Warar uu gumaysiga aad isugu dayay inuu qariyo ayuu goordhaweyd naga soo gaadhay wariyaha goobta u jooga wakaaladda. Gumaysiga Itobiya ayaa baryahan dambe aad u xakameeyay teleefoonadii ay dadka shacabka ah kuwada hadli jireen si jabka ciidamada gumaysiga ka soo gaadhaya goobaha dagaalka aanay isula socodsiinin.
Warkan ayaa naloogu sheegay in Dusmo oo ka tirsan degmada Awaare maalintii ay bishan ahayd 1da lagu qarxiyay gaadhi ay saarnaayeen saraakiil dhowr ah. Waxaa kaloo la sheegayaa inay ahaayeen ciidanka loogu talagay ilaalinta goobaha shidaal baadhidda oo socday inay soo mariyaan meela ka mid ah goobaha shidaal baadhidda lamana oga khasaaraha ka soo gaadhay dagaalka ay dhexda u galeen. Jabhadda ayaa dhowr jeer oo hore uga digtay shirkadaha shidaalka inay yimaadaan Ogadenya oo ah goob dagaal.
Gaadhigaa oo CWXO ay la socdeen ahmiyadiisa ayaa si gooni ah loo bartimaansaday. Waxaana la xaqiijinayaa inaysan waxba ka bixin saraakiishii iyo dadkii kale lagu waday gaadhigaa.
Wixii faahfaahin ah ee ka soo cusboonaada gadaal ayaan ka soo tabin doonaa.
ONA.
News that the colonizer tried hard to conceal has just reached us from the agency's correspondent on the scene. In recent days, the Ethiopian colonizer has tightly restricted the telephones that civilians used to communicate with one another, so that they cannot share news of the defeats suffered by the colonial forces on the battlefields.
We were told that on the 1st of this month, a vehicle carrying several officers was blown up in Dusmo, which is part of Awaare district. It is also reported that they were troops assigned to guard the oil exploration sites, who were on their way to pass through some of the oil exploration sites, and the losses they suffered in the fighting they ran into are not known. The Front has warned the oil companies several times before against coming to Ogadenia, which is a war zone.
The vehicle, whose importance was known to the ONLF, was specifically targeted. It is confirmed that none of the officers and other people being transported in that vehicle escaped.
We will report any further details as they emerge.
ONA.
AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.

