Wararka nagasoo gaadhay Tuulada Galgalinta oo Dagmada Sagag ee Gobolka Nogob katirsan ayaa sheegaya arin mucjiso ah oo ku dhacday qoys awalba abaaraysnaa oo halkaas daganaa.
Warka ayaa sheegaya in Geel 75 neef ah oo halkaas lagu hayay uu daaqay geedka looyaqaano Xangay-dhurwaa oo sida lasheegay ay xooluhu ku xanuunsadaan.
8 kamid ah Geela ayaa bakhtiday halka 23 kalana aysan waxba la noolayn oo ay aad u liitaan, iyadoo Geela kalana uu kudabo jiro.
Goob jooge ay lahadashay Wakaalada Wararka Ogadenia ONA ayaa nooxaqiijiyay in aysan qoyskan helin wax gargaar ah oo uga yimid dhinaca Maamulka heerarkiisa kala duwan Dagmo, Gobol iyo Feegaan midna.
Baahida hada ugu badan ayaa ah Biyo iyo Dawo sida uu noosheegay goobjoogahan oo aan codkiisa u qarinay sababo la xidhiidha Amaankiisa.
Rajada laga qabo ayaa iska yar maamulka DDS in ay si fiican ama ku haboon uga jawaabaan dhibaatooyinka ku dhaca dadka shacabka ah.
ONA.
Reports reaching us from Galgalinta Village, which is part of Sagag District in Nogob Region, describe a strange incident that befell a family living there that had already been suffering from drought.
The report says that 75 camels kept there grazed on the plant known as Xangay-dhurwaa, which reportedly makes livestock sick.
8 of the camels have died, while another 23 are barely alive and in very poor condition, and the rest of the camels are also following suit.
An eyewitness who spoke to the Ogaden News Agency (ONA) confirmed to us that this family has not received any assistance from any level of the administration, whether district, regional or federal.
The greatest need at present is water and medicine, as this eyewitness told us; we have withheld his voice for reasons related to his safety.
There is little hope that the Somali Regional State administration will respond well or appropriately to the hardships that befall the civilian population.
ONA.
AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.
