Sawiradi Dib kala soco:
25-kii feb 2012-kii waxaa lagu soo bandhigay caasimada dalka Sweden Stockholm Film-kii Silent Cry (oohintii qarsoonayd) qaybtiisii 2-aad.

Ugu horayntiiba waxaa qud bad yar oo soo dhaweeyn diirana madasha kasoo jeediyay Xog-Hayaha OYSU Sweden Mudane Mahamed Amiin Barkhadle, Kadib waxaa si toosa looguda galay daawashada film-ka.
Film-ka oo ah mid lagasoo duubay shacabka dulman ee masaakiinta ah ee ay xad gudubyada ba’an sida jidh dilka, kufsiga, dilka, dhaca & xadhiga u gaystaan xukuumada Tigreega Ethiopia ayaa si waafiya shaaca looga qaaday.
Film-ka oo ahaa mid murugo badnaa ayaa waxaa lagusoo bandhigay bartamaha magaalada Stockholm kana soo qayb galeen dhamaan bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Stockholm & gobalada kale waxaana kasoo qeybgalay ururobadan oo taageera halganka Ogadenia.
Dhibaatooyinka shacabka Ogadenia oo kolba isa soo taraya ahna wax aanan marnaba la qarin Karin ayaa waxaay ku idlaayeen filmkan oo taabanayay meelo badan- bulshadii daawanaysayna ka wada ilmaysiiyay oo ay sababtay in ay qaarkood daawanba kari waayeen kolka ay arkeen sida loo dhibaateeyay umada masaakiinta ah ee aanan waxba galabsan kana soo barakacay dhulkoodii.
Bishan February oo ah bil dhamaan aduunka dacaladiisa ay ururka OYSU ka xuseen maalinka xasuuqa Ogadenia oo ah maalin murugo, lama ilaawaana ku noqotay umada reer ogadenia ayuu wadanka Sweden/Stockholm & Minneapolis, Minnesota nasiib u yeesheen inay noqdaan kuwii ugu horeeyay ee soo bandhigay Silent Cry Part 2.
Sikastaba ha ahaatee wax filim-kii la daawadaba oo laga murugoodo dhibaatooyinka araxan daro ee loogaysto shacabka dulman ee S/Ogadenia ayaa waxaa cod baahiyaha lagusoo dhaweeyay Mudane Mujahid Sh Ibrahin oo ah masuulka ugu sareeya ururka OYSU ugana soo kicitamay dalka UK munasabadan darted ayaa soo jeediyay qudbad aad u dheer taabanaysayna meela badan dadkana qiira galisay shacuurtoodiina sii kicisay. Asagoo walibana dhalinta uga digay wax yaala badan oo ay cadawga maleegaan kuna dhiira galiyay siday dhamaan uga qayb qaadan lahaayeen halganka xaqa ah. Mudane Mujahid oo hadalkiisa sii wata ayaa dhalinta kula dardaarmay ku dhaqanka xeerka ururka, ka run sheegida mabaadii’da’ururka & walibana fulinta awaamiirta asagoo u dul maray waxa xeerka uu qabo & waxa ka reeban intaba.
Kadib waxaa lagusoo dhaweeyay gabadh da’a yar Sharezad Faysal Gas oo ka soo jeedisay gabay wadaniya oo ay ku qortay afka swedhishka, waxaa sidoo kale ayana gabay qiima badan oo ingriis ah kasoo jeedisay Marwa Layla Abdulahi oo ah masuul ka tirsan OYSU Sweden.
Sidoo kale Xog-Hayaha OYSU Sweden faraca Flen Marwa Faduma Abdirahman ayaa ayana kasoo jeedisay geeraaro wadaniya kuwaasoo ahaa kuwa badalay dhamaan dareenkii dad weynaha oo aad loola qiirooday.
Waxaa sidoo kale hadala kooban oo aad u qiima badan goobta ka tidhi Khadija Ahmed oo ah gabadh da’deedu tahay 12-jir, Khadiija waxay qiratay ugu horayn inay farxad u tahay kasoo qayb galkii ay daawashada filmka kasoo qayb gashay, waxay sidoo kale qiratay inay aad uga xuntahay dhacdooyinka foosha xun ee ay indhaheeda ku aragtay misna loo gaysanayo shacabka S/Ogadenia,
Sidaa darteed Khadiija waxay balan qaaday inay wax u qabanayso umadeeda una aarayso mustaqbalka insha-allaah!
Guntii & gunaanadkii barnaamijkii film-ka ayaa soo gabagaboobay ayadoo dadkii ay shacuurtooda aad u kacsantahay kadibna ay qaarkood safaraday ku yimaadeen ay dib u galeen.
Ilwad Ali
ONA
Sweden/Stockholm.

First of all, the Secretary of OYSU Sweden, Mr Mahamed Amiin Barkhadle, delivered a short and warm welcoming speech to the gathering, after which the screening of the film began directly.
The film, which was recorded among the oppressed, destitute people, fully exposes the grave violations such as beatings, rape, killing, looting & detention that the Tigrean government of Ethiopia commits against them. The film, which was very sorrowful, was presented in central Stockholm and was attended by the whole Somali community living in Stockholm & other regions, and many organisations that support the struggle of Ogadenia also took part. The suffering of the people of Ogadenia, which keeps increasing and is something that can never be hidden, was contained in this film, which touched on many points and brought the audience watching it to tears, causing some of them to be unable even to watch when they saw how the destitute, innocent people who were displaced from their land had been made to suffer. In this month of February, a month in which the OYSU organisation in all corners of the world commemorated the day of the Ogadenia massacre, which is a day of sorrow that has become unforgettable for the people of Ogadenia, Sweden/Stockholm & Minneapolis, Minnesota had the fortune of being the first to present Silent Cry Part 2. In any case, after the film was watched and people grieved over the merciless suffering inflicted on the oppressed people of S/Ogadenia, Mr Mujahid Sh Ibrahin, the highest official of the OYSU organisation, who had travelled from the UK for this occasion, was welcomed to the microphone and delivered a very long speech that touched on many points, moved the people and further stirred their emotions. He also warned the youth about many things that the enemy is plotting and encouraged them on how they could all take part in the just struggle. Continuing his remarks, Mr Mujahid advised the youth to abide by the rules of the organisation, to be truthful to the principles of the organisation & also to carry out orders, as he went over both what the rules require & what they prohibit. Then a young girl, Sharezad Faysal Gas, was welcomed and recited a patriotic poem that she had written in Swedish, and Mrs Layla Abdulahi, an official of OYSU Sweden, likewise recited a valuable poem in English. Likewise, the Secretary of the Flen branch of OYSU Sweden, Mrs Faduma Abdirahman, also recited patriotic geeraar poems, which changed the whole mood of the audience and greatly stirred them.Also speaking briefly and very valuably at the venue was Khadija Ahmed, a 12-year-old girl. Khadiija first stated that she was happy to have attended the screening of the film, and she also stated that she was very saddened by the horrible events she had seen with her own eyes that are still being inflicted on the people of S/Ogadenia,
Therefore, Khadiija promised that she will do something for her people and avenge them in the future, insha-allaah! In conclusion, the film programme came to an end with the people's emotions greatly stirred, after which they went back, some of them having come from journeys. Ilwad Ali ONA Sweden/Stockholm.AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.

