Guusha waa mid lawada jecelyahay. Mana aha mid dhib yaraan lagu helo. Guusha la doonayo iyo dhibka loo marayona way isu dhigmaan. Umad gumaysi ku jirta markii laga helo qayb kamid ah oo u istaagta baadidoonka xoriyadoodii laga dhacay waxay jeceshahay inay ka guulaysato gumaysiga iyadoo u mareysa wado kasta oy ku gaadhi karto hadafkii ay lahayd. Waxaana lagama maarmaan ah inay maraan bushadaasi hadba wadiiqada ugu sahlanee ay ku soo dhicin karto xaqa asaasiga aadminmo ee ah xoriyadda umadaas laga dhacay.
Hadaan diirada saaro baadideena maqan een sanadaha badan daba socono, waxaa qasab ah in aan asbaabaha guusha la nimaadno oy ka mid yihiin qodobada soo socda;
1- Waa inay bulshada Rabbigii ina abuurtay ee maamulkiisa un taladu ku jirto waydiistaan gar gaar iyo gacan qabasho, iyagoo maraya wadaduu ugu tala galay in lamaro. Allaah SW wuxuu isku xidhay oo shardi isaga dhigay u gargaarintaankiisa iyo guusha uu muslimiinta siinhayo wuxuuna Allaah SW ku sheegay suuratu Muxammad Aayada 7aad aayada ah (إن تنصر الله ينصركم ويثبت أقدامكم) oo macnaheedu yahay (Hadaad Ilaahay u gar gaartaan isaguna wuu idiin gargaari, cagihiinana dhulkuu ku xajin oo goobta dagaalka ka carari maysaan), Waxaa kaloo Ilaahay uu ku sheegay aayad kale (إن ينصركم الله فلا غالب لكم وإن يخذلكم فمن ذا الذي ينصركم من بعده وعلى الله فليتوكل المؤمنين ) Hauu Ilaahay idiin gargaaro wax idinka awood badin hayaayi marjiro haduu idin hoojiyana yaa kaloo idiin gargaari!!? Suuratu Al-cimraan aayada 160. Sidaa darteed, waa in bulshada halgmaysa ay la timaado Alla ka cabsi iyo baryada Ilaahay oo la badiyo oon laga daalin lagana dagdagin.
2- Bulshadaasi waa inay sabar iyo dulqaad la timaado. Sababtoo ah dhibka loo maro xornimada iyo shay kastoo qaali ah waa mid xanuun badan oo uusan xamili karin geed nugaylku . Adkaysigu waa laf dhabarka halgan gobanimadoon. Adkaysiga iyo dhibka oo loo dhabar adaygu ma sahlana hasa ahaatee bulshadii la timaada way ku liibaani. Waxaa loo baahanyahay in lagu sabro qoriga dagta lagu hayo, habeen guurka iyo galab carowga, gaajada iyo oonka, goonyaha aduunkoo la wareego, hor istaaga bani-adamka iyo su`aasha faraha badan, khiyaanada walaalka iyo saaxiibka, xabada dhamacda ah, dhibka iyo naxariisdarada cadowga iyo waliba kuwa uu soo adeegsanhayo. Sidoo kale waa in laga sabraa nolosha wanaagsan ee dadka xorta ihi ay ku nool yihiin iyo waliba laaluushka iyo luflufka uu gumaysigu mar walba u ballan qaadayo gobanimo doonka.
Wuxuu Allaah SW yidhi; يا أيها الذين أمنوا اصبروا وصابروا ورابطوا واتقوا الله لعلكم تفلحون) oo macnaheedu yahay; mu`miniintow sabra oo isa sabarsiiya oo diyaar garow sameeya oo Allaah kacabsada SW waxaa xaqiiqa ah inaad liibaanaysaane) dhamaadka suurau Al-cimraan. Nabigeenu CS wuxuu ku tilmaamay sabirka inuu yahay gaashaan. gaashaankana waa lagu dagaal galaa, sidaa darteed shacabkii halgan ku jira waa inuu sabirka ku dadaalaa oo gaashaan ka dhigtaa. Nin luqada carabiga ku gabyay ayaa yidhi:
لاستسهلن الصعب أو أدرك المنى .. فما انقادت الآمال إلا لصابر oo macnmaheedu yahay waan sahashan arimaha culus een wajaho ilaa aan ka gaadho ujeedadaydii .. yidi-diiladuna uma hogaansanto nin aan sabir lahayn. Soomalaiduna waxay dhahaan – Sabraa sad ma waayo-.
3- Waxaa lagama maarmaan ah inuu qofka halgamaya niyadiisa wanaajisto qalbigana gashado inuu dadkiisa iyo dalkiisa duliga ka dulqaado oo xornimo gaadhsiiyo si ay diintiisu kor u noqoto. Waa inuu gobanimo doonku niyada gashadaa inuu mustaqbalka u istaagi doono wax kastoo musalaxada umadu ay ku jirto isagoo ku dabakhaya diintiisa oo shareecada Rabbaaniga ah uu wax ku xukumi doono. Laakiin hadaynu maanta inteenani wada dagaal galo oon wada dadaalno oon Rabow gumaysiga na dhaafi ku ducaysano hasa ahaatee niyadeena ay ku jirto dhawaan saad doonto u nooloow iyo waxaad rabto wax ku xukun, dadaalkeenu waxba kama jiraan buu nooqnhayaa, guushana in ayna soo dagdaginbaa laga yaabaa, oo lafaheena umbaan siraynaaye Ilaahay niyadeena wuu la socdaa .
Allaah SW markuu ka sheekeeyay muminiinta dagaalka loo fasaxay kadib markii ladulmay ee uu sheegay inuu Rabbi gargaarkooda awoodo ayuu sii tilmaamay oo yidhi;
الذين إن مكناهم في الأرض أقاموا الصلاة وأتوا الزكاة وأمروا بالمعروف ونهوا عن المنكر ولله عاقبة الأمور – waa kuwa hadaanu dhulka dajinno salaada oogaya, Zakadana bixinhaya, wanaagana is amraya, xumaantana iska reebaya, umuurta cidhibta wanaagsana Allaah umbay usugnaatay) suuratu-alxajj aayada 41. Hadaba mar haday saas tahay inagoo kolay dhibtoon hayna waa inaan niyada wanaajisanaa oon eegadan aan joognana diinteena wixii karaankeen ah kaga dhaqano mustaqbalka inaan isku xukunana niyada siigashanaa sida xeerkeenaba kuqoron.
4- Waa in la helaa kala dambayntii uruurnimo oo loo hogaansamaa laguna dhaqmaa xeerka ururkaas gobanimo doonka ah u yaala waana inay isku si u tixgaliyaan midka ugu sareeya iyo kan ugu hoseeya. Sababtoo ah hadaan lahelin kala damabayn iyo maamul iyo kala amar qaadasho oy howshu noqoto garba siman waxaa meeshii imaan haysa nidaamkii oo burbura iyo iydoon lagu heshiinin hal howlgalna sababtoo ah qof waliba sida laquman ee aragtidiisa ahbuu yeelayaa. Mark Allaah oofsaday Nabugeenii SCW lama aasin ilaa muslimiinta madax weyne (Khaliif) loo doorto maxaa yeelay aaskiisaba lagu heshiin mayo hadaan meeshii maamul jirin. Dhibaatada laga dhaxlo la`aanta maamul caam ah ama mid ururnimo waxaa tusaale inagaga filan xiligay dhacday dowladii Dargiga ee Mingsito, shacabka S.Ogaadeeniya waxay joogeen xiligay uguna hub badnaayeen uguna xoolo badnaayeen garaadkooduna wuu garanhayay waxay tahay xornimadu.
Waxaan xusuustaa markay sii baxayeen ciidamadii Mingisto iyagoo dhalinyarada reer miyiga ihi ay is uruursadaan oy intaasoo qori isu keenaan deedna ay wadada u galaan iyagoo lugayn haya, hasa ahaatee kuma ayna gulaysanhaynin waxaan ka ahayn inay qoryaha ka daadsadaan askarta habaq-laynahysa ee ooman. Kaliya waxaa meesha ka maqnayd un urur nidaamsan oo dadka jaheeya.
Sidaas darteed waa in dadka gobanimo doonka ihi yeeshaan urur leh kala damabyn iyo maamul isla markaana xeerkooda mudnaantiisa ay siiyaan.
5- Waxaa qasab ah in laga helo xubnaha ururkaas daacadnimo. Howsha waa in daacad laga yahay maamul, xubno iyo ciidanba. Qofka ururka ka mid noqonaya ee khiyaarkiisa ku yimid waa inuu aaminsan yahay xeerka iyo ujeedada loo unkay uruka. Waa inuu aaminsanyahay inuu naftiisa iyo maalkiisa iyo maskaxdiisaba ugu shaqeeyo qaybta kaga aadan ururka oo marwalba uu maskaxda ku hayaa inuu yahay xubin loo dhaariyay siduu umadiisa uga saari lahaa gumaysiga. Waa inay xubnaha ilaaliyaan sirta ururka iyo waxa u gaarka aha e kalida uu kala yahay shacabka iyo maamulada kalaba.
6- Agu dambayn waa in hogaanka ururka looga dambeeyaa jahaynta siyaasdda ururka iyo wixii raadgadasho ah. Iyadoo baadida la doonayo ay tahay in sumadeeda lagu doono oo dhankay jirtana loo doono, ayay tahay lagama maarmaan in lala falagalo marxaladda kolba la joogo oo mawjadaha isdaba maraya sidii looga dabaalan lahaa laga fikiro, taasoo ah masuuliyadda hogaaminta ururka iyo wadatashigiisa.
وما النصر إلا من عند الله إن الله عزيز حكيم – صدق الله العظيم
By: Halgame
Victory is something everyone loves. And it is not something obtained with little hardship. The victory sought and the hardship endured for it are equal to each other. When a nation under colonial rule produces a part of itself that stands up to seek the freedom that was taken from it, that nation wishes to triumph over the colonisers by taking whatever path can lead it to the goal it had. And it is essential that this society take, at every stage, the easiest path by which it can reclaim the fundamental human right that is the freedom taken from that nation.
If I focus on our lost cause that we have pursued for many years, it is imperative that we bring forward the causes of victory, which include the following points;1- The society must ask the Lord who created us, in whose control alone all affairs lie, for help and support, following the path He has ordained to be followed. Allah SW has linked and set as a condition His help and the victory He grants to the Muslims, and Allah SW stated in Surat Muhammad, verse 7, the verse (إن تنصر الله ينصركم ويثبت أقدامكم) which means (If you help God, He will help you, and He will make your feet firm on the ground so that you will not flee the battlefield). God also stated in another verse (إن ينصركم الله فلا غالب لكم وإن يخذلكم فمن ذا الذي ينصركم من بعده وعلى الله فليتوكل المؤمنين ) If God helps you, nothing will ever overpower you, and if He forsakes you, who else will help you!!? Surat Al-Imran verse 160. Therefore, the struggling society must bring forth fear of God and supplication to God, which should be increased and not tired of or rushed.
2- That society must bring patience and endurance. Because the hardship endured for freedom and for anything precious is very painful and cannot be borne by a feeble tree. Endurance is the backbone of the struggle for freedom. Endurance and steadfastness in the face of hardship are not easy, however the society that brings them will succeed. What is needed is patience with the gun held to the chin, with moving by night and travelling exhausted in the afternoon, with hunger and thirst, with wandering the corners of the world, with the obstruction of human beings and endless questioning, with the betrayal of brother and friend, with the whizzing bullet, and with the harm and cruelty of the enemy as well as those whom he employs. Likewise, one must be patient with the good life that free people live, as well as with the bribery and enticements that the colonisers constantly promise the freedom seekers.
Allah SW said; يا أيها الذين أمنوا اصبروا وصابروا ورابطوا واتقوا الله لعلكم تفلحون) which means; O believers, be patient and urge one another to patience, be prepared, and fear Allah SW, for truly you will succeed) the end of Surat Al-Imran. Our Prophet PBUH described patience as a shield. And a shield is taken into battle; therefore, a people engaged in struggle must strive for patience and make it a shield. A man who composed poetry in the Arabic language said:
لاستسهلن الصعب أو أدرك المنى .. فما انقادت الآمال إلا لصابر which means: I will make light of the heavy matters I face until I reach my goal .. for hopes do not yield to a man who has no patience. And Somalis say - The patient one does not lack his share -.
3- It is essential that the person struggling purifies his intention and resolves in his heart to lift humiliation from his people and his country and to bring them freedom so that his religion may be elevated. The freedom seeker must resolve in his heart that in the future he will stand up for everything in which the interest of the nation lies, applying his religion and governing by the divine Sharia. But if all of us today go to war together, strive together and pray "O Lord, deliver us from colonial rule," yet in our hearts lies "soon live as you wish and govern as you want," our efforts will amount to nothing, and victory may not come quickly, for we are only deceiving ourselves, as God knows our intentions.
When Allah SW spoke of the believers who were permitted to fight after they had been wronged, and stated that the Lord is able to help them, He further described them, saying;
الذين إن مكناهم في الأرض أقاموا الصلاة وأتوا الزكاة وأمروا بالمعروف ونهوا عن المنكر ولله عاقبة الأمور - they are those who, if We establish them in the land, establish prayer, give Zakat, enjoin good and forbid evil, and the outcome of all matters belongs to Allah alone) Surat Al-Hajj verse 41. So, since that is the case, while we are in hardship we must purify our intentions, practise our religion as much as we can in the situation we are in now, and resolve in our hearts to govern ourselves by it in the future, as indeed our charter states.
4- There must be organisational order, which is obeyed, and the charter set for that freedom-seeking organisation must be acted upon, and the highest and the lowest must respect it equally. Because if there is no order, administration and chain of command, and the work becomes a matter of everyone being equal, what will result is the collapse of the system and the failure to agree on a single operation, because each person will do whatever seems right in his own view. When Allah took our Prophet PBUH, he was not buried until the Muslims elected a leader (Caliph), because even his burial could not be agreed upon without an administration in place. As an example of the harm resulting from the absence of a general administration or an organisational one, the time when the Derg government of Mengistu fell is enough for us: the people of Ogadenia were then at a time when they were most heavily armed and richest in livestock, and their minds understood what freedom is.
I remember when Mengistu's troops were withdrawing, the rural youth would gather, a number of them would bring their rifles together, and then they would take to the road on foot, but they achieved nothing other than collecting the guns from the panting, thirsty soldiers. The only thing missing was an organised body to direct the people.
Therefore, freedom-seeking people must have an organisation with order and administration, and at the same time give its charter priority.5- It is imperative that the members of that organisation be sincere. The work must be done sincerely by the administration, the members and the forces alike. A person who joins the organisation of his own choice must believe in the charter and the purpose for which the organisation was founded. He must be convinced that he will devote his life, his wealth and his mind to working in the section of the organisation assigned to him, and always keep in mind that he is a member sworn to free his nation from colonial rule. The members must protect the secrets of the organisation and what is specific to it alone, apart from the public and other administrations.
6- Finally, the leadership of the organisation must be followed in directing the organisation's policy and whatever path is taken. Since the lost cause being sought must be sought by its marks and sought in the direction where it lies, it is essential to deal with each stage as it comes and to think about how to swim through the successive waves, which is the responsibility of the organisation's leadership and its consultation.
وما النصر إلا من عند الله إن الله عزيز حكيم – صدق الله العظيم
By: HalgameAI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.
