
Tababar laba billood socday ayaa lasoo xidhay todobaadkan waxaana ka qalin jabiyay koox isugujira Wiilal Iyo Gabdho kuwaas oo durbaba ka bilaabay shaqo Radio Xoriyo iyo qeybo kale oo kamid ah warfaafinta. Warfaafinta Ururka ayaa hadiyo jeer bixisa Siminaaro iyo tababaro ay siinayso Xubnaha warfaafinta si kor loogu qaado tayada iyo aqoonta xubnaha cusub ee raba inay ku shaqeyaan xirfada Wariyanimo ee Idaacadaha iyo TV-ga ama howlaha kale ee la xidhiidha ‘Mediaha’.
Xubnahan cusub ee tababarka usoo dhamaaday ayaa sidii loogu talagalay u qaatay casharadii iyo tababaradii loogutalagalay oo socday muddo laba bilood ah. Waxaana laga dheehan kara xirafada ay barteen iyo qaabka sareeya ay wax u barteen Radiyo Xoriyo.
Howlwadeenada cusub ee kusoo biiray Radiyo Xoriyo waxay durba qeyb libaax leh ka qaateen Idaacada Radiyo Xoriyo ee baxday galabta iyo barnaamijyadi u danbeyay ee kan ka horeeyay. Waxa sido kale ay daadihin doonaan Barnaamijyada idaacada ee inagusoo fool leh.
Aggaasimaha Idaacadaha Ogadeniya iyo Guddomiye Ku Xigeenka Warfaafinta Ururka ayaa noo sheegay in tababarkan ahaa mid lagu guulaystay waxa uuna kamid yahay shaqo maalmeedka H/warfaafinta. Waxa aan aad ugu faraxsanahay ardeydan qalinjabisay oo ah dhalinyaro maskax furan oo rabta inay bartaan xirfad cusub.
Waxaa sidoo kale lafuray Websitekii Radiyo Xoriyo oo cinwaankiisu yahay (www.radiyoxoriyo.com) Radio Xoriyo waa idaacada ugu caansan ee laga dhageysto dhulka Somalida Ogadeniya.
ONA

A training course that ran for two months concluded this week, and a group of young men and women graduated from it. They have already started work at Radio Xoriyo and in other sections of the information department. The organisation's information department regularly holds seminars and training sessions for information staff to raise the quality and knowledge of new members who wish to work in the journalism profession in radio and TV or in other work related to the media.
These new members, who completed the training, took in the lessons and training designed for them, which lasted two months, as intended. The skills they learned and the high standard at which they learned at Radiyo Xoriyo can be clearly seen.
The new staff who have joined Radiyo Xoriyo have already played a major part in this afternoon's Radiyo Xoriyo broadcast and in the latest programmes before it. They will also run the station's upcoming programmes.
The Director of Ogadenia Radio Stations and Deputy Chairman of the organisation's Information Department told us that this training was a success and is part of the daily work of the Information Department. "I am very pleased with these graduating students, who are open-minded young people eager to learn a new skill."
The Radiyo Xoriyo website, whose address is (www.radiyoxoriyo.com), has also been launched. Radio Xoriyo is the most popular radio station listened to in the Somali land of Ogadenia.
ONA
AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.

