taxabaan xabsiga iyaga oo dajistay sharci qofki aqoonyahan ah ama ummada dantooda ka taliya inay ku xukumaan xukun ay ugu magac dareen argagaxiso islamarkaasna ku eedeya eedeymo aan jirin. Afahayenka TPLF Shimeles ayaa sheegay in qofki dhaqdhaqaaq sameya uu yahay kaliya nin ku xidhan Dowlada Eritrea. Waxa dowladas Eritrea ay siisa ayuu yiri tababaro ay maamulka TPLF waxku yeeleen karaan.
Taliska TPLF oo ah qowmiyad aad u tiro yar oo ah qowmiyada tigrega ayaa 3 million lagu qiyasa shacabkooda waxaana cabsi badan ay ka qabaan qowmiyadaha Oromada inay ku kacdo oo afganbi uga yimado haddii ay u oggoladan in si xor ah ay uga qeyb qaataan dowlada doorashoyin iyo mucaaradkana la fasaxo sidaas awgeed waa in qofki kasta ee isku daya innuu si madax banaan u sameysto olole isbadal waxa loo taxaba xabsi ama horray ayaa laga toogta.
Taliska TPLF ayaa waxa dhanka Ogadeniya kaga socda Daggaalo xoog badan oo Ciidanka ONLF ay ku hayaan sidoo kale dhamaan ururadi mucaaradka ku ahaa sida Axmarada, siyaasiyiinta Oromada iyo qowmiyadaha kale oo dhan ee sida nabada ah ku dagalamayay ayaa hada billaabay olole lagu mijja xaabinayo taliska TPLF.
Dadka siyaasada geeska afrika khaastaan Ethiopia indho indheeyana waxay aad uga walbahaarsanyihiin siyaasad xumada uu ku kacay Kaligi Taliye Zenawi oo hada taliskiisu soo gabagaboobayo. Waxa Dowlada burburaysa lagu garta ayuu yiri nin magacisa aan sheegin oo ku sugan Addis Ababa Ciidanka qalabka sida ee wadan leeyahay iyo shacabka Suuqa ka adeeganaya markii ay isku tiro noqdaan ama ciidanku uga batto suuqa shacabka. Taas waxa ay ka muuqata Addis Ababa oo Ciidan huubeysan ay wado kasta dhoobanyihiin waxaadna daremaysa ayuu yiri cabsi badan iyo ammaan xumo.
ONA
The Press Union has issued a statement saying that Ethiopia is the most repressive place in the world toward the press and the opposition. The statement coincided with a time when the Woyane TPLF regime sentenced 24 people accused of being terrorists and of receiving support from neighbouring Eritrea. Among these people are journalists and former Ethiopian government employees who were senior officials of opposition organisations that took part in the election.
Among these 24 people is the Mayor of Addis Ababa, Mayor Berhane Nega, who is now the Chairman of Ginbot 7 and who was exiled from the country and lives abroad. Berhanu Nega was sentenced in absentia, and the sentence handed to him could be at least 15 years in prison. Also among those sentenced is Andu Alem Arage, a highly respected man well known for his leadership of the opposition organisation. Also among them is a famous journalist in Ethiopia named Iskender Nega.
The former President of Ethiopia, Negaaso Gidhaada, who comes from the Oromo ethnic group, spoke about this sentence the Ethiopian regime imposed on these people and said it is something very astonishing and laughable. The TPLF regime is trying to silence the people so that no one can speak; that is their intention, and it is not something that can be tolerated.
The TPLF regime is facing fear and great collapse, and it sends every movement to prison, having enacted a law under which any intellectual, or anyone who advises the nation on its interests, is sentenced on what they call terrorism and at the same time accused of charges that do not exist. TPLF spokesman Shimeles said that anyone who carries out activism is simply a man linked to the Eritrean government. What the Eritrean government gives them, he said, is training that the TPLF administration can deal with.
The TPLF regime, which belongs to a very small ethnic group, the Tigrayan ethnic group, whose population is estimated at 3 million, greatly fears that the Oromo ethnic group would rise up and stage a coup against them if they allowed them to participate freely in government elections and allowed the opposition freedom; therefore anyone who tries to independently organise a campaign for change is sent to prison or shot beforehand.
The TPLF regime is facing fierce fighting in Ogadenia waged against it by ONLF forces; likewise, all the opposition organisations that had been struggling peacefully, such as the Amhara, the Oromo politicians and all the other ethnic groups, have now begun a campaign to uproot the TPLF regime.
Observers of the politics of the Horn of Africa, especially Ethiopia, are deeply worried about the bad policies carried out by Dictator Zenawi, whose rule is now coming to an end. A collapsing government can be recognised, said a man in Addis Ababa who did not give his name, when the armed forces of the country and the civilians shopping in the market become equal in number, or when the soldiers outnumber the civilians in the market. That is visible in Addis Ababa, where armed troops fill every street, and you feel, he said, great fear and insecurity.
ONA
AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.

