
Waxaa sidaad lagu soo gabagabeeyey magaalada Denver ee gobolka Colorado shir-qaaradeedkii sanad leha ahaa ee Waqooyiga Maraykanka (North America) ee ururka dhalinyada Iyo ardayda Somalida Ogaadeeniya. Shirkan oo ay ka soo qayb galeen guud ahaanba urur-hoosaadyada, xubnaha iyo taageerayaasha qadiyada Ogaadeeniya ee qaarada waqooyiga Maraykanka ayaa waxaa lagu gorfeeyey mudadii sedexda maalmood ahayd ee uu socday qodobo muhiid u ah halganka uu ku jiro shacbiga Ogaadeeniya ee uu kuraadiyana xaqa aayo katashigiisa iyo sidii uu uga hoos bixi lahaa gumeysiga Itoobiya.
Hadaba shirka oo ujeedadiisu ahayd qabashada laba munaasabadood oo isku soo aadey oo kala ah; Xuskii sanad guuradii 1aad ee kasoo wareegtay tan iyo intii lamideeyey guud ahaan ururadii dhalinyarada Ogaadeeniya ee kajiray caalamka kuna midoobay urur weyna OYSU iyo shir sanadeedkii qaarada waqooyiga American (North America).
Shirkan oo socday mudo sedex maalmood ah ayaa galinkii hore ee maalintii jimcaha ahayd kubilowday soo dhoweyntii wufuudii kalala timid gobolada Maraynkana iyo Canada iyo waliba xunbo kasoo kicitimay qaarada yurub. Habeenimadii jamcaha ahayd ayaa waxaa furmay shirar goos goos ah oo isugu jira isbarasho iyo isu xogwaran ay is waydaarsanayeen waftiyadii shirka kasoo qaybgaley.
Maalinti sabtida ahayd ayaa waxaa furmay shirweynihii oo si heersare ah loosoo abaabuley oo ay ka soo qaybgaleen dadweyna aad u tiro badan oo muujinayey shucuur iyo sawaxan soo jiidasho leh oo laga maqlayo nawaaxiga hallka shirka. Shirka ayaa qaybtii sii hore waxaa lagu furey warbixin heersare ah oo ay si talantaali ah u soojeediyeen waftigii qaaliga ahaa ee uu hogaaaminayey hogaanka arimaha dibada ee JWXO mudane Abdirahman Sh Mahdi Madeey oo ay weheliyeen hogaanka qorsheynt iyo cilmi baadhist JWXO mudane Mahamud Nur, wakiilka JWXO u qaabilsan Maraykanka mudane Ahmed Majerteen iyo Isku-duwaha gobolada looyaqaano West Coast mudane Ahmed Ali Yusuf.
Kadib khudbadihii kaladuwanaa ee ay halkaas kasoo jeediyeen madaxdii jabhada ee kasoo qaybgashay shir waxaan laguda galay qaybtii labaad ee shirka oo ay guud ahanba daadihinayeen madaxda ururka dhalinyarada ee heer qaaradeed. Qaybtaas dambe ee shirka oo aad u xiiso badney ayey dhalinyaradu kusoo bandhigeen barmaamijyo xiise leh oo isugu jiray warbixino maqal iyo muuqaal ah aad iyo aad u qiiro galayey dadweynihii goobta joogay iyo qaybihii madadaalada (entertainment) sida heeso iyo dhaanto guuxa oo dhamaantaad kawada hadlayey amaba matalayey qadiyada Ogaadeeniya run ahaantiina kor u qaaday dareenka wadaniyadeed ee dadweynihii kasoo qaybgaley shirka.
Maalintii sedexaad oo ahayd Sunday July 24 ayaa waxaa dhacay shirka qaybtiisii ugu qiimahabadney wuxuna shirku ku furmay simanaaro iyo workshops ku saabsan ururnimada, hogaaminta bulshada iyo siyaasada oo ay soo jeediyeen qaar kamid ah maamulka dhalinyarada OYSU ee North American. Kadib aqoon isweydaarsi dheer wuxuu shirku dib ugu noqday qaabka doodwadaaga ah ee afka qalaad lagu yidhaahdo round-table iyada oo laqiimaynayey waxqabadkii urur hoosaadyada dhalinyarada mudadii sanka ahayd ee ay jireen. Waxa qabsoomay, maxaan qabsoomin, maxaase ubaahan in hada wax laga qabto. Kadib falanqeyn dheer shirku wuxuu isla qaatay amaba isku raacay qodobadan hoosku xusan
1. xoojinta iyo adkeynta midnimada dhalinyarada OYSU ee qaarada North American.
2.Gaadhsiinta laamaha ururka OYSU gobol kasta oo kamid ah qarada waqooyiga America
3.Taageerida, xoojinta iyo garab istaaga halganka xaqa ah ee umada Soomaalida Ogaadenya ugu jirto helida xornimo buuxda
4.Dhaqan galinta iyo qaadashada campaignka I CARE ABOUT OGADEN
5.Kor uqaadida aqoonta dhalinyarada meelkasta ay joogaanba iyada oo labarayo taariikhda wadankooda iyo tan wadamada kale ee kudayashada mudan.
6. Diiwaan galinta tacadiyada ka dhaca gudaha Ogaadeenya loona gudbiyo ha,yadaha xaquuqul insaanka ee ay quseeyso
7. Diiwaan galinta iyo uruurinta dhalinyarada u dhalatay Ogaadeenya ee kunool wadamada qurbaha
8. la,dagaalanka borobogaandada cadowga ee ku wajahan shaki galinta halganka xaqa ah ee Soomaalida Ogaadeenya ku jirto iyo shirqoolada wajiga badan
9.Hirgalinta simminaaro kor loogu qaadaayo aqoonta xubnaha ururka dhalinyarada
Baaq
Wuxu shirku ugu baaqayaa hayadaha iyo wadamada deeqda bixiya in ay usoo gurmada shacabka Ogaadeeniya ee abaaraha jira kasakow ay cuntadii ka xidhay dawlada gumeysida iyo cabudhiska kudhisan ee Itoobiya. In baadhitaan buuxa lagu sameeyo arimaha laxidhiidha kuxadgudubka xuquuqda aadamiga ee ay Itoobiya waddo gobolka Ogaadeeniya oo beryahan dambe aad iyo aad uga soo daraya. Wuxuu sidoo kale shirku ugu baaqayaa shacabka Ogaadeeniya iyo walaalahooda Jamuuriyada Soomaaliyeedba in ay garab istaagaan halganka mudada dheer kasocda gobolka Ogaadeeniya halgankaas oo uu jaawib ka saaranyahay cidkasta oo nabada iyo cadaalada jecel.
Taageerid
Wuxuu shirku si buuxda u taageeray dhaqdhaqaaqa xoriyad raadiska ah ee uu ku jiro shacabka Soomalida Ogaadeeniya kagana soo horjeedo gumeysida manaxaanka ah ee Itoobiya. Waxaan dhiiri galinaynaa taageero hiil iyo hooba ahna aan lagarabtaaganahay geesinimada iyo adkeysiga ay muujiyeen CWXO iyo Shacabka Ogaadeeniya oo iskaashanaya.
Cambaareyn
Waxaan canbareeyneynaa falalka foosha xun ee ka dhanka ah sharciyada uyaala caalamka ee ay dowlada gumeysiga Itoobiya kula kacayso shacabka dulman ee Soomaalida Ogaadeeniya. Waxaan sidookale cambaareyn dusha uga tuureynaa inta gacan ku siinaysa dulmigaas ay dowlada Itoobiya ugaysanayso shacabka Ogaadeeniya iyaga oo fulinaya rabitaanka gumeysiga. Ugu dambaystiina waxaan u digaynaa gumeysi kalkaal naftooda u halaagaya sidii ay u raali galin lahaayeen gumeysiga. Waxaana leenahay kawaantooba u adeegida gumeysiga Itoobiya.
Guul iyo Gobanimo
OYSU North American
The annual North America continental conference of the Ogadenia Somali Youth and Students Union was successfully concluded in the city of Denver, Colorado. The conference was attended by sub-branches, members and supporters of the Ogadenia cause from across the North American continent. Over the three days it ran, it examined key issues in the struggle of the people of Ogadenia, who are fighting for their right to self-determination and to free themselves from Ethiopian colonialism.
The conference was held to mark two occasions that fell together: the 1st anniversary of the merger of all the Ogadenia youth organisations around the world into one large union, OYSU, and the annual conference of the North American continent (North America).
The conference, which lasted three days, began on Friday morning with the welcoming of delegations who had come from the various states of America and from Canada, as well as members who had travelled from the European continent. On Friday night, separate meetings opened, combining introductions and exchanges of information among the delegations attending the conference.
On Saturday, the main conference opened. It was organised to a high standard and attended by a very large crowd, whose emotion and stirring commotion could be heard around the conference hall. The first part of the conference opened with high-level reports delivered in turn by the distinguished delegation led by the ONLF head of foreign affairs, Mr Abdirahman Sh Mahdi Madeey, accompanied by the ONLF head of planning and research, Mr Mahamud Nur, the ONLF representative for America, Mr Ahmed Majerteen, and the coordinator of the region known as the West Coast, Mr Ahmed Ali Yusuf.
After the various speeches delivered there by the front's leaders attending the conference, the second part of the conference began, which was led overall by the continental-level leadership of the youth union. In this later and very engaging part of the conference, the young people presented interesting programmes that included audio and video reports that deeply moved the audience present, as well as entertainment segments such as songs and dhaanto dances, all of which spoke about or represented the Ogadenia cause and truly raised the patriotic feelings of the people attending the conference.
On the third day, Sunday July 24, the most valuable part of the conference took place. It opened with seminars and workshops on organisation, community leadership and politics, delivered by some of the administrators of OYSU North America. After a long exchange of knowledge, the conference returned to a discussion format known in a foreign language as a round-table, evaluating the work of the youth sub-branches over the year they had existed: what had been achieved, what had not been achieved, and what now needed to be addressed. After lengthy analysis, the conference agreed on or adopted the points listed below
1. Strengthening and consolidating the unity of OYSU youth in the North American continent.
2.Extending OYSU branches to every state in the North American continent
3.Supporting, strengthening and standing alongside the just struggle the Somali nation of Ogadenia is waging to achieve full freedom
4.Implementing and adopting the I CARE ABOUT OGADEN campaign
5.Raising the knowledge of young people wherever they are, by teaching them the history of their country and that of other countries worthy of emulation.
6. Documenting the abuses taking place inside Ogadenia and submitting them to the relevant human rights organisations
7. Registering and gathering young people born in Ogadenia who live in countries in the diaspora
8. Combating the enemy's propaganda aimed at casting doubt on the just struggle of the Somalis of Ogadenia, and its many-faceted conspiracies
9.Holding seminars to raise the knowledge of youth union members
Appeal
The conference appeals to donor organisations and countries to come to the aid of the people of Ogadenia, who, on top of the ongoing droughts, have had their food blocked by the colonial and oppressive government of Ethiopia. It calls for a full investigation into matters related to the human rights violations Ethiopia is carrying out in the Ogadenia region, which have greatly increased recently. The conference also calls on the people of Ogadenia and their brothers in the Somali Republic to stand alongside the long-running struggle in the Ogadenia region, a struggle that is the responsibility of everyone who loves peace and justice.
Support
The conference fully supported the liberation movement in which the Somali people of Ogadenia are engaged, opposing the brutal colonialism of Ethiopia. We encourage support with all our might and we stand alongside the courage and resilience shown by the ONLF and the people of Ogadenia working together.
Condemnation
We condemn the heinous acts, contrary to international law, that the colonial government of Ethiopia is committing against the oppressed Somali people of Ogadenia. We also cast condemnation upon those who assist in that oppression the Ethiopian government is inflicting on the people of Ogadenia, carrying out the will of the colonialists. Finally, we warn the colonial collaborators who are destroying themselves trying to please the colonialists. And we tell them to cease serving Ethiopian colonialism.
Victory and Freedom
OYSU North AmericanAI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.
