Opens in a new tab

Hawl Wadeenada Waddanka Sweden Qaar ka Mid ah oo Shir ku Qabsaday Magalada Hallstahammar.

ONA12 February 2012
Read in English

 

Shir ay isugu yimaadeen  sabtidii shalay oo ay tariikhdu ku beegnayd 11 kii Feb 2012 hawl wadeenada unugyada jaaliyaadka magaalooyinka dariska ah ee Skilstuna, Fleen, Vasteras iyo Hallstahammar ayaa waxa uu ka dhacay magaalada Hallstahammar ee gobalka vastmaland. Shirkan oo ay ka soo qayb galeen maamulada iyo hawlwadeenada unugyada jaaliyada ee ka dhisan 4ta maaglo ee aan kor ku soo xusnay ayaa waxaa  kala soo qayb galay qaar ka mid ahaa madaxda  Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia ee JWXO oo uu hor ka cayay mudane Riyaale Xamud Axmed iyo Maxamed Xuseen Janaale. Waxaa kale oo ayaguna shirka ka soo qayb galay madaxa Ururka Hooyooyinka marwo Ismahaan .

Shirkan oo biloowday saladii duhur kadib waxaa lagu furay ayada quraanka karimka ah kadibna waxa halkii laga sii anba qaaday ajandiihii shirka oo mihiimadiisa igu wayni ahayd abaabul iyo wacyi galin aan loo kala hadhin sidii looga bilaabi lahaa dhaman gobalada uu ka koobanyahay wadankaSwedengaar ahaana  kuwan dariska ah ee manta ayagu  isugu yimid magaaladan Hallstahammar.

Ugu horayntii waxaa warbixin dheer ka soo jeediyay wakiilka jaaliyadda wadankan Sweden mudane Maxamed Xuseen (Janaale) warbixintaas oo inteeda badan ku saabsanayd saxaafada Sweden sida ay Ogadenia uga hadalaan iyo shacabka rer  Sweden oo  wayadan danbe fahmay qadaiyada Ogadenia isla markaana uu Calanka Ogadenia caan ka noqday wadanka Sweden , Janaale waxa uu ku baraarujiyay dhalinyarada iyo dhaman  maamuladii madasha joogay sidii ay qadayada u iib gayn lahayeen madaama ayuu yidhi ay fududahay umada rer Sweden in laga dhaadhiciyo Qadiyada Ogadenia.

 Intaas kadib waxa   lagu soo dhaweyay mudane Riyaale Xamud oo looga bartay inuu yidhaahdo hadalo kooban oo hadana dadka qiiro galiya, ayaa ku dheeraaday sidii dadka loo wacyi galin laha looguna soo duwi laha qadiyada shacabka Somaliyeed ee Ogadenia ee dagan wadankan Sweden asagoo kula dar daarmay madaxdii unugyada jaaliyaadka ee madasha joogtay inay u istagan gacmahana isu qabsadan siday  gobaldan dariska ah uga soo saari lahayaan jaaliyad xoog badan isla markaana leh tayo wanaagsan.

 Falaqayn dheer ka dib waxa la isku raacay in  4 magaalo ay  si wada jir ah u shaqeeyaan guryahana ka soo saaran shacabka rer Ogadenia ee  aan  la soconin Qadiyada Ogadenia mesha ay marayso.

Gabogabdii shirka waxaa la galay dood wadaag iyo su,aalo la waydiinayay madaxdii Jwxo ee shirka joogtay waxa uuna shirkii ku soo dhmaaday jawi farxadeed iyo is af garad .

 Isku soo wada xoodhiyoo maamulka unugyada jaaliayadka meesha isugu yimid waxay wacad ku mareen inay wax badan ka badli doonaan dardarna galin doonaan shaqooyinkii ay Jaaliyadu qaban jirtay  isla markaana uu cadawgu ka nixi doono shaqooyinka ay ka qaban doonaan wadankaswedengaar ahan gobaladan  madasha isugu yimid.

ONASweden

 

La wadaag