Opens in a new tab

Gundiid – Yurub Ood Mooddo Inay Usoo Jeedsatay Kaligii Taliye Zenawi

ONA13 February 2012
Read in English

Shabakadda Gundiid oo arimaha Geeska Afrika gaar ahaan Somaliya iyo Itobiya aad wax uga qorta ayaa diyaarisay maqaalkan xiisa leh oo ah baadhitaan ka xogwaramaya xaaladaha ka soo cusboonaaday xidhiidhkii ka dhaxeyn jiray dawlaha Yurub iyo Itobiya. Maqaalka Gundiid ayaa sidan u dhignaa;                                           

Sida dadka la socda taariikhda geeska Afrika ay ka dharagsanyihiin waxaa caado u ahayd reer galbeedka siiba Yurub inay indhaha ka laabtaan tacaddiyada Diktatoorka gumaysta shacabka dulman ee Soomaali galbeed (Ogaden) ee Meles (Leggase) Zenawi u gaysanayay shacab weynaha Itoobiya iyo kuwa uu gumaysto ee Soomaaliyeedba. Hab dhaqankaas reer galbeedka iyo  waliba taageero joogta ah oo ay siin jireen Zenawi ayaa usoo suurto galiyay inuu xukunka kusii haysto qori caaraddii. Dadka siyaasadda fahamsan ayaa ka dharagsanaa inay taageeradaas sii wadeen reer Yurub iyadoo waliba hay’adaha xuquuqda dadka ee isla reer galbeedku ay muddoba af labadii ka yeedheen xad-gudbyada caddaymaha loo hayo ee ninkaasi ku kacayay,  maaddaama reer Yurub si qaldan looga dhaadhiciyay inuu danahooda u ilaalinayo.

Yurub oo hadda la ciirciiraysa mashaakillo dhanka dhaqaalaha iyo wada jirkooda ah yaa haddana maalinba maalinta ka dambaysa usii caddaanaysay halka Zenawi u joogo iyaga. Taas waxaa daaha kasii qaaday siday saamayn ugu yeelan waayeen xadhiggii uu ku xukumay wariyayaashii reer Sweden ee tagay Soomaali Galbeed (Ogaden) si ay u fashilaan xad-gudubyada lagula kaco dadka Soomaaliyeed ee ku dulman dhulwaynahaas. Waxaa kale oo dib usoo noolaaday tartanka saamaynta siyaasadda caalamka ee ka dhaxeeya Shiinaha oo saaxiibtinimada dhow ee ay Zenawi la leeyihiin ka sokow, ayba isku mabda’ (ideology) aamminsanyihiin ama iskaga dhowyihiin in badanna reer yurub. Tusaale ahaan dalka Shiinaha waa dal Communism ku dhisan kaasoo lid ku ah Dimuqraadiyadda ay Reer Yurub ku dhaartaan; halka uu Zenawi , sida uu isba in badan af iyo qoraalba ka qiray, uu aaminsanyahay wax laga soo min guuriyay raggii mabda’a Socialism-ka/Communist-ka lagu yiqiin kuwii ugu caan sanaa midkood oo ah Stalinkii Ruushka gacanta adag kusoo xukumay in badan oo qarnigii tagay ka mid ah.

Arrintan dambe waxay hadal-haynteedu sii badatay kadib markii Shiinuhu ka dhisay Addis Ababa guri 200 malyan oo doolar lagu dhisay oo loogu talo galay Midawga Afrika iyo kaalinta uu go’aanka dhismahaasi ku lahaa Zenawiga TPLF. Waxaa iyana taas bar bar socda arrinta ugu wayn ee loo koolkoolin jiray Zenawi oo ahayd in loo adeegsado waxa loogu yeedho ladagaallanka Argagixisada Soomaaliya ood mooddo in reer galbeedku dhaqankaas wax ka baddalayaan sida haddaba muuqata iyagoo laftoodu billaabay inay toos ula galaan farahooda arrimaha Soomaaliya sida Ingiriiska oo shaaciyay shir bishan dabayaaqadeeda ka dhacaya London kaasoo ay sheegeen inay Soomalida u qabanayaan, iyo iyadoo dalal kale oo Afrikan ah ay lugta kula jiraan Soomaaliya oo la helay wax lagaga maarmi karo Itoobiya waqtiga dhow.

Tallaabooyinka siyaadeed ee muuqda ka sokow, waxaa kale oo socda olole warbaahinta reer galbeedku ku dhaliilayaan Kaligii Taliye Meles (Leggese) Zenawi oo. Warsidaha Kurier ee Jarmalka ka soo baxa yaa ugu dambeeyay (Halkan ka aqri warkaasoo Jarmal ku qoran) kuwa qaadaa dhigay kali talisnimida ninkaas iyo sida uu Shiinuhu ugu taageerayo inuu dalka iyo dadkaba cabbudhiyo iyagoo Shiinuhu sida wargaysku qoray ka caawinaya Itoobiya dhanka Farsamada casriga ah ee lagu basaaso shacabka dulman.

Hadal iyo dhamaadkii ragga iyo dumarka Soomaaliyeed ee Meles dulmiga ku taageeroow aan idiin nasteexaynee ninkaas gabbalkiisu dhacay ka soo hadha oo haddaydaan halgan ku biirayn dhib malahee dabadhilifnimada uun iska daaya oo carruurtiinna magac xumo ayna galabsan ha usoo jiidina.

ONA.

La wadaag