
Waxaa habeenkii Sabtida ahaa 2/25/12 lagu daadaway gobolka Minnesota qaybtii labaad ee filimkii la magac baxay Oohinta Qarsoon. Filimkan ayay si wada jir ah uu soo abaabuleen ururka dhalinyarada Ogadenya (OYSU) iyo jaaliyada Somalida Ogadenya ee gobolka Minnesota.
Filimka Oohinta Qarsoon oo in muda ahba la sugayay ayay dadwayne aad u farabadan ka soo qayb galeen ayadoo la soo buux dhaafiyay madashii filimlka lagu daawanayay. Kasoo qaybgalayaasha ayaa isugu jiray Jaaliyada Somalida Ogadenya, Walaalaha somaliyeed iyo siyasiyiin u dhashay wadanka Maraykanka.
Intii uunan bilaaban daawashada filimka ayaa waxaa madasha khudbado ka soo jeediyay masuuliyiin ka tirsan jaliyada Ogadenya. Waxaa kale oo ayaguna halkaas khudbado dhadheer ka soo jeediyay siyasiyiin ka tirsan baarlamanka wadankan maraykanaka iyo musharixiin u taagan dorashada Congress ka gobolkaMinnesota. Siyasiyiintan ayaa ayagu cadeeyay sida ay hiil ula garabtaaganyihiin shacabka dulman ee Ogadenya.

Waxaa xusid mudan gabdho aad u da’yar oo ku dhashay wadankan Maraykanka oo halkaasi ka soo jeediyay gabayo (Poem) luuqada English ka ku qornaa. Gabayada ay gabdhahani so jeediyeen ayaa runtii xanbaarsanaa fariimo iyo dhiilo ku saabsan dhibaatada ay gumaystada wayanuhu ku hayaan shacabka Ogadenya.
Intasi kadib waxaa bilowday dhawashii filimkii Ohinta Qarsoon oo ahaa runtii filim si wanaagsan loo soo diyaariyay. Filimka ayaa isagu gabi ahaanba ku saabsanaa tarikhda wadanka Ogadenya iyo dhibaato ay gumaysiga wayanuhu u gaysteen shacabka Ogadenya. Waxaa ka mid ahaa dad jidhdil loo gaystay oo nabaradii jidhkooda ka muuqdaan, dumar ay gumaysiga wayanuhu faraxumeeyeen iyo dad xadhig, jidhdil iyo kufsi intaba la isugu daray.
Fililkan oo runtii xanbarsanaa dhiilo aad u xanuun badan ayaa waax aad arkaysay mudadii uu socday inay dadkii daawanayan inbadan oo kamid ahi ay awoodi waayeen inay si toos ah u fiiriyaan filimka qaar badan oo kamid ahna ay oohin ku dhamaysteen.
Kadib markii uu filimkii dhamaaday ayay mar kale siyasiyiintii u dhashay wadanka maraykanka ee filimka dawanaysay ay ka hadleen saamaynta uu filimku ku yeshay waxayna wada qireen inuu filimku siwayn u taabtay dareenkoodu waxayna siyasiyiintani cadeeyeen inay u guntanayaan sidii ay dhibaatada Ogadenya u gaadhsiin lahaayeen dadka maraykanka ah iyo siyasiyiinta wadanka Maraykanka ah ee aan ka warhaynin xalada Ogadenya. Mid kamid ah siyasiyiinta ajanibta ahaa ee halkaasi ka hadlay ayaa ku tilmaamay inay nasiib daro tahay in qarniga 21 naad ay dhibaataani ka dhacyso Ogadenya, isla mar ahaantaana ay dhibatadan gaysanayan CiidamadaEthiopia.

Filimkan ayaa runtii ujeedadii laga lahaa laga gadhay, waxayna noo cadeeyeen masuuliyiintii ururka OYSU ee u howlanaa so bandhigida filimka oohinta qarsoon inay filimka gaadhsiinayaan gobolo badan oo ka tirsan wadanka Maraykanka isla mar ahaantaana waxaa filmkan lagu fidin doona dunida dacaladeeda.

Mohamed Darbawayne.
Minneapolis
On the night of Saturday 2/25/12, the second part of the film titled Oohinta Qarsoon (Silent Cry) was screened in the state of Minnesota. The film screening was jointly organised by the Ogaden Youth and Students Union (OYSU) and the Somali Ogadenia community in the state of Minnesota.
The film Oohinta Qarsoon, which had been awaited for some time, was attended by a very large number of people, and the hall where the film was being shown was filled beyond capacity. The attendees included members of the Somali Ogadenia community, Somali brothers and sisters, and politicians born in the United States.
Before the screening of the film began, officials from the Ogadenia community delivered speeches at the venue. Politicians from the legislature of this country, America, and candidates standing in the Congressional elections in the state of Minnesota also delivered lengthy speeches there. These politicians made clear how they stand in support of the oppressed people of Ogadenia.

Worth mentioning are very young girls born here in America who recited poems written in English. The poems these girls recited truly carried messages and grief about the suffering that the Weyane colonisers are inflicting on the people of Ogadenia.
After that, the screening of the film Oohinta Qarsoon began, which was truly a well-produced film. The film was entirely about the history of the country of Ogadenia and the suffering that the Weyane colonisers have inflicted on the people of Ogadenia. It included people who had been tortured, with the scars visible on their bodies, women whom the Weyane colonisers had sexually abused, and people who had suffered imprisonment, torture and rape all combined.
This film, which truly carried very painful grief, was such that throughout its running time you could see that many of the people watching were unable to look directly at the film, and many of them ended up in tears.
After the film ended, the American-born politicians who had watched the film once again spoke about the impact the film had on them, and they all acknowledged that the film had deeply touched their feelings. These politicians made clear that they are determined to convey the suffering of Ogadenia to the American people and to politicians in the United States who are unaware of the situation in Ogadenia. One of the foreign politicians who spoke there described it as unfortunate that in the 21st century this suffering is taking place in Ogadenia, and at the same time that this suffering is being inflicted by the Ethiopian forces.

This film truly achieved its intended purpose, and the OYSU officials who worked on presenting the film Oohinta Qarsoon made clear to us that they will bring the film to many states in the United States, and at the same time this film will be spread across the corners of the world.

Mohamed Darbawayne.
Minneapolis
AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.
