Waxaa caalamka laga xusay maalinta loogu magacdaray –Maalinta Caalamiga ee Haweenka International Women’s Day- oo ku beegan 8da Maarso. Maalintaasoo la xuso doorka ay haweenka ku leeyihiin dhaq-dhaqaaqa nolosha.
Haweenka Ogadeniya
Gabdhaha Ogadenya waa laf-dhabarka halganka gobanimadoon, waxayna hormuud ka yihiin dhamaan hawlaha kala duwan ee ka socda gudaha dalka iyo dibadiisaba.

Gabdhaha Ogadenya waxay la socdaan naftiihuraha jiida hore, waxay sahayaan ciidanka, waxay hayaan oy barbaariyaan naftii-hurihii beri. Gabdhaha Ogadenya markay qurbaha u soo baxaan, ma iloobaan dadkoodii ay ka soo dhoofeene waxay hadh iyo habeen u taagan yihiin hawlaha kala duwan ee jaaliyadaha. Waxay ka qaybqaataan shirarka jaaliyadaha, waxay u taagan yihiin meeshii lagu sheego inuu imanayo dhiigyacabka Meles oo mudaharaad ay kaga hortagaan.
Haweenka Somalida Ogadeniya maanta waxay kaga jiraan kaalinta ugu horeysa halganka Ogadeniya dibad iyo gudaba. Waxay haweenku leeyihin ururo bulsho oo u dooda xuquuqda Haweenka Somalida Ogadeniya ee dhibaatada xoogan soo gaadho. Waxa aynu ognahay in haweenku ay yihiin dadka dhibaatada ugu xooga badan ay kasoo gaadho Gumeysiga. Gumeysigu wuxuu dagaal si gaar ahaaneed ku qaaday haweenka Ogadeniya isagoon kala soocin Hooyo da’weyn, Gabdh iyo oori xurma mudan. Ciidamada gumeysiga iyo dhidid dhowrka la socdaba waxay kulakaca haweenka Ogadeniya tacadiyo kala gadisan oy kamid yihiin Kufsiga. Waxay xaqiijiyeen ururada xuuqul insaanka u dooda in dhulka Ogadeniya uu ka jiro Kufsi aad u xoog badan oo lagula kaco gabdhaha da’da yar iyo guud ahaanba haweenka si aabayeel la’aan ah. Waxaana lagu bah-dilaa arintaa shacabka Somalida Ogadeniya oo aad u qadariya sharafta dumarka.

Huda Yusuf ayaa ah gabadh dhalinyaro ah oo ka tirsan Haayada ARM. Waxay kamid tahay gabdhaha Somalida Ogadeniya ee da’da yar ee u istaagay inay qadiyada Ogadeniya iyo arrimaha Haweenka u doodaan oo fagaaro badana ay gaadhsiiyaan. Huda waxay kamid tahay Ururka Afrikan Right Monitor waxayna kulamo badan arrimaha haweenka ogadeniya kaga qeyb gashay Xarunta qaramada Midowbay ee Geneva iyo Newyork.
Dr. Fowsiya Cabdi Qadir ayaa iyana soo qaadan karna tusaalayasha haweenka Somalida Ogadeni. Dr Fowsiya waxay kamid tahay dadka xuquuqda Aadamaha u dooda ee khaastan Qadiyada Ogadeniya heerar badan oo caalami ah kaga hadashay haddey noqoto Guriga Cad ee Mareykanka iyo haddey noqoto doodaha TV-yada caalamiga ah ka soconaya sida Al jazeera iyo goobo kaleba. Iyada oo ka hadlaysa dhibaatada Soo gaadha Haweenka Somalida Ogadeniya ee Gumeysigu gaadhsiiyo.
Haweenka Somalida Ogadeniya ee UK ayaa iyagana waxay noqon karaan tusaale xoog badan oo kaga sheekayn karno kaalinta ururada bulshada haweenka Somalida Ogadeniya ay ku leeyihiin qadiyada Ogadeniya.
Sidoo kale Ururada dhalinyarada ayaa waxa kasoo qaadan karnaa sida gabdhaha Somalida Ogadeniya ay u yihiin gabdho firfircoon oo meelkasta oo howl halgan kasocoto ay hormuud ugu yihiin. gabdhaha OYSU ayaa tusaale ugu filan.
Filimkan Hoose ayaa waxa kusoo qaadanayna Haweenka Somalida Ogadeniya sida ay abbaabulka ugu sameyaan guubabada ugana hadlaan gumeysiga iyo sida looga xoroobi karo Marwo Koos oo kamid ah haweenka Ogadeniya ee quebaha ku nool ayaa burbaaburkan ka tirisay qadiyada Ogadeniya iyo sida maanta aan loo hor istaagi karin.
Haweenka Somalida Ogadeniya dhibaato kasta oo loo geysto waa haween aan marnaba hoos loo dhigi karin dareenkooda iyo niyadooda wanaagsan, waxayna ku dhiiranyihiin oo abaabulaan naftooda iyo ragga Ogadeniya. Waxay u duqlaateen oo xamilieen dhibaatada Gumeysiga, waxayna wacad ku mareen in dhulkooda ay xoraynayaan gumeysiguna uu ka tagi doono.
Sidoo kale waxa aad hoos ka dhageysta gabadh Somalida Ogadeniya ah oo Warbixin ka bixinaysa Kaalinka Haweenka Somalida Ogadeniya. Hoos gujji si aad u dhageysato.
gabdhaheena dhageyso; gujji halkan AUDIO /\
ONA
The world has marked the day named –International Women's Day– which falls on 8 March. It is a day on which the role women play in the life of society is commemorated.
The Women of Ogadenia
The women of Ogadenia are the backbone of the freedom struggle, and they are at the forefront of all the various activities taking place both inside the country and abroad.
The women of Ogadenia accompany the freedom fighters on the front line, they supply the fighters, and they look after and raise the freedom fighters of tomorrow. When the women of Ogadenia go abroad, they do not forget the people they left behind; day and night they stand ready for the various activities of the diaspora communities. They take part in community meetings, and they turn out wherever it is announced that the bloodsucker Meles is coming, to confront him with demonstrations.
Today the Somali women of Ogadenia occupy the foremost position in the Ogadenia struggle, both abroad and at home. The women have civil society organisations that advocate for the rights of the Somali women of Ogadenia, who have suffered severe hardship. We know that women are the people who suffer the most severe hardship from colonialism. The colonisers have waged war specifically against the women of Ogadenia, without distinguishing between elderly mothers, girls and respected wives. The colonial forces and the collaborators who accompany them commit various abuses against the women of Ogadenia, among them rape. Human rights organisations have confirmed that in the land of Ogadenia there is widespread rape, committed ruthlessly against young girls and women in general. This is used to humiliate the Somali people of Ogadenia, who greatly value the honour of women.
Huda Yusuf is a young woman who is a member of the organisation ARM. She is one of the young Somali women of Ogadenia who have stood up to advocate for the Ogadenia cause and women's issues and to bring them to many forums. Huda is a member of the African Rights Monitor organisation, and she has taken part in many meetings on the issues of Ogadenia's women at the United Nations headquarters in Geneva and New York.
Dr. Fowsiya Cabdi Qadir is another example we can cite of the Somali women of Ogadenia. Dr Fowsiya is one of the human rights advocates who, specifically on the Ogadenia cause, has spoken at many international levels, whether at the White House in the United States or in debates on international TV channels such as Al Jazeera and other venues, speaking about the hardship suffered by the Somali women of Ogadenia at the hands of the colonisers.
The Somali women of Ogadenia in the UK can also be a strong example through which we can tell of the role that the civil society organisations of the Somali women of Ogadenia play in the Ogadenia cause.
Likewise, from the youth organisations we can show how the Somali women of Ogadenia are active women who are at the forefront wherever struggle activities take place. The women of OYSU are a sufficient example.
The film below shows how the Somali women of Ogadenia organise rallying chants of encouragement and speak about colonialism and how freedom from it can be achieved. Mrs Koos, one of the women of Ogadenia living in the diaspora, recited this poem about the Ogadenia cause and how today it cannot be stopped.
Whatever hardship is inflicted on the Somali women of Ogadenia, they are women whose spirit and good morale can never be brought down; they are courageous and they mobilise themselves and the men of Ogadenia. They have endured and borne the hardship of colonialism, and they have vowed that they will liberate their land and that the colonisers will leave.
Also, below you can listen to a Somali woman of Ogadenia giving a report on the role of the Somali women of Ogadenia. Click below to listen.
listen to our women; click here AUDIO /\
ONAAI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.
