Waxaa bilihii ugu dambeeyay ay xasuuq baahsan ku hayeen maxaysatada ay Itobiya hubaysay ee loo yaqaano Liyu Boliska ama Hawaarin dad shacab ah oon waxba galabsan. Waxay meelo kala duwan oo dalka Ogadenya ka mid ah ka gaysteen maleesiyaadkaa uu gumaysiga hubeeyay xasuuq aan aabayeel lahayn oo dad badan oon waxba galabsan ku gumaadeen, hantidoodiina ku boobeen.
Anigoo ku hadlaya magaca Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogadenya (JWXO) waxaan si xoog leh u cambaaraynayaa xasuuqa iyo dhaca hantida ay maxaysatada lagu magacaabo Liyu Boliska ka sameeyeen 15kii iyo 16 bisha Mars Tuulooyin ka tirsan Degmada Gaashaamo, Gobolka Dhegaxbur. Maxaysatada ay Itoobiya u taba bartay una hubaysay inay dadka aan wax galabsan ee shacabka ah gumaadaan hantidoodana dhacaan ayaa bilihii ugu dambeeyey sii kordhayey xasuuqii ay awalba ku hayeen dadweynaha Somalida Ogadenya, waxaana ka mid ah meelaha ay laba todobaad ka hor ka gaysteen xasuuqa baahsan degmooyinka Gunagado iyo Gabriile, halkaasoo ay dad badan ku laayeen hantidoodiina ku dheceen isla markaana ku gubeen tuulooyin.
Wuxuu xasuuqa ka dhacay degmada Gashaamo ka mid yahay dhibaatada joogtada ah ee gumeysiga Itoobiya ku hayo shacabka Somaalida Ogadenya isaga oo isku deyaya, hasa ahaatee ku fashilay, inuu kartidooda iyo midnimadooda curyaamiya.
Maxaysatada Liyu Boliska talaabo ma qaadi karaan aan Taliska Addis Ababa raali ka ahayn. Sidaa darteed amarka lagu xasuuqayo shacabka aan wax galabsan waa siyaasad cadowga Itoobiya oo ku salaysan isir sifayn iyo dabargoonta umadda Somaliyeed. Sidaa darteed, waa faldambiyeed hadaf siyaasi ah laga leeyahay.
Ujeedada gumaysiga Itobiya waa in shacabka Somaliyeed ee Ogadenya looga jeediyo cadawgooda dhabta ah oo ah gumaysiga, oo dhibaato iyo colaad lakala dhex dhigo. Sidaa darteed waxaa looga baahan yahay in waxgaradka shacabka iyo oday-dhaqameedyada ay ka feejignaadaan shirqoolada gumaysiga oy uga digaan shacabka in maxaysatadan uu gumaysiga hubeeyay ay yihiin mooryaan uu ku adeegto gumaysiga oo aan lahayn heyb loo aaneeyo. Maxaysatadan waxay xasuuq iyo dambiyo kala duwan ka gaystaan dhamaan ciidda Ogadenya.
Jabhadda Wadaniga Xoreynta Ogadenya (JWXO) waxay ugu baaqaysaa shacabka Somaliyeed meel ay joogaanba inay ka koraan aragtida gaaban ee ku dhisan qabyaalada iyo gobolaysiga oy u midoobaan cadawgooda soo jireenka ah. Inay fahmaan siyaasadda Itobiya ay u adeegsanayso Somalida ee ah qaybi saad u xukunto (Divide to Rule).
Jabhadda Wadaniga Xoreynta Ogadenya (JWXO) cadaw aan ahayn gumaysiga Itobiya malaha, hadafka ururkana waa in shacabka Somaliyeed ee Ogadenya ay ka xoroobaan gumaysiga macancgaga ah wayna wadi doontaa ilaa hadafkaas laga gaadhayo.
Guddoomiyaha Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogadenya (JWXO)
Adm Maxamed Cumar Cusman
In recent months, the militia armed by Ethiopia, known as the Liyu Police or Hawaarin, has been carrying out widespread massacres against innocent civilians. In various parts of the country of Ogadenia, these militias armed by the colonisers have committed unprecedented massacres in which they slaughtered many innocent people and looted their property.
Speaking in the name of the Ogaden National Liberation Front (ONLF), I strongly condemn the massacre and looting of property carried out by the militia called the Liyu Police on the 15th and 16th of March in villages belonging to Gaashaamo District, Dhegaxbur Region. The militia, which Ethiopia trained and armed to slaughter innocent civilians and loot their property, has in recent months been escalating the massacres it was already committing against the Somali people of Ogadenia. Among the places where they committed widespread massacres two weeks ago are the districts of Gunagado and Gabriile, where they killed many people, looted their property and at the same time burned villages.
The massacre that took place in Gashaamo District is part of the continuous suffering that Ethiopian colonialism inflicts on the Somali people of Ogadenia as it tries, but has failed, to cripple their strength and their unity.
The Liyu Police militia cannot take any action without the approval of the command in Addis Ababa. Therefore, the order to massacre innocent civilians is a policy of the Ethiopian enemy based on ethnic cleansing and the extermination of the Somali nation. Therefore, it is a crime committed with a political objective.
The aim of Ethiopian colonialism is to divert the Somali people of Ogadenia away from their real enemy, which is colonialism, and to sow suffering and hostility among them. Therefore, the wise men of the community and the traditional elders are required to be vigilant against the conspiracies of the colonisers and to warn the people that this militia armed by the colonisers consists of thugs serving the colonisers, who have no clan to which they can be attributed. This militia commits massacres and various crimes throughout the land of Ogadenia.
The Ogaden National Liberation Front (ONLF) calls on the Somali people, wherever they are, to rise above the narrow outlook built on clannism and regionalism and to unite against their long-standing enemy. They should understand the policy that Ethiopia uses against the Somalis, which is divide and rule (Divide to Rule).
The Ogaden National Liberation Front (ONLF) has no enemy other than Ethiopian colonialism, and the goal of the organisation is for the Somali people of Ogadenia to be freed from the brutal colonialism, and it will continue until that goal is achieved.
Chairman of the Ogaden National Liberation Front (ONLF)
Adm Maxamed Cumar CusmanAI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.
