Waxaa maanta oo ay taariikhdu tahay 03/24/2012 waxaa shir isugu yimid xubnaha maamulka jaaliyada Ogaadeeniya ee gobolka Nebraska kuwaas oo kakala yimid dhamaan degmooyink uu ka kooban yahay gobolku sida Grand Island, Lexington, Sioux city iyo Omaha. Shirkaan oo lagu qabtey hallka shirarka ee Grand Island Public Library ayaa waxaa ka soo qaybgalay Hogaanka arimaha bulshada iyo Abaabulka HAAB Mudane Maxamed Cabdi Yaassin (Diirane) oo ay lasocdeen madaxa gobolada Midwest Mudane Axmed Rafle iyo Gudoomiyaha OYSU Mudane Farxaan Axmed.
Gudoomiyaha HAAB oo maalmahanba booqasho hawleed ku maraya Waqooyiga Ameerika ayaa warbixin dhinacyo badan taabaneysa siinayey xubnihii Jaaliyadaha Ogaaadeeniya ee kulamada gaar gaarka ah la yeelanayay. Shirkan jaaliyadda Nebraska ayaa qayb ka ah hawlaha uu hogaanka u tagay Mareykanka.
Mudane Diirane ayaa ku siiyey xubnaha jaaliyadda seminar ku saabsan habka maamulka iyo doorka jaaliyadaha ay ka qaataan halganka uu shacbiga Ogaadeeniya ku doonayo xaqa aayo katashigiiga.
Seminaarka kadib wuxuu Godoomiyaha HAAB dhegeystay rayiga iyo soo jeedintii xubnaha isaga oo uga Jawaabey wixii su,aalo ahaa ee ay qabeen. Hogaanka HAAB oo mudadan dambe howlo Koormeer iyo seminaaro isugu Jira u joogay wadanka Mareykanka ayaa xalay fiidkii u ambabaxay magaalada Kansas city ee gobolka Missouri Halkaas oo uu godoomiyuhu kula shiri doona maalinta Axada ah xubnaha Jaaliyada ee gobolkaas.
ONA/Nebraska
Today, 03/24/2012, the administrative members of the Ogadenia community in the state of Nebraska met. They came from all the towns that make up the state, such as Grand Island, Lexington, Sioux City and Omaha. The meeting, held in the meeting hall of the Grand Island Public Library, was attended by the Head of Social Affairs and Mobilisation (HAAB), Mr. Maxamed Cabdi Yaassin (Diirane), who was accompanied by the head of the Midwest regions, Mr. Axmed Rafle, and the Chairman of OYSU, Mr. Farxaan Axmed.
The Chairman of HAAB, who is currently on a working visit to North America, has been giving wide-ranging briefings to members of the Ogadenia communities at the separate meetings he has been holding with them. This meeting of the Nebraska community is part of the work for which the directorate travelled to the United States.
Mr. Diirane gave the community members a seminar on the administrative system and the role that communities play in the struggle through which the people of Ogadenia seek their right to self-determination.
After the seminar, the Chairman of HAAB listened to the opinions and suggestions of the members and answered the questions they had. The HAAB directorate, which has recently been in the United States for a combination of inspection work and seminars, departed last night for Kansas City in the state of Missouri, where the chairman will meet with the community members of that state on Sunday.
ONA/Nebraska
AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.
