Mudane Farax Macallin oo ah Ku-Xigeenka Afhayeenka Baarlamaanka dalka Kenya, wuxuu caan ku yaahay inuusan xaqqa uga waabanin masaalixdiisa shaqsiga ah. Waxaa la odhan karaa waa shaqsiga kaliyah oo ka mid ah siyaasiyiinta umadda Somaliyeed meel ay jootaba oo aan mabadiida uu aamnisan yahay uga leexanin kursi iyo mansab jacayl iyo maslaxad shaqsi ah oo uu kula gorgortamo dawladaha danta ka leh Somaliya. Wuxuu sharaf iyo meeqaanba dheer yahay kuwa badan oon waxbaba haysanin oo hadana u gurguuranaya gumaysiga Itobiya say xoogaa shilimaad ah uga soo qaataan ka dibna been loo soo dhiibay ka faafiya TV-yada gumaysiga. Wuxuu sidoo kale sharaf iyo meeqaanba dheeryahay qaar sheeganaya culumanimo oo diintoodii dhaafsaday maslaxad aduun oo sidaa ku seegay sharaftii ay ku dhex lahaayeen umadda.
Wareysiga dheer ee TV-ga dalka Kenya K24 ay la yeelatay Mudane Farax Macallin wuxuu kaga hadlay arima badan oo quseeya dalalka Geeska Afrika iyo siyaasadda dibadda ee dalka Kenya oo uu yidhi waxaa afduubatay Itobiya. Wuxuu sheegay mudane Farax Macallin in siyaasada dibadda ee Kenya ay noqotay mid u xaglisa Itobiya oo aan ka madax banaanayn, sidoo kalena ururka IGAD uu yahay haya’d ay Itobiya ku shaqaysato. Waxyaabaha uu soo qaatay markuu ka hadlayay siyaasadda dibadda ee Kenya waxaa ka mid ahaa sida ay Kenya uga leexatay dhex-dhexaadnimadii looga baahnaa arimaha quseeya Itobiya iyo Eritrea, isagoo sheegay inay Kenya u xaglisay Itobiya meeshii laga rabay inay labadaa dawladood oo labadaba xidhiidh la leh Kenya inay isugu yeedho oy dhex-dhexaadiso. Waxyaabaha uu tusaale ahaan u soo qaatay waxaa kamid ahaa inay Kenya been loo soo dhiibay la booday oo ahayd in dalka Eritrea ay ka dajisay Baydhabo 3ex dayaradood oo hub u sida Shabaabka, arintaasoo ay Qaramada Midoobay sheegtay inaysan waxba ka jirin hasa ahaatee ay ilaa maanta Arimaha Dibadda ee Kenya daba socoto taasoo buu yidhi mudane faarax Macallin waxay ceeb iyo fadeexad ku tahay siyaasadda Kenya.
Arimaha uu sida aadka uga hadlay wareysigaa waxaa ka mid ah qadiyadda Ogadenya oo Mr. Jeff Koingange oo wareysanaya oo aadka ugu riyaaqay geesinamada Mudane Farax Macalin iyo sida aanu runta marnaba uga leexanin. Wuxuu sheegay inay Ogadenya taariikh ahaan tahay dal la gumaysto, isagoo xusay in aan la’isku khaldin arinta NFD iyo Ogadenya, sababtoo ah buu yidhi, shacabka Kenya waxaa wada gumaysanayay Boqortooyada Ingriiska oy ka qaateen xoriyadooda, meesha ay Itobiya ka mid ahayd dawladihii ka qayb galay shirkii Berlin ee lagu qaybsaday Afrika oo sidaa ay qaybteedii ku heshay. Itobiya waxay ahayd buu yidhi mudane Farax Macallin dawlad gumaysi oo ka qaybgashay boobkii Afrika lagu gumaysanayay. Sidaa darteed ayay shacabka Ogadenya waxay sheeganayaan inay yihiin dalkii ugu dambeeyay ee Afrika gumaysiga ku hadhay, waxayna doonayaan inay ka xoroobaan gumaysiga siday uga xoroobeen dadka madowga ah ee Koonfur Afrika, oy uga xoroobeen gumaysigii haystay shacabka Nambiya. Xaqna way u leeyhiin arintaa ayuu yidhi mudane Farax Macallin.
Waxyaabaha uu ka hadlay waxaa ka mid ah; heshiiskii ay wada saxiixdeen Kenya iyo Itobiya oo Boqor Xayle Selassi iyo Jommo Kenyata oo saaxiiba ahaa ay iskaga gaashaan-buursanyeen Somaliya. Heshiiskaa wuxuu dhigayay buu yidhi in haddii Somaliya ay ku soo duusho Kenya ama Itobiya uu dalka kale dagaalka la soo galo. Arintii noocaa ahayd way dhamaatay buu yidhi hadda Faarax macallin, sababtoo ah Qarankii Somaliyeed wuu burburay, Somaliya raadinaysa Somali weyna ma jirto hadda oo iyadii ayaaba kala qaybsan.
Wareysiga taariikhiga ah, wuxuu ku muujiyay Mudane Faarax Macallin inuu yahay nin siyaasi ah, aqoon fiican u leh taariikhda iyo arimaha Geeska Afrika, oon diyaar u ahayn inuu mabada’iisa gor-gortan galiyo.
Halkan ka dhegayso wareysigan taariikhiga ah ee xiisaha leh:
ONA.
Hon. Farax Macallin, the Deputy Speaker of the Parliament of Kenya, is well known for not shying away from the truth for the sake of his personal interests. It can be said that he is the only one among the politicians of the Somali nation, wherever they may be, who does not deviate from the principles he believes in out of love for seats and positions, or for personal interests that he might bargain over with the governments that have a stake in Somalia. He has more honour and standing than the many who have nothing at all, yet crawl to the Ethiopian colonisers to obtain a few shillings and then spread the lies handed to them on the colonisers' TV channels. He likewise has more honour and standing than some who claim to be religious scholars, who traded their religion for worldly gain and thereby lost the honour they once had among the nation.
In a long interview with Kenya's K24 TV, Hon. Farax Macallin spoke about many issues concerning the countries of the Horn of Africa and Kenya's foreign policy, which he said has been hijacked by Ethiopia. Hon. Farax Macallin said that Kenya's foreign policy has become one that leans towards Ethiopia and is not independent of it, and that the IGAD organisation is a body that Ethiopia uses for its own purposes. Among the points he raised when speaking about Kenya's foreign policy was how Kenya has abandoned the neutrality required of it on matters concerning Ethiopia and Eritrea, saying that Kenya has sided with Ethiopia when it was expected to bring together and mediate between the two governments, both of which have relations with Kenya. Among the examples he cited was that Kenya jumped on a lie handed to it, namely that Eritrea had landed three aircraft carrying weapons for Al-Shabaab in Baydhabo, a matter that the United Nations said had no truth to it, yet which Kenya's Foreign Affairs continues to pursue to this day, which, Hon. Faarax Macallin said, is a shame and a scandal for Kenya's policy.
Among the issues he spoke about at length in that interview was the Ogadenia question, and Mr. Jeff Koingange, who was interviewing him, was greatly impressed by the courage of Hon. Farax Macalin and by how he never deviates from the truth. He said that Ogadenia is historically a colonised country, noting that the NFD issue and Ogadenia should not be confused with each other, because, he said, the people of Kenya were all colonised by the British Crown, from which they gained their independence, whereas Ethiopia was one of the governments that took part in the Berlin Conference at which Africa was partitioned, and thus received its share. Ethiopia, Hon. Farax Macallin said, was a colonial government that took part in the scramble by which Africa was colonised. For that reason, the people of Ogadenia say that they are the last country in Africa still left under colonialism, and they want to be freed from colonialism just as the black people of South Africa were freed, and just as the people of Namibia were freed from the colonialism that held them. And they have the right to that, Hon. Farax Macallin said.
Among the things he spoke about was the agreement signed between Kenya and Ethiopia, through which Emperor Haile Selassie and Jomo Kenyatta, who were friends, allied with each other against Somalia. That agreement stipulated, he said, that if Somalia attacked Kenya or Ethiopia, the other country would join the war. That kind of arrangement has now ended, Faarax Macallin said, because the Somali state has collapsed, and a Somalia seeking a Greater Somalia no longer exists, as it is itself divided.
In this historic interview, Hon. Faarax Macallin showed that he is a politician with good knowledge of the history and affairs of the Horn of Africa, who is not prepared to put his principles up for bargaining.
Listen here to this interesting historic interview:
ONA.
AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.

