Waxaa weli u socda oo waqtigii loogu tala galayna dhaafay Shirkii uu Cabdi iley isugu yeedhay hangooladiisa kala jooga degmooyinka dalka. Shirkan oo uga socday magaalada Jigjiga ayay kaga arinsanayeen siday sheegeen habkii looga hortagi lahaa xoogaga ONLF ee ku soo badanaya bay yidhaahdeen deegaanada looga kala yeedhay gudoomiyayaasha iyo madax xafiisyada shirkaasi kasoo qayb galay. 10ban maalmood oo goradda la’iskula jiray ka dib ayaa shirka laga sheegay in hadana wakhtigii loogu tala galay inuu shirku soo gabagaboobo la kordhiyey oo lagu daray muddo todobaad kale.
Waa hubaal in arimaha ay ka arinsanayaan aanay sahlanayn, sababtoo ah waxay qandaraas ku soo qaateen hawshii ay diideen ciidankii Itobiya oo ka maagay inay u baxaan goobaha dagaalka, waxayna jiritaanka kooxdan ay ku xidheen ama in iyaga la waayo ama shacabka.
Ka hortaga iyo cabsida laga qabo xoogaga ONLF inay weeraro cusub oo balaadhan soo qaadaan ayaa waxaa garab socda is-qabqabsi iyo is-eedayn iyo iska hoos guurkii badnaa ee lagu yaqiinay kooxdan marka ay shirkanoo kale ay isugu yimaadaan halkaasoo ay gacanyarayaasha gumaysigu isku wanjalayaan. Dad xog-ogaal ah on ka wareysanay waxay yidhaahdeen ilaa iyo hada ma jirto wax nuxur leh oo ka soo baxay ama kasoo muuqda maamulka gumaysiga Itoobiya ee halkan ku shiraya, balse xaaladaha la’isugu yeedho ee gumaysigu kolba uu u soo dhiibo wakiiladiisa waa un tana kuday si ay isugu maaweeliyaan hawl baa socota oo berry ayaa la soo qaban ONLF.
Waxaa hanjabaadyo kul-kulul looga soo jeediyey shirka guud ahaan shacabka iyo dagmooyinka qaar ka mid ah oo loogu hanjabay in laga baabi’in doono dagmanimada sida magaalada {dhagaxmadaw}haday ka hortagi waayaan xoogaga ONLF ee khatarta ku haya ciidamada iyo maamulka dabaqoodhiga ah ee gumaysiga Itoobiya.
Waxa kali ah ee la hubo inuu shirkan ka soo bixi doono waa laynta shacabka aan waxba galabsan ee birmagaydada ah .. kuwaasoo ay ka aargoostaan markasta oo ciidamada gumaysiga ama maxaysatada Hawaarin lagu jabiyo goobaha dagaalka.
Jigjiga/ONA.
The meeting that Cabdi iley convened for his henchmen stationed in the various districts of the country is still under way and has gone past the time planned for it. The meeting, being held in the city of Jigjiga, was discussing, as they put it, how to counter the ONLF forces, which they said are growing in the areas from which the chairmen and office heads attending the meeting were summoned. After 10 days of locking horns with one another, it was reported that the time planned for the meeting to conclude has once again been extended, with another week added.
It is certain that the matters they are discussing are not easy, because they took on as a contract the task that the Ethiopian army refused when it balked at going out to the battlefields, and they have tied the very existence of this group to either their own disappearance or that of the people.
Alongside the countermeasures against the ONLF forces and the fear that they will launch new, widespread attacks, there is also the squabbling, mutual blame and backstabbing for which this group has become well known whenever they gather for a meeting like this, where the colonisers' lackeys clash with one another. Well-informed people we interviewed said that so far nothing of substance has come out of, or is visible from, the Ethiopian colonial administration meeting here, but that the gatherings the colonisers convene from time to time and hand over to their agents are just another of the same, so that they can amuse themselves that work is being done and that the ONLF will be captured tomorrow.
Very harsh threats were issued at the meeting against the public in general and against some districts, which were threatened with being stripped of their district status, such as the town of {dhagaxmadaw}, if they fail to stop the ONLF forces that pose a danger to the troops and the puppet administration of the Ethiopian colonisers.
The only thing certain to come out of this meeting is the killing of innocent, defenceless civilians, on whom they take revenge whenever the colonial troops or the Hawaarin mercenaries are defeated on the battlefields.
Jigjiga/ONA.
AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.
