Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu qabtay kulan lagaga arinsanayay arrimaha Somalia kaasoo ka dhacay magaalada New York ee xarunta Qaramada Midoobay looga taliyo, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud oo kulankan ka qaybgalay ayaa warbixin meelo badan taabanaysa lawadaagay QM.
Madaxweynaha ayaa ka hadlay arimo ay kamid yihiin dhallinyaro Somaliyeed oo la sheegay inay ku dhinteen dhawaan badda Medetereeniyaanka iyagoo u tahriibaya Qaarada Yurub, horumarka siyaasdeed ee ay ku talaabsatay Somalia, doorashooyinka dhamaadka sanadkan 2016 dhacaya, dhismaha maamul goboleedyada Federaliga ah, amaanka iyo taageerada ay u baahanyihiin ciidamada Somalia iyo Kuwa Midowga Africa AMISOM si ey u sii wadaan dagaalka ka dhanka ah argagixisada.
Wadanka Somaliya ayaan wali gaadhin marxalad uu isku filan karo iyadoo ay kajiraan dhibaatooyin fara badan oo ragaadiyay horumarkii ladoonayay in lagaadho.
ONA
AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.
