Inkastoo ay xikmado ku jirto in aan lagu mashquulin maaweelada loo dhigayo gumaysiga oo qudhiisa doonayo in la maqashiiyo maaweelada ah inay jiraan jaaliyado Itobiya jecel oo laga dhisay dibadaha, hadana in aynu marmar is yarehe tusaalayno caqli darada gumaysiga iyo jahawareerka ahysta waa loo baahanyahay.
Warbixinadii ugu dambeeyay ee naga soo gaadhay Jigjiga iyo Addisababa waxay sheegayaan inuu gumaysiga ku bixiyay kharash kor u dhaafay 100 malyan oo doolar kala daadinta jaaliyadaha iyo inuu abuuro xubno daba-dhilif ah oo dhiigyacab Zinawi markuu dibadaha soo aado calanka Itobiya iyo sawiradiisa iyo caleema qoyan u lula. Waxay noo sheegeen dad wargaleen ah oo xafiisyada Adisababa u dhuunduleela in Meles Zinawi arintaa laga gaday raalina ka ahaa kharashka xoogan ee laga saxiixay si loo kala daadiyo jaaliyadaha Somalida Ogadenya oo lagu yidhi waxaan badalkoodii dhisaynaa jaaliyadaha Soomalida Itobiya. Isagoo kalsoonidaa qaba ayuu yimid shirkii loogu yeedhay ee Norway ka socday. Waynu ogayn wixii ka qabsaday iyo sida caalamka looga daawaday jaaliyadaha Ogadenya banaabaxyada ay kala horyimaadeen dhiigyacabkaa, ilaa uu cadhadii kula dhacay saxafiyiintii Sweden-ka ahaa ee u xudhnaa. Waana tuu isaga oo jooga Oslo ugu xukumay inay yihiin argagixiso taageersan ONLF, taasoo aad loogu ceebeeyay.
Intaa ka dib, waxaa na soo gaadhay inuu la soo hadlay Cabdi iley dalaalkii arimahaa la waday oo ahaa Sheferow T. Mariam una u sheegay inay fashilmeen wixii ay soo dhoo-dhoobeen, Ato Meles-na aad uga cadhaysan yahay beenta loo sheegay. Cabdi iley-na wuxuu cadhadii kula kufay intii ku soo hadhay kuwii qandaraaska jaaliyadaha uu siiyay.
Ka dib waxay noqotay in maaweeladii dib loo bilaabo. Waxaana ugu horeeyay inay dhowr qof iyo Tigreega wixii ka joogayOslo yidhaahdaan waxaan casho sharaf u samaynay Meles Zinawi oo waqtigaa ay sheegayaan kaba cararayNorwayoo dhex taagnaa Copenhagen/Denmark. Waxaa kaloo dib loo bilaabay sheekadii xaajo ee ahayd waxaa shir qabtay jaaliyadda somalida itobiya ee dal hebel iyo maamulihii jaaliyadda somalida itobiya ee dalkaa ayaa lagu qaabilay safaaradda iyo wax la mid ah.
Waxaad ka fahmi kartaa jahawareerka haysta gumaysiga iyo kuwa u adeega habka ay u fikirayaana ku tusaya waxyaabaha ay isleeyihiin ku qanciya KT Meles oo ka iibiya mar 2aad. Warbixinada loogu talagalay in mooraalka dhiigyacab Meles kor loogu qaado waxaa ka mid ah warbixinada la qorayo hadda ee la leeyahay wuxuu dhexmaray kulan xoghaya jaaliyadda DDS ee Denmarka iyo qunsulka cusub ee itobiya oo qunsulka la badalay uu ku sheeganayo inay jaaliyadda intuu dalka la joogay ay gaadhay guulo sababtoo ah Bishaar ayaa soo qabanqaabiyay shir.
Ama Nashaad ayaa shirweyne ku qabtay Doxa oo wadaadadii isugu yeedhay ka dibna yidhi waxaan dalkii soo mariyay niman carbeed oo muxsiniin ah. Maxaa lagu odhan shaqsi Jimcadana minbarka fuulaya oo muslimiin la hadlaya isagoo laga yaabo inuu ku booriyo jihaadka iyo fadligiisa, maalmaha kalena u adeegaya cadawga shacabkiisa ee islaamnimada uu ku shaqaysanayo la wadaaga.
Ugu damabayntii, caalamka kama daahsoona xaaladda ka jirta Ogadenya. Hadday nabadi ka jirto dalka Ogadenya waxay Itobiya u fasixi lahayd saxaafadda caalamka iyo ururada caalamiga ah. Rabitaanka shacabka Ogadenya ee ah inay ka xoroobaan gumaysiga Itobiya waa mid aan iyadana caalamka ka daahsoonayn. Gumaysi halgan iyo adkaysi in looga xoroobana waa mid ay dhamaan diimaha iyo qawaaniinta u dajisan caalamka u qirayaan shacabkii la gumaysto. Waxayna ka mid tahay taariikhda shucuubta inay marwalba jiraan qaar gumaysiga la shaqaysta oo shacabka dhiigiisa ka ganacsada.
Waan ka guulaysanaynaa Ilaahay idiankii cadawga iyo kuwa u adeegaya.
ONA.
Although there is wisdom in not being preoccupied with the entertainment staged by the colonisers, who themselves want people to hear the amusing claim that there are Ethiopia-loving communities established abroad, it is nevertheless necessary for us at times to illustrate, however briefly, the folly of the colonisers and the confusion gripping them.
You can understand the confusion gripping the colonisers and those who serve them, and the way they think shows you the things they believe will convince Prime Minister Meles and sell it to him a second time. Among the reports intended to raise the morale of the bloodsucker Meles are those now being written claiming that a meeting took place between the secretary of the Somali Regional State community in Denmark and the new Ethiopian consul, in which the outgoing consul claims that the community achieved successes during his time in the country because Bishaar organised a meeting.
Or Nashaad held a large conference in Doha, summoning the clerics and then saying, "I have brought benevolent Arab men through the country." What can be said of an individual who on Friday mounts the pulpit and addresses Muslims, perhaps urging them to jihad and its virtues, while on other days serving the enemy of his own people, with whom he shares the Islam he trades on?
Finally, the situation in Ogadenia is not hidden from the world. If there were peace in Ogadenia, Ethiopia would open it to the international press and international organisations. The desire of the people of Ogadenia to free themselves from Ethiopian colonialism is likewise not hidden from the world. Freeing oneself from colonialism through struggle and perseverance is something that all religions and the laws established for the world recognise as the right of colonised peoples. And it is part of the history of peoples that there are always some who collaborate with the colonisers and trade in the blood of the people.
With God's permission, we will prevail over the enemy and those who serve them.
ONA.AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.

