Halgamayaalku wixii Guul ah oy Cadowga ka gaadhaan, waxaa looga qorayaa Camal suuban!
Bismillaah Alxamdu Lillaah- Dadkii la socday qaadaa dhiga Aayadaha Qur’aanka kariimka ah ee sida tooska ah ula fangalaya halganka jwxo waxaan maanta wadaagaynaa aayadan aad ciwaanka kasoo dheehateen. Waxaa jirta arrin bani’aadamka oo dhani kasiman yahay oo ah, inayna cidina ogolayn iska shaqee ee laba mid umbuu ku hawl,gali karaa halgamaagu- waa mida horee in loo ballan qaado shay maado ah sida Mushaharka, abaal marin iyo wixii al mid ah. Tan laabaad oo ah inuu ku hiranayo abaalgud aakhiro, sida in loo dambi dhaafayo iyo in la gaynayo janno, waxaana arintan gaar uga faa’iidaysta kaliya cida Allaah iyo aakhiro rumaysan wanaana muslimiinta dabcan.
Waxaad la socotaan inuu dalka Ogadenya kasocdo halgan ay dhuxuluhu ka duulayaan oo dhexmaraya Ciidanka xaq u dirirka ah ee lagu soo gaabiyo JWXO iyo kooxda TPLF oy waheliyaan calool u fikirayaal la isku soo jaabajaabeeyay inkasta oy hada wadadii kala cararka cagta saareen, kadib kolkii mid walba lagu amray inuu kamid noqdo ciidanka reerkooda ku duulaya ee waliba si’ aan kala sooc lahayn birta uga aslaya. Kuwaas oona doonayn inaan hadal badan ku bixiyo ayaa waxaa ku dhaboobay xikmadii somalida ee ahayd Doqonta Usha agteeda ku dhufo, haday garan waydana gogeeda ku dhufo, markii dabaqoodhiyadii qowmiyadaha mid walba Buulkoodii iyo Beertoodii Dab lasudhay ayuu baraarugay!
Aan usoo laabto ujeedkiiye, hadaan soo taabtay inayna cidina aqbali karin iska shaqee oo iska dagaalan oo iska dhimo, waxay su’aashu tahay Ciidanka Naftood,hurayaalka JWXO ileen mushahar uma xaadiraan markay bishu dhamaato ama sanadku dhamaado ee maxay higsanayaan. Aniga waxay ila tahay inay kow ka tahay iyagoo muslimiin ah oo aaminsan inay xaq kutaaganyiin, maadaama waxay u gargaarayaan uu yahay dadkooda ducafada iyo maxasta ah iyo inay difaacayaan dalkooda khayraadkiisa iyo diintoodaba. Waxaa kale oy Qalbiga ku qaboojiyaan inay dhanka Rabi ka heli doonaan Dambi,dhaaf iyo Janno oo ah laba Hadiyadood oo qaali ah oyna cid waliba heli karin ilaahay ciduu iska siiyo mooyee!
Ciidanka JWXO ayaa la aamisanyahay inay galaan safarro dhaadheer iyo Guure, waxaa hubaal ah inay dardarayaan Qoofal iyo Qodxo. Waxaa kale oo qasab ah inay la kulmayaan Halaqyada halista ah, sida Masaska Abeesooyinka, Hangaralaha(Dabaqalooca) IWM. Waxaa kale oo la aamisanyahay inay mararka qaar meelo isku dhow kuwada baryaan Libaaxda iyo Dhurwaada IWM. Waxaa kale oo la aaminsanyahay inay ka talaabayaan Laago iyo Togag ama ay fuulayaan meelo dhaadheer sida Buuraha, Jiiraha iyo IWM. Waxaa iyana dhab ah inay Naftood,hurayaalku la kulmayaan bahasha gaajada ah ee xanuunka badan oo dad badan oo Soomaaliyeed
Qaxootiga ka galeen sabankan. Waxaas oo dhan waxaa halgamaaga looga qorayaa camal suuban. Waxaa sidoo kale camal suuban looga qorayaa wax alaale wixii dhaqaale ah oo kaga baxaya halganka ha badnaado hase yaraadee. Waxaa cajiib ah in haday cagta saaraan goob cadowga cadho galinaysa iyadana looga qorayo camal suuban. Aayada oo xustay qaybo kamid ah hagardaamada uu halgamaagu la kulmi karo ayaan anigu faa,faahiyay guud ahaan dhibaatooyinka hayjada ee sidaa ula socda.
Faqradan kooban een Aayda kasoo goostay ayaa inoo sheegaysa markii la fasiro in goorta halgamayaalku cadowga dhibaato gaadhsiiyaan looga qorayo camal suuban, sida haday laayaan ama qafaashaan ama hanti kala soo hadhaan ee sow ma’aha markaas waxaagii wax laguugu dar iyo Kurus-
Suuratu Towbah, Aayada 120 aad- وَلَا يَنَالُونَ مِن عَدُوٍّ نَّيْلًا إِلَّا كُتِبَ لَهُم بِهِ عَمَلٌ صَالِحٌ
Halgamayaalku wixii Guul ah oy Cadowga ka gaadhaan, waxaa looga qorayaa Camal suuban!
Isku soo wada jamciyoo Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenya ayaa diiday wax aan ka ahayn inay soo xasiliyaan karaamo Aduunyo ama Geeri sharafeed oy markaa helaan Raxmadii Eebe,wayne ee Janada!
Xaaji M/Rashiid Aw Macalim
Qoraa madax banaan
Whatever victory the strugglers achieve against the enemy is recorded for them as a righteous deed!
Bismillaah Alxamdu Lillaah - For those who have been following the presentation of verses of the Holy Qur'an that relate directly to the struggle of the ONLF, today we share this verse, which you will have gleaned from the title. There is a matter on which all of humanity agrees, namely that no one accepts working for nothing; a struggler can only engage in work for one of two reasons. The first is being promised something material, such as a salary, a reward and the like. The second is aspiring to a reward in the hereafter, such as being forgiven and being admitted to paradise, and this matter particularly benefits only those who believe in Allaah and the hereafter, and those, of course, are the Muslims.
You are aware that in the land of Ogadenya a struggle is under way in which sparks are flying, taking place between the righteous fighting force known in short as the ONLF and the TPLF group, together with the self-serving opportunists who were cobbled together, even though they have now set foot on the path of scattering in flight, after each of them was ordered to join the army invading their own clan and indiscriminately turning weapons on them. Those, whom I do not want to spend many words on, have seen come true the Somali proverb that says: strike near the fool's stick, and if he does not understand, strike his skin - when the lackeys of each ethnic group had their own huts and farms set on fire, then they woke up!
Let me return to the purpose: having touched on the fact that no one can accept working, fighting and dying for nothing, the question is, since the self-sacrificing forces of the ONLF do not show up for a salary when the month or the year ends, what are they aiming for? In my view, first of all they are Muslims who believe they are standing for what is right, since those they are helping are their own weak and destitute people, and they are defending their land, its resources and their religion. Another thing that gives comfort to their hearts is that they will receive from the Lord forgiveness and paradise, two precious gifts that not everyone can obtain, except whomever God grants them to!
The ONLF forces are believed to undertake long journeys and treks, and it is certain that they trample on thorns and briars. It is also inevitable that they encounter dangerous creatures, such as snakes, pythons, scorpions, etc. It is also believed that at times they spend the night in close proximity to lions, hyenas, etc. It is also believed that they cross streams and seasonal riverbeds or climb high places such as mountains, ridges, etc. It is also true that the self-sacrificers encounter the painful scourge of hunger, which has driven many Somali people
into becoming refugees in this era. For all of that, a righteous deed is recorded for the struggler. Likewise, a righteous deed is recorded for whatever wealth is spent on the struggle, whether large or small. Remarkably, if they set foot on a place that angers the enemy, that too is recorded for them as a righteous deed. Since the verse mentioned some of the hardships the struggler may face, I have elaborated in general on the difficulties of the journey that accompany it.
This brief passage that I extracted from the verse tells us, when interpreted, that whenever the strugglers inflict harm on the enemy, a righteous deed is recorded for them, such as if they kill or capture them or seize property from them - is that not, then, a bonus added to what you already have -
Suuratu Towbah, Verse 120 - وَلَا يَنَالُونَ مِن عَدُوٍّ نَّيْلًا إِلَّا كُتِبَ لَهُم بِهِ عَمَلٌ صَالِحٌ
Whatever victory the strugglers achieve against the enemy is recorded for them as a righteous deed!
To sum it all up, the Ogaden National Liberation Front has refused anything other than achieving worldly dignity or an honourable death, by which they would then attain the mercy of God Almighty, which is paradise!
Xaaji M/Rashiid Aw Macalim
Independent writer
AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.