
Waxaa kulan aad u heer sareeya isugu yimid taariikhdu shalay oy taariikhdu ahayd 21/03/12 hawlwadeenada jaaliyada S.Ogadenia ee galbeekaAustraliamagaladaPerth, kulankaasoo marti sharaf uu ugu ahaa hawlwadeenka jaaliyada Hogaanka Arimaha Dibada ee JWXO Dr Cabdiraxman M. Sh Mahdi (Madey). Kulankan oo dulucdiisu ahayd in warbixin lagu kala qaato, laguna falanqeeyo habsami socodka hawlaha halgan ka socda GalbeedkaAustraliaay hormuudka kayihiin hawlwadeenada jaaliyaddaPerth.
Waxaa ogu horayntiiba ayaadaha quraanka kariimka ah kufuray fadiilatu Sheekh Cabdiqadir Cali Guray. Aayadaha quraanka kariimka kadib ayuu sheekhu u soo jeediyay xubnihii goobta fadhiyay wacdi diini ah oo taabanayay arimo u badnaa akhlaaqda wanaagsan iyo u hogaansanaanta qofka muslimka looga bahaanyahay inuu u hogaansanaadaan Alle (S.W), Nabiga Muxamed ah (SCW) iyo qofka masuuliyadda loo doorto. Waxa uu ka hadlay oo kale in looga bahanyahay qofka muslimka ah in uu la yimaado daacadnimo, Alle kacabsami, hogaansanaan Alle iyo kala danbaynta oo uu soo qaatay xadiiska nabiga ee uu micnuhiisu ahaa “qofkaan u naxariisan keena yar, karaamaynina keena wayn naga mid ma aha” AKQ (SCW).
Intaa kadib, waxaa hadalkii lawaragay hogaamiyaha jaaliyadaPerthee S.Ogadenia mudane Axmed Dalmar oo kubilaabay hadalkiisii warbixin dheer oo meelo badan tabanaysa. Gudoomiyaha jaaliyada waxa uu ka warbixiyay marxaladda ay jaaliyadu soo martay, waxqabadkeeda guud iyo williba sida ay u samaysay isbadal lagu farxo mudooyinkii oogu danbeeyay. Waxaa kale uu xusay gudoomiyuhu in ay fashiliyeen hawlo cadowgu iyo cadaw ukalkaalku ay isku dayeen inay kafuliyaan magaalada hada kahor balse jaaliyada ayaa cagta wadada u saartay. Sidoo kale waxuu warbixin kooban uu kabixiyay hawlwadeenada jaliyada asaga oo ku amaanay hawlkarkooda iyo sida wanaagsan ay xilkooda oogu jajabanyihiin. Waxaa isla mawduuca warbixinta guud asna hadal kooban kasoo jeediyay Wakiilka JWXO u fadhiya Pacificga mudane Maxamed Ibrahim oo asagu u soo jeediyay amaan jaaliyada sida wanaagsan ee ay heganka oogu yihiin garab istaaga halganka iyo fashilinta qorshayaasha cadowgu soo maleego.

Qaybtii labaad ee shirka ayaa waxaa lagu soo dhaweeyay Dr Madey oo baryahan danbeba kormeer hawleed ku joogayAustralia, shirar fara badanna horay u la soo qaatay qaybaha kala duwan ee ay bulshadu ka koobantahay. Oogu horeenba waxa uu mahad celin balaadhan usoo jeediyay hawlwadeenada qaaliga ah ee jaaliyada. Kadib intaas waxa uu kala hadalay hawlwadeenada arimo dhawr ah oo ay oogu horayso “Ururnimada”. Waxa uu sheegay mudanuhu hadii diyaar looyahay in ogadenia la xoreeyo waa in lala yimaado urunimo dhab ah taas oo u horseedi karta in ay noqdaan hal qoys oo qudh ah kuwaas oo ladhaho JWXO family. Waxa uu si aad iyo aad ahna ooga digay hawlwadeenada jaaliyada in ay kafogaadaan “KIBIRKA” oo uu ku tilmaamay shay aad u xun oo dumiya ururnimada isla markaana ah sifo allaha wayn kaliya u gooni ah.
Intaas kadib ayuu gudagalay gudoomiyaha HAD in warbixin waafi ah uu kabixiyo xaalada Ogadenia kajirta maanta, sidoo kale waxa uu ka hadlay guulaha JWXO ay ka gaadhay dhanka arimaha dibada sida in maanta siyaasada aduunka la isku raacsanyahay Ethiopia inay danbi ka gashay Ogadenia, waxay kujirtaa listiga dawladaha torture isticmaala iyo wiliba in xaga dhaqaalaha cadaadis ku heyso shacabka Ogadenia ee baahan. Waxaa kaloo guulaha kamid ah ONLF in ay tahay quwada geeska afrika oogu xooga badan taasood arkayso falkii kadhaca geeska afrika in hadal qabsi noqotay afarta xaraf ayaa kadanbaysay.
Sidoo kale waxaa kamid ah guulaha siyaasada dibada JWXO in maanta aduunku ogyahay Somalida Ogadenia u dhalatay ay yihiin kuwa kali ah ee gadoodsan ee xaqooda raadinaya ayada oo meesha kabaxday fikrada ahSomaliadhul balaadhsi ayayEthiopiaku haysataa. Waxaa sidoo kale guul laga gaadhay oo siyaasiyiinta caalamka badidoodu aaminsanyahiin arinta Ogadenia oo waxba laga qaban in geeska afrika uusan dagaynin.
Waxaa iyana Dr Madey hawlwadeenada si faahfaahsan oogu sharaxay xiriirka cadawgu uu sida dadban oo la soo sameeyay jabhada wadaniga xoraynta Ogadenia, asaga oo u sheegay hawlwadeenada in aysan jiran wax wada hadal ah oo dhax maray ayaga iyo cadawga oo aan ka ahayn kii dhaxmaray JWXO iyo ergadii arintaa u socotay oo loo sheegay shuruudaha jabhadu ay cuskato had iyo jeer.
Oogu danbayntii, waxaa la gudagalay in aragtiyo iyo afkaaro kala duwan la isdhaafsado kadibna su’aalo la waydiiyo Dr Madey asaga oo jawaabo waafi ah kabixiyay isla markaana aad moodid in dhamaan hawlwadeenadu muujinayeen firfircooni iyo xiiso loo qabo Hogaanka Arimaha Dibada Dr Madey.
Wixii kasoo kordhee kale shirarka iyo kulamada iska dabadhacaya inta Dr Madey uu ku joogo socdaalka shaqoAustraliakala soco shabakada internetka ee ONA.
Ona Perth
Yesterday, 21/03/12, the activists of the Somali Ogadenia community in Western Australia, in the city of Perth, came together for a very high-level meeting. The guest of honour at the meeting was the head of the ONLF Foreign Affairs Department, Dr Cabdiraxman M. Sh Mahdi (Madey). The purpose of the meeting was to exchange reports and to review the smooth progress of the struggle's activities in Western Australia, which are spearheaded by the Perth community activists.
The meeting was opened with verses of the Holy Quran recited by the venerable Sheekh Cabdiqadir Cali Guray. After the verses of the Holy Quran, the sheikh delivered a religious sermon to the members present, touching mostly on good morals and the obedience that a Muslim is required to show to Allah (S.W), the Prophet Muhammad (SCW) and the person elected to a position of responsibility. He also spoke about how a Muslim is required to show honesty, fear of Allah, obedience to Allah and respect for order and rank, and he cited the hadith of the Prophet whose meaning was: “He who does not show mercy to our young and does not honour our elders is not one of us” (SCW).
After that, the floor was handed to the leader of the Somali Ogadenia community in Perth, Mr Axmed Dalmar, who began his speech with a long report touching on many areas. The community chairman reported on the stages the community has gone through, its overall work, and indeed how it has achieved a welcome transformation in recent times. The chairman also noted that they had foiled activities that the enemy and the enemy's collaborators had previously attempted to carry out in the city, but the community stopped them in their tracks. He also gave a brief report on the community activists, praising their hard work and how well they are dedicated to their duties. On the same subject of the general report, the ONLF Representative to the Pacific, Mr Maxamed Ibrahim, also gave a brief speech in which he praised the community for how well prepared it is to stand by the struggle and to foil the plans the enemy concocts.
In the second part of the meeting, Dr Madey was welcomed; he has recently been in Australia on a working inspection visit and has already held numerous meetings with the various sections that make up the community. First of all, he expressed extensive thanks to the precious community activists. After that, he discussed several matters with the activists, foremost among them “Organisational unity”. He said that if people are ready for Ogadenia to be liberated, they must bring genuine organisational unity, which can lead them to become one single family, called the ONLF family. He very strongly warned the community activists to stay away from “ARROGANCE”, which he described as a very bad thing that destroys organisational unity and at the same time is an attribute that belongs exclusively to Almighty Allah.
After that, the head of HAD went on to give a comprehensive report on the situation in Ogadenia today. He also spoke about the achievements the ONLF has made in foreign affairs, such as the fact that in world politics today there is agreement that Ethiopia has committed crimes in Ogadenia, that it is on the list of states that use torture, and indeed that it is exerting economic pressure on the needy people of Ogadenia. Another of the achievements is that the ONLF is the strongest force in the Horn of Africa, as can be seen from the fact that the four letters have become the talk of the town behind the incident that took place in the Horn of Africa.
Likewise, among the ONLF's foreign policy achievements is that the world today knows that the Somalis native to Ogadenia are the only ones who have risen up seeking their rights, while the idea that Ethiopia is holding territory because of Somalia's expansionism has been dispelled. Another achievement is that most of the world's politicians believe that if nothing is done about the issue of Ogadenia, the Horn of Africa will not be stable.
Dr Madey also explained to the activists in detail the indirect contact the enemy has made with the Ogaden National Liberation Front, telling the activists that there have been no talks between them and the enemy other than those held between the ONLF and the delegation that came on that matter, which was told the conditions the Front always adheres to.
Finally, there was an exchange of different views and ideas, after which questions were put to Dr Madey, who gave comprehensive answers; and it seemed that all the activists showed enthusiasm and interest in the Head of Foreign Affairs, Dr Madey.
For further developments on the successive meetings and gatherings during Dr Madey's working trip to Australia, follow the ONA website.
Ona Perth
AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.
