Waxaa maanta oo Axad ah 04dii Dec lagu qabtay magaalada Nairobi ee Caasimada dalka Kenya Shir ay soo qaban-qaabiyeen gudiga qoxootiga Ogaadeeniya oo sanadihii oogu danbeeyey ka shaqaynayey siday oga hortagi lahaayeen dhibaatooyinka haysta Qoxootiga Ogaadeeniya marka ay ka gudbayaan xuduudaha Ogaadeeniya ay u cararayaan wadamada dariska la’ah Ogaadeeniya Sida Kenya, Soomaaliya, Djabuuti. Ujeedada uu Gudiga u qabtay shirkan maanta ayaa ahaa siday u cadeyn lahaayeen xuquuqada qoxootiga Ogaadeenya ee ku nool dalka Kenya.
Waxaa goobjooga ka ahaa TV-yada dalka Kenya oo ay kamid yihiin KMB TV, K24 TV, NT TV. Sidoo kalena waxaa goobjoog ka ahaa saxaafad Soomaalida iyo boqolaal ka tirsan muwaadiniinta u dhalatay Ogaadeeniya oo qoxooti ku ah dalka Kenya.
Ugu horeyn waxaa shirka khudbad dheer ka jeediyey Gudoomiyaha Hay’ad Qoxootiga Ogaadeeniya Axmed Farax Maxamuud oo ka hadalay xidhiidhka Hay’ad Ogaden Refugee Commutee iyo Xafiiska UN ta ee magaalad Nairobi. Wuxuu sheegay gudoomiyaha inay ka bexeen xiligii itoobiya ay sheegi jirtay in ayna haysanin dhibaato muwaadiniinta Ogaden ay ooga soo cararaan dalka Ogaden. Axmed oo ka hadalayey arimhaas ayaa yidhi; “Waxaa jirtay in muwaadiniinta Ogaadeeniya ee Kenya ku soo qaxa loo qori jirey in ay yihiin Soomaali loona diidi jirey in loo diiwaan galiyo inay yihiin qoxooti Ogaadeeniya, taasoo Itoobiya ay ku cadaadin jirtay hay’adaha iyo cid walba oo isku dayda in qoxootiga Ogaadeenya xaaladooda la fiiriyo. Lixdii sanee oogu danbaysa ayaa markii la helay boqolaal qoyes oo diiday in ay badalaan dhalashadooda muwaadinimo diidayna inay sheegtaan inay Soomaaliya ka soo carareen ayay suurogal noqotay in la helay xuquuqdii qoxootinimo ee dadkanagu lahaayeen”
Axmed wuxuu sheegay in dilal iyo hanjabaado intaba loo gaysto dad Qoxootiga Ogadenya ayna dhamaan Hay’adaha ay arrintaasi khusayso kala hadaleen.
Waxaa kaloo shirka ka Hadley Cabdulaahi Xaliye oo kamid ah muwaadintiinta Ogaadeniya ee mudada dheer xabsiga ku jirey oo sheegay in mudo 10 sano ah uu xabsi ku jirey soo dayntiisana ay ka qayb qaadatay hay’ada ICRC oo mudo dheer dabo socotay kiiskiisa. Waxaa iyadana shirka ka hadashay Sugra Fiili oo ah Hooyo lagu soo dhibaateeyey xabsi ku yaala magaalad Sagag ee gobolka Nogob. Warbixnta Sugra oo aad u dheereyd ayey ku sheegtay in ay xabsiga magaalad Sagag ku dhashay ilmo. “Waxaan xabsiga ka soo baxay iyada oo ehelkaygii ay iga samreen oo la’igu tireyey dadkii xabsiyada ku dhintay in aan ku jiro” ayay tidhi Sugra. Iyadoo raacisay’ “Waxaa wali xabsiyada ku jira gabadho badan kuwaas maalin walba lagu ciqaabo xabsiyada”.
Waxaa Shirka lagu soo bandhigay Sawiro iyo muuqaalo ka turjumaya xadgudub lagu sameeyey muwaadiniin u dhalatay Soomaalida Ogaadeenya oo ku noolaa dalka Kenya kuwaas oo qaarkooda lagu fuliyey falal xun xun sida Cabdirisaaq Tiibaa, Cabdi Cabdulaahi iyo Kamas dhabar oo dhamaantooda lagu dilay Kenya iyaga oo haysta warqadaha aqoonsiga qoxootiga taas oo muujineysa in itoobiya ayna qadarineynin nidaamka caalamiga ah iyo midka Qaramada midoobay.
Ugu dambeeyntii gudoomiyaha gudiga qaxootiga Ogaadeenya ee Kenya Axmed Faarax Maxamuud ayaa sheegay in dhibaatada dadka Ogaadeenya ka soo jeeda ku haysta dalka Kenya ay tahay mid aad looga argagaxo, waxaana uu sheegay in dad badan loogu goodiyay in la dilli doono, waxaana qaarkood laga soo wacay gudaha dalka Ethiopia.
Dowlada Kenya ayuu ku tilmaamay meel ay demuqraadiyad ka jirto, waxaana uu muwaadiniinta reer Ogaadeenya ugu baaqay inay niyadooda dajiyaan oo ay sharciga dalkan ay ku noolyihiin ixtiraamaan iyagoo xuquuqdoodana si sharci ah ku raadsnaya.
ONA.
Today, Sunday 4 December, a conference was held in Nairobi, the capital of Kenya, organised by the Ogadenia Refugee Committee, which in recent years has been working on how to counter the problems facing Ogadenia refugees when they cross the borders of Ogadenia and flee to Ogadenia's neighbouring countries such as Kenya, Somalia and Djibouti. The committee's purpose in holding today's conference was to set out the rights of Ogadenia refugees living in Kenya.
Present were Kenyan TV stations, including KMB TV, K24 TV and NT TV. Also present were the Somali media and hundreds of Ogadenia-born citizens who are refugees in Kenya.
First, a long speech was delivered to the conference by the Chairman of the Ogadenia Refugee Organisation, Axmed Farax Maxamuud, who spoke about the relationship between the Ogaden Refugee Committee and the UN office in Nairobi. The chairman said they have moved past the time when Ethiopia used to claim that there were no problems causing Ogaden citizens to flee the country of Ogaden. Speaking on these matters, Axmed said: "Ogadenia citizens who fled to Kenya used to be registered as Somalis and were refused registration as Ogadenia refugees, and Ethiopia used to pressure the organisations and anyone who tried to have the situation of Ogadenia refugees examined. In the last six years, when hundreds of families were found who refused to change their nationality and refused to say they had fled from Somalia, it became possible for these people of ours to obtain the refugee rights they were entitled to."
Axmed said that both killings and threats are being carried out against Ogadenia refugees, and that they have raised this with all the organisations concerned.
Also addressing the conference was Cabdulaahi Xaliye, one of the Ogadenia citizens who had been imprisoned for a long time, who said he had been in prison for 10 years and that his release was aided by the ICRC, which had followed his case for a long time. Also speaking at the conference was Sugra Fiili, a mother who had been abused in a prison in the town of Sagag in Nogob region. In her very lengthy account, Sugra said she gave birth to a child in the prison in Sagag. "I came out of prison after my relatives had given up on me and I had been counted among the people who died in the prisons," Sugra said. She added: "Many girls are still in the prisons, and they are tortured in the prisons every day."
Photos and footage were shown at the conference depicting abuses committed against Ogadenia Somali-born citizens who were living in Kenya, some of whom were subjected to terrible acts, such as Cabdirisaaq Tiibaa, Cabdi Cabdulaahi and Kamas Dhabar, all of whom were killed in Kenya while holding refugee identity papers, which shows that Ethiopia does not respect the international system or that of the United Nations.
Finally, the chairman of the Ogadenia Refugee Committee in Kenya, Axmed Faarax Maxamuud, said that the problems facing people of Ogadenia origin in Kenya are terrifying, and he said many people have been threatened with death, some of them receiving calls from inside Ethiopia.
He described the Kenyan government as a place where democracy exists, and he called on the citizens of Ogadenia to stay calm and respect the law of the country they live in while seeking their rights through legal means.
ONA.
AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.

