Opens in a new tab

Gabdhaha S.Ogadeniya ee Dammam/Saudi Arabia oo Kulan Xamaasad Leh Isugu Yimid

ONA7 May 2011
Read in English

Shalay oo taariikhdu ahayd May 6, 2011 ayaa waxaa shir xamaasad iyo qiiro leh isugu yimid ururka haweenka Somalida Ogadeniya ee magaalada Dammam ee bariga Saudi Arabia. Shirkan oo ahaa kii ugu horeeyay noociisa oo kale ah oo lagu qabto Dammam ayaa waxaa ka soo qayb galay dhamaan xubnaha ururka haweenka Somalida Ogadeniya oo dhan yar iyo weynba, waxaanan shaqsi ahaan odhan karaa wuxuu ahaa shirkii ugu xamaasada badnaa ee lagu qabto carriga Saudi Arabia ama meelo badan oo adduunka ka mid ahba.

Waxaa goobta yimid gabdho iyo hooyooyin dhibka somalida Ogadeniya haysta si dhab ah u dareemaya, waxayna goobta ka soo jeediyeen hadalo isugu jira guubaabo, buraanbur, gabay, dhaanto iyo heeso wadani ah kuwaas oo kaga oohiyey dhamaan dadkii goobta joogay. Ma jirin qof aan indhihiisa ilmo qoynin oo shirka fadhiyey.

Hadaba ka sokow guubaabaddii gabdhaha waxaa shirka khadka telefoonka kaga qayb qaatey Hogaanka Warfaafinta ee Jabhada Wadaniga Xoreynta Ogadeniya Xuseen Nuur oo halkaas ka soo jeediyey warbixin dheer oo si khaas ah uga hadlaysa xaalada halganka ay ONLF hormuudka ka tahay. Mr. Xuseen wuxuu si gaar ah u tilmaamay sida haweenku u yihiin laf dhabarta halganka, la’aantoodna aan waxba u socon karin, wuxuuna ku guubaabiyey inay marada dhexda ku xidhaan dardarna galiyaan wax qabadkooda.

Sidoo kale waxaa isaguna hadal shirka ka soo jeediyey Ali yare oo baryahanba ka tirsanaa jahliyada Dammam, wuxuuna  u sheegay ka qayb galayaashii shirka in haddii laba qowmiyadood dagaal dhex maro uu hadba tii dadaal badani guuleysato. Ali yare waxaa hadaladiisii ka mid ahaa “Gumeysigu wuxuu rabaa inuu u dhinto naftiisana u huro inuu ina gumeysto, marka sow maha inaan u dhimano inaynu xorowno?”, halkaas oo ay cod buuxa ku yidhaahdeen “Haa diyaar baanu u nahay inaanu u dhimano xoriyadayada”

Dhanka kale waxay gabdhihii soo jeediyeen fikirado ay ka mid yihiin: in la sameeyo tv madax banaan oo codka shacabka somalida ogadeniya ku hadla iyo in guud ahaan warbaahinta jabhada la xoo jiyo. Su’aalahaas ayaa waxaa si fiican uga jawaabey Hogaanka Warfaafinta Mr. Xueeswn Nuur, muxuuna u sheegay inuu fikirkooda la wadaagi doono madaxda jabhada ee kale.

Shirkan runtii ahaa shirkii uga xamaasada badnaa een ka qayb galo ayaa waxaa soo abaabulay, iskuna soo dubo riday Farxiya Maxamud oo iyadu diyaarisay goobtii shirka iyo casho sharaf qiimo leh iyo Saciid Cali (Gacan) iyo Axmed Dhabarlow oo kaalin laxaad leh ka qaatey ogaysiiskii iyo daad gureyntii martida.

Shirkan oo niyad sami badan ku soo kordhiyey dadkii goobta yimid ayaa lagu soo gabgababeeyey farxad iyo isu soo dhawaansho waxaana lagu balamay in shirarka la joogteeyo.

Ali Yare / Dammam – Saudi Arabia

La wadaag