Shir aad loo soo agaasimay oo mudoba laga shintirinayay ayaa lagu qabtay maanta oo ay taariikhdu tahay 18/03/12 galbeedka Australia, Magalada Perth. Shirkaas oo uu kaqayb galay Hogaanka Arimaha Dibadda ee JWXO Dr Cabdiraxman Maxamed sheekh Mahdi (Madey) oo baryahanba ku joogay booqasho shaqo wadanka Australia.
Shirkan oo ay kasoo qaybgaleen dhamaan ururada bulshada S.Ogadenia iyo wilibba somaliweynta kudhaqan magalada Perth ayaa wuxuu ahaa shir aan lookala hadhin oo jaaliyadda Perth ay si fiican u soo agaasimeen.
Shirka oo bilawday abaarihii 4:30 galabnimo waqtiga Perth ayaa waxaa lagu soo dhaweeyay xamaasad iyo shucuur aad ubalaadhan markay soo galeen madashii shirka madaxdii JWXO oo uu horkacayay Dr Madey iyo masuulintii ururka ee la socotay oo uu ka mid ahaa mudane Cadaan Hirmooge. Soo dhaweyntii iyo xamaasadii kadib ayaa waxaa laguda galay hawlihii shirka oo markii oogu horaysayba lagu furay ayaadaha quraanka kariimka, kadibna waxaa lagu soo dhawayey fadiilatu sheekh Cabdiqadir Cali gurey oo kasoo jeediyay wacdi iyo waano aad u badashay dadkii joogay madashii shirka. Wacdiga sheekh Cabdiqadir ayaa ahayd mid uu ku baraarujinayay shacabka S.Ogadenia in ay iska dulqaadan dulmiga lagu hayo iyo duliga gumaysiga oy garab istaagaan halganka xaqa ah ee kasocda Ogadenia.
Kadib waxaa lagu soo dhaweeyay microfoonka Gudoomiyaha Jaaliyada S.Ogadenia ee Galbeedka Australia Mudane Axmed Dalmar oo ka warbixiyay waxqabadka jaaliyada isagoo tilmaamay in ay jaaliydani u taagantahay garab istaaga halganka lagu xoraynayo Ogadenia isla markaana aysan ka seexanin habeen iyo maalinba hawlaha lagu horumarinayo qadiyadda shacabka Ogadenya. Wuxuu sheegay jaaliyadani in ay soo martay marxalado kala gadisan balse maanta ay taagantahay heer aad iyo aad loogu farxo isagoo sheegay in dhamaan hawlwadeenada jaaliyadu ay u shaqeeyaan sidii loogu talagalay.
Kadib waxaa lagu soo dhawayey microfoonka xoghaynta guud ee OYSU Mudane Jamal Ugaas Xukun isaga oo ka warbixiyay xaalada guud ee ururka Dhalinyarada iyo Ardayda S.Ogadenia islamarkaan sheegay sababihii loo mideeyay dhalinyarada oo labo sano kahor ahaan jiray ururo badan oo aan xidhiidh fiican uusan ka dhaxeenin. Wuxuu hoosta ka xariiqay in markii xooga iyo maskaxda da’yarta S.Ogadenia la mideeyay ay muuqato waxqabadkoodii dhamaanba shanta qaaradood ayna balan qaadeen in ay keenaan majlisyada caalamka xasuuqa uu kuhayo gumaysigu shacabka Ogadenia.
Waxaa kale oo lagu soo dhawayay madasha Abwanada weyn ee Rooda Ibrahim (Af Jano) oo so jeedisay hadal aad iyo aad loogu qiirooday kaas oo tabanayay kalinta dumarka ay ooga jiraan halganka shacabka S.Ogadenia isla markaana ka hadashay dhibka uu gumaysigu ku hayo dumarka S.Ogadenia iyo sida ay ugu dhabar adeegayn dhibka uu gumaysigu ku hayo. Waxay sheegtay oo kale in ayna dumarka S.Ogadenia looga xusin malinta dumarka aduunka laga xuso balse iyagu ku jiraan murogo uu baday gumaysigu kaas oo isugu jira jidh dil aan loo aabo yeelin, kufsi, dhac, barakicin iyo igaya oo ragoodii lagu hor laayo iyo wiilashii ay dhaleen calamkuna ilobay bahalnimadaa gumaysigaa.
Inta kadib waxaa kahadlay oday dhaqameedyo halkaas ka soo jeediyay erayo gubaabo iyo dardaaran iyo fariin isugu wada jira iyo waliba abwaan Gaboose oo gabay aad loogu bogay ka tiriyay madasha.Intaas kadib ayaa waxaa lagalay hadafkii shirka oo ahaa in laga dhagaysto hogaanka arimaha dibada JWXO mudane Dr Cabdiraxman Maxamed Sheekh Mahdi (Madey) oo markii lagu soo dhaweeyay ay dhamaan dadkii fadhiyay ay sawaxan iyo sacab la wada iistaageen. Mudane C/raxmaan Madey ayaa dadkii ooga mahad celiyay sida sharafta iyo karaamada leh ee ay oogu soo dhawayeen magaalada Perth iyo goobta shirkaba.
Cabdiraxman Madey oo mudo aad u dheer kusoo jiray halganka isla marhaantaana kamid ah aas aasayaashii ururka ONLF ayaa hadalkiisii ku bilaabay siyaasada iyo hadafka ururka ONLF. Waxa uu sheegay in uu halgankani marayo meel aad u wanaagsan dhan ciidan iyo siyaasadba, lagagana guulaystay maxaysatada Wayanaha goobaha dagaalka. Waxa uu si qoto dheer ooga warbixiyay heerka siyaasadeed ee caalamka ay ka marayso Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia hady noqon laheed Europe, America, Afrikaba iyo wiliba Bariga-dhexe. Hadii ay Itoobiya awal ay iyadu u yeedhin jirtay caalamka arimaha geeska Afrika ayna maanta arintu sidaas ahayn meel walbana aanu cadeynay xasuuqa iyo genocide-ka uu kawada gumaysiga dhulka Ogadenia.
Waxa Dr Madey uu aad oogu dheeraaday cadawga kali ah ay leedahay S.Ogadenia iyo Somali weynba uu yahay Itoobiya caalamkana kasoo baryootanta lacag gaaraysa $22 Billion, lacagtaas oo ay u isticmaasho siday oogu gumaadi laheed qoomiyadaha kale ee ku dhaaqan Itoobiya. Waxaa uu mudane Madey cadeyay in ay tahay Itoobiya dawlada oogu faqiirsan caalamka ayna ku dhaqanyihiin dad gaaraya 80 million sida ay sheegtaan kuwaas oo ka faqri ah xagga dhaqanka, xoolaha iyo dhulka, waxayna damacsanyihiin inay u soo boob tago dhulka somalidu ay dagan tahay iyagoo biyo xireeno ka seemeyn doona say u soo dajiyaan dadkooda buuraha saaran dhulga S.Ogadenia.
Waxa kale oo Dr Maadeey sheegay in gumaysiga madoow ee Itoobiya u soo haqal taagayso macdanta iyo khayraadka dabiiciga ah ee ku jira Ogadenia sida Jeexdin oo u jirta Hobyo 400 Km oy doonayaan inay halkaas ka dhoofsadaan shidaalka balse wuxuu taas ku tilmaamay arin aanan marnaba suura gali dooninoo JWXO aanay sinaba u ogalaan doonin.
Waxa kale oo uu mudane Madeey kahadlay arimaha Somaliya asaga oo tilmaamay in ay shacabka Somaliyed yihiin shacab walaaladanada ah oo aanu nahay dad Somalinimada ku faana isla mar ahaanataana Somalinimaduna kasoo abuurantay Ogadenia oo aanan marnaba ogalaan doonin maamulada dabadhilif ka ee ushaqeeya gumaysatada Itoobiya in ay isku kaana dhuftaan anaga iyo shacabka walaaladanada ah.
Isku soo wada duuduuboo, shirkan ayaa ahaa shir warbixino kala duwan lagaga soo jeediyay suaalo badana lagu waydiiyay masuuliyiintii jwxo ee meesha fadhiday ee uu kamid ahaa Dr cabdiraxmaan Madey iyo mudane Cabdiqadir sheekh Xasan Biixi Hirmooge kuna dhamaaday jawi farxad iyo reereen leh.
Wixii kasoo kordha safarka shaqo uu Madey kujoogo Australia kala soco shabakada Ogaden News Agency.
ONA/Perth.
A well-organised meeting that had been anticipated for some time was held today, 18/03/12, in Western Australia, in the city of Perth. The meeting was attended by the Head of Foreign Affairs of the ONLF, Dr Cabdiraxman Maxamed sheekh Mahdi (Madey), who has been on a working visit to Australia in recent days.
The meeting, which was attended by all the community organisations of Somali Ogadenia as well as the wider Somali community living in the city of Perth, was a meeting that no one missed and that the Perth community organised very well.
The meeting, which began at around 4:30 in the afternoon Perth time, welcomed with great enthusiasm and emotion the ONLF leaders as they entered the meeting hall, led by Dr Madey and the organisation's officials accompanying him, among them Mr Cadaan Hirmooge. After the welcome and the excitement, the proceedings of the meeting began, opening first of all with verses of the Holy Quran, after which His Eminence Sheikh Cabdiqadir Cali gurey was welcomed and delivered a sermon and advice that greatly benefited the people present in the meeting hall. Sheikh Cabdiqadir's sermon was one in which he urged the people of Somali Ogadenia to shake off the oppression being inflicted on them and the humiliation of colonialism, and to stand behind the just struggle taking place in Ogadenia.
Then the Chairman of the Somali Ogadenia Community of Western Australia, Mr Axmed Dalmar, was welcomed to the microphone and reported on the community's activities, pointing out that this community stands in support of the struggle to liberate Ogadenia and that they do not rest night or day in the work of advancing the cause of the people of Ogadenia. He said that this community has gone through various stages but that today it stands at a level that is very, very gratifying, stating that all the community's workers are working as intended.
Then the Secretary General of the OYSU, Mr Jamal Ugaas Xukun, was welcomed to the microphone; he reported on the general situation of the Somali Ogadenia Youth and Students Union and at the same time explained the reasons why the youth were united, who two years ago used to be many organisations without good relations between them. He underlined that when the strength and minds of the young people of Somali Ogadenia were united, their activities became visible across all five continents, and they pledged to bring before the world's councils the massacre that colonialism is inflicting on the people of Ogadenia.
Also welcomed to the stage was the great poet Rooda Ibrahim (Af Jano), who delivered a very, very moving speech highlighting the role women play in the struggle of the people of Somali Ogadenia, and at the same time spoke about the suffering that colonialism inflicts on the women of Somali Ogadenia and how they endure the suffering that colonialism inflicts on them. She also said that the women of Somali Ogadenia do not celebrate the day on which the world's women are commemorated, but rather they are in grief caused by colonialism, which includes physical killing that goes unpunished, rape, robbery, displacement, and having their men and the sons they bore slaughtered in front of them, while the world has forgotten that colonial brutality.
After that, traditional elders spoke there, delivering words that combined encouragement, counsel and a message, and also the poet Gaboose recited a much-admired poem at the gathering. After that, the meeting moved to its main purpose, which was to hear from the Head of Foreign Affairs of the ONLF, Mr Dr Cabdiraxman Maxamed Sheekh Mahdi (Madey), and when he was welcomed, all the people seated rose together with cheers and applause. Mr C/raxmaan Madey thanked the people for the honourable and dignified way in which they welcomed him to the city of Perth and to the meeting venue.
Cabdiraxman Madey, who has been in the struggle for a very long time and is also one of the founders of the ONLF organisation, began his speech with the politics and aims of the ONLF organisation. He said that this struggle is in a very good position both militarily and politically, and that the Woyane mercenaries have been defeated on the battlefields. He reported in depth on the political level that the Ogaden National Liberation Front has reached internationally, whether in Europe, America, Africa or the Middle East. Whereas Ethiopia used to be the one the world turned to on Horn of Africa affairs, today that is no longer the case, and everywhere we have exposed the massacre and genocide that colonialism is committing in the land of Ogadenia.
Dr Madey dwelt at length on the fact that the only enemy of Somali Ogadenia and of Greater Somalia is Ethiopia, which begs the world for money amounting to $22 billion, money it uses to crush the other nationalities living in Ethiopia. Mr Madey made clear that Ethiopia is the poorest state in the world, inhabited by some 80 million people according to their own claims, who are poor in terms of livelihood, livestock and land, and that they intend to come and plunder the land where the Somalis live, while building dams in order to settle their people living in the mountains onto the land of Somali Ogadenia.
Dr Maadeey also said that Ethiopia's black colonialism is coveting the minerals and natural resources in Ogadenia, such as Jeexdin, which is 400 km from Hobyo, from where they want to export oil, but he described this as something that will never be possible and that the ONLF will in no way accept.
Mr Madeey also spoke about the affairs of Somalia, pointing out that the people of Somalia are our brotherly people, that we are a people proud of our Somaliness, and that Somaliness itself originated from Ogadenia, and that we will never accept the puppet administrations working for the Ethiopian colonisers setting us and our brotherly people against each other.
To sum up, this meeting was one at which various reports were presented and many questions were put to the ONLF officials sitting there, among them Dr Cabdiraxmaan Madey and Mr Cabdiqadir sheekh Xasan Biixi Hirmooge, and it ended in an atmosphere of joy and celebration.
Follow any further developments on Madey's working trip in Australia on the Ogaden News Agency network.
ONA/Perth.
AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.
