Nin la feedhtamaya ninkale ayaa wuxuu is arkayay in laga guulaysanayo balse taba barihiisi ayaa u sheegayay oo ku yidhi; adigaa guulaysanaya oo feedh-yahanka kale afka dhulka ugu ridi doona. Tababarihii ayuu wuxuu ku yidhi ” oo hadaan anigu guulaysanayo maxay gamcahaygu la daaleen dibnahayguna la dhiigayaan tabcaana aan la noqday? muxuuse ninka iga soo horjeeda iigu soo kakan yahay ama uu iigu soo dhiiranyahay?
Arinta noocan ah waxaa lagu tilmaamaa marka ay dhagaha iyo indhuhu is khilaafaan oo qofka uu garan waayo waxa uu maqlayo iyo waxa u arkayo midkoodii run ah !
Todobaadyadan iyo bilihii tagayba waxaan maqlaynay dabaqoodhigii dalka dibadiisa oo guulo ka sheeganaya kuna andacoonaya in halgankii dibada kasocday ay ku guulaysteen inay soo afjaraan. Waxay taasi ka mid tahay ereyada aan ka maqalay warbaahinta gumaysiga. Waxaanse labadayda indhood ku arkay dabaqoodhii doolka ahaa oo hal dhuntay iyo haldhaan raacday ka noqday Koonfur Afrika iyo dunida dacaladeeda.
Hadii ay kuguulaysteen halgankii dibada maxaa loo wayay meel ay jaan iyo cidhib dhigeen? Meeye hebaladii hunguriga waynaa ee u kala haliilayay safaarad ku sheegta cadowga ee Pretoria?
Qoraagi caanka ahaa ee reer Australia ayaa wuxuu yidhi; uma baahnid inaad dhagaysato ama aad rumaysato waxa ay dadka kale kaa sheegayaan, waxaadse u baahantahay inaad yaqiinsato waxa aad tahay ee aad ogtahay inay dhabtahay.
Waxaa filan waa ku noqotay Ina Ilay markuu waayay wixii dhagaha loogu shubi jiray oo dadkii uu is-lahaa waxay kuu tagan yihiin wadooyinka Minnesota iyo London ay ka kala yaaceen arimahaasoo maal farabadanna looga cunay. Waxay indhihiisa rumaysan kari waayeen kumanaankii sida shinad ugu soo xoomay oo meel uu ka galana u diiday?
Dabcan Ina Ilay la-taliyihiisa ayaa u sheegay oo ku yidhi waad guulaysatay, taasoo la mid ahayd un feedh-yahankii isagoo dhiigaya uu tababarihiisu ku lahaa waad badinaysa.
Waxaan ruuxna ka qarsoonayn guusha wayn ee jaaliyaduhu soo hooyeen, gaar ahaan dalka Koonfur Afrika oo sanadkii hore dhamaadkisii horseed u noqotay halganka lagu sifaynayo daba qoodhiga dibada arintaasoo xaqiiqo ka dhigtay in aan isbadal samaynkaro hadii aan isku daynu. Waa hadaan sidaa go’aansano.
Hadaba inkasta oo guushaasi sal dhigatay lana hanjabiyay shirqoolkii cadowga ee loo adeegsanayay dhuuni raaca iyo maangabka, hadana waxaa si wayn loogu baahanyahay kor u qaadida iyo xoojinta ka hortaga siyasadaha cadowga.
Waxaa soo cusboonaatay in daba qoodhinimadii ku shaqayn wayday adeegsiga dhuuni raacayada in laysku dayayo hadda in lagu fuliyo dad sheeganaya hogaamiye dhaqameedyo iyo kuwo magacyo kale wataba. Waxaana hubaal ah oy dadku wada ogsoonyihiin inaan cidna lagu dhowrayn magac dhaqan iyo mid culimo iyo kuwa kalaba hadii ay isku dayaan inay u so huwadaan majara habaabinta shacabka.
Qormadan waxaad kal socon doontaan bilkasta Birmad iyada oo mar walba lagu falanqayn doono iskudayada cadowgu ku doonayo waxyeelaynta qurba joogta Ogadenia.
Omar jigjiga/KOONFUR AFRIKA
A man boxing against another man could see that he was being beaten, but his trainer kept telling him: "You are the one winning, and you will knock the other boxer face down to the ground." He said to his trainer: "If I am the one winning, why are my fists exhausted, why are my lips bleeding, and why have I become so weak? And why is the man facing me so tough with me, or so bold against me?"
A situation like this is described as when the ears and the eyes contradict each other, and a person cannot tell which of the two is true: what he hears or what he sees!
In recent weeks and past months we have been hearing the lackeys abroad claiming victories and asserting that they have succeeded in bringing an end to the struggle being waged in the diaspora. That is among the words I heard from the colonialist media. Yet with my own two eyes I saw those cowardly lackeys, having lost their way and followed a dead end, withdraw from South Africa and from the corners of the world.
If they succeeded against the struggle abroad, why could they find no place to set foot? Where are the greedy crowds who were rushing back and forth to the so-called embassy of the enemy in Pretoria?
A famous Australian writer said: you do not need to listen to or believe what other people say about you; rather, you need to be certain of who you are and of what you know to be true.
It came as a surprise to Ina Ilay when he could not find what used to be poured into his ears, as the people he thought were standing with him on the streets of Minnesota and London scattered from those matters on which a great deal of money had been squandered. His eyes could not believe the thousands who swarmed like bees and left him no way in.
Of course, Ina Ilay's adviser told him, "You have won," which was just like the boxer who, while bleeding, was told by his trainer, "You are winning."
It is hidden from no one, the great victory that the diaspora communities have brought home, particularly in South Africa, which at the end of last year became the vanguard of the struggle to cleanse the diaspora of lackeys, something that proved that we can bring about change if we try. That is, if we decide to do so.
So, although that victory has taken root and the enemy's conspiracy, which made use of opportunists and the feeble-minded, has been confronted, there is still a great need to raise and strengthen resistance to the enemy's policies.
What has newly emerged is that, since the lackey scheme failed to work through the use of opportunists, attempts are now being made to carry it out through people claiming to be traditional leaders and others bearing other titles. It is certain, and the people all know well, that no one will be spared because of a traditional title, a religious scholar's title or any other, if they try to lend themselves to misleading the public.
You will follow this column every month on Birmad, and each time it will analyse the attempts by which the enemy seeks to harm the Ogadenia diaspora.
Omar Jigjiga/SOUTH AFRICAAI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.
