
Dawladda Itobiya waxay aad isugu dhabar jabisay oy geed walba u fuushay inay shirakda caalami ah gaar ahaan kuwa reer Galbeedka soo dhex galiso shidaalka ceegaaga Ogadenya. Hasa ahaatee arintaasi waxaa ka caagay oo ka caga jiiday shirkadihii waaweynaa ee caalamiga ahaa. Sidaa darteed ayay u sameeyeen xataa shirkad Wayaanuhu leeyahay oo lagu magacaabay inay tahay shidaal baadhe oo la yidhi waxay kala wareegtay Petronas dhulkii loo meegaaray ee lacagta badan lagaga cunay.
Dhowr jeer oo hore ayuu Wasiirka ku magacaaban Macdanta ee Itobiya sheegay inuu shirkad la saxiixay heshiis shidaalka Ogadenya, muddo ka dibna waxaan maqlaynay shirkad kale oon ahayn middii hore oo hadana heshiis kale lala galay. Shirkadaha aan maqalnay laga bilaabo 2007dii inay ka iibiyeen baadhitaanka shidaalka waxaa ka mid ahaa; Africa Oil Corporation oo Canada ah, New Resolution Geo physics (NGR) oo Koonfur Afrika ah, Tullo Petroleum iyo White Nile Petroleum, oo fadhigoodu yahay Ingriiska. Waxaa intaba ka horeeyay Petronas oo isaga baxday gabi ahaanba Itobiya.
Waxaan hadda maqalaynaa shirkad Shiina ah oo fadhigeedu yahay Hong Kong oo magaceeda la qariyay (maxaa loo qariyay?), inay dawladda Itobiya kaga iibsatay mashruucii Gaaska ee Kalub (Calub Gas Reserve) lacag gaareysa 200 oo malyan. Waxay sheegeen in wasaaradda macdanta ee Itobiya ay suuqyada caalamka gaysay qandaraas loogu tartamayo mashruuca kalub bishii Maarso ee sanadkan, halkaasoo ay shirkada 7ba gaaraya siday leeyihiin ay soo qorteen. Waxaana ku guulaysatay bay yidhaadeen shirkad Shiina ah oo magaceeda la qariyay. Hadalla kale oo is-dhex yaac ah ayay ku sheegeen in 2ba todobaad gudohood lagu soo bandhigi doono natiijada qandaraaskaa oo aan weli la dhamaynin. Xaalkoodu waa todobababa tala ka dhalatay, sababtoo ah waxaa dalka jooga oo gacanta ku haya CWXO oy ogyihiin in aanay u ogolayn shirkadahaa inay soo galaan dalka iyadoon qadiyadda aay-ka-tashiga shacabka Ogadenya xal loo helin.
Ugu dambayntii, digniintii Jabahdda Wadaniga Xoreynta Ogadenya waxba iskama badalin caalamkana wuu ogsoon yahay inay Ogadenya tahay goob dagaal. Shirkadii faraha la soo gasha iyada umbaa ka masuul ah dhibaatada soo gaadha. Isla marahaantaa waxaa lagula xisaabtami doonaa dhibaatadii loo gaysto shacabka si loo ilaaliyo joogitaankooda.
ONA.
The Ethiopian government has gone to great lengths and left no stone unturned in trying to bring international companies, particularly Western ones, into the oil fields of Ogadenia. However, the major international companies shied away from and dragged their feet on the matter. That is why they even created a company owned by the Woyane, described as an oil explorer, which was said to have taken over from Petronas the territory that had been allocated to it and on which a great deal of money had been squandered.
Several times in the past, the so-called Minister of Mines of Ethiopia has announced that he signed an agreement with a company on Ogadenia's oil, and some time later we would hear of yet another company, different from the first, with which another agreement had been made. Among the companies we heard had been sold oil exploration rights since 2007 were: Africa Oil Corporation of Canada, New Resolution Geo physics (NGR) of South Africa, and Tullo Petroleum and White Nile Petroleum, which are based in Britain. Preceding all of these was Petronas, which withdrew from Ethiopia entirely.
We now hear that a Chinese company based in Hong Kong, whose name has been concealed (why has it been concealed?), has bought the Kalub gas project (Calub Gas Reserve) from the Ethiopian government for an amount reaching 200 million. They said that the Ethiopian Ministry of Mines put the contract for the Kalub project out to tender on international markets in March of this year, and that as many as 7 companies, according to them, submitted bids. And the winner, they said, was a Chinese company whose name has been concealed. In other, contradictory statements, they said that the result of the tender, which has not yet been finalised, would be announced within 2 weeks. Their situation is that of confused, aimless planning, because present in the country and in control of it is the ONLF, and they know that it will not permit these companies to enter the country without a solution being found to the issue of the self-determination of the people of Ogadenia.
Finally, the warning of the Ogaden National Liberation Front (ONLF) has not changed at all, and the world is well aware that Ogadenia is a war zone. Any company that meddles will itself be responsible for whatever harm befalls it. At the same time, it will be held accountable for the harm done to the people in order to protect their presence.
ONA.AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.

