Jaaliyadaha Somalida Ogadeniya ayaa ku jira abaabul iyo dhaqdhaqaaq xoogan oo ay ku raadinayaan xoriyadooda dadkooda iyo dhulkooda hooyo, si gumeysiga Abbysiniya looga kiciyo Ogadeniya shacabka Ogadeniyana ay xoriyad ku gaadhaan.
Hadaba waxa jira Jaaliyado Xoogan oo maalinkasta howlmaalmeed ay saaxiibo ugu sameynayaan qadiyada Ogadeniya ku qabta 5 qaaradood ee Adduunka. Jaaliyadaha ayaa leh Ururo bulsho sida Urur haween iyo Urur dhalinyaro iyo haayado samafal, advocay iyo kuwo siyaasi intaba.
Bishan March waxaa qaaradaha Aduunka lagu qabtay kulamo loogu magac daray Maalinta Haweenka Ogadeniya, Maalinta Xasuuqa Ogadeniya iyo Shirar joogta ah.
labadan filim ee hoose ayaa waxa aansoo qaadanay kulamadi faraha badnaa ee Jaaliyadaha Aduunku qabteen laba kamid ah.
1. Sida shirweynihii Jaaliyada South Afrika oo ku baxaysa Luqada Ingiriiska
Waxaa ka hadlaya Marti sharaf kasocota Wadanka Sourth Afrika iyo Masuliyiinta Jaaliyada.
2. Sidoo kale waxaa soo qadanay Shirki Maalinta Xasuuqa Ogadeniya oo lagu qabtay wadanka Norwey oo ku baxaysa luqada wadankaas Norwey. Waxaa ka hadlaya gabdho da’yar oo ka xog waramaya wadankoodii iyo dhibaatada gumeysi ee ka taagan iyo sidii looga bixi lahaa xoriyadna loo gaadhsiin lahaa. Waxa dhalinta norwey ay soo kasabadeen saaxiibo ka socda wadanka Norwey oo iyana ka xun dhibaatada gumeysi ee Ogadeniya.
Hoos ka daawo labada Filim;
SOUTH AFRIKA: SHirweynihi JOKA
Norwey: Xasuuqi Ogadeniya
The Somali Ogadenia diaspora communities are engaged in strong mobilisation and activity in pursuit of freedom for their people and their motherland, so that Abyssinian colonialism is removed from Ogadenia and the people of Ogadenia achieve freedom.
AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.
