Dad badan ayaa aad ula yaabay hadalaldii uu Ilyaas Barre Shiil ka sheegay idaacadda BBC-da. Inkastoo dadka sida fiican u yaqaana Ilyaas shqsiyadiisa aanay aad ula sii yaabin waxyaabaha ka soo yeedhay, hadana kuwii maalgalinta ku sameeyay socdaalkiisa oo sii qorsheeyay ayaa meel walba la taagan ma maqashay wuxuu yidhi Ilyaas markuu tagay Jigjiga?
Warbixinta dheer oo qoraaga caanka ah Mr. Muktaar Cumar uu arintan ka qoray oon ka soo xiganay shabakadda WardheerNews ayuu arima badan kaga ahdlayaa oo ku saabsan Ilyaas Barre Shiil. Ugu horeyn wuxuu sheegay qoraaga in hadalada uu ku hadlay ahaayeen qaar la;isla ogyahay oo ku talagal ah, mana aha buu yidhi qoraaga markii ugu horeysay ee Barre Shiil inta meel lagu marti qaado uu amaan ka badiyo. Wuxuu xusay qoraaga in markuu tagay Jigjiga sidii dhaqanka u ahaan jirtay Ilyaas Barre uu la tagay af furan oo diyaar u ah in wax lagu rido iyo maskax xidhan oon wixii lagula heshiiyay waxaan ahayn aan diyaar u ahayn inay ka fikirto .. (he approached the weighty matters in Somali region ofEthiopia, again, with an open mouth and a closed mind.) November 2010 ayay ahayd buu yidhi qoraaga markii lagu martiqaaday Hargaysa oo gooni u goosadka SL uu amaanta ka badiyay. December 2011 ayaa hadana lagu martqaaday Garoowe oo sidoo kale u amaanay isagoo soo dhaweyntii loo sameeyay ugu abaalgudaya. Waxaa ka horeysay ka qaybgalkiisii November 2011 shirkii Galmudug oo lagu martiqaaday isagoo ku dhawaaqayay “Galmudug ha noolaato” markay ku soo dhaweeyeen shirka taageeryaasha Galmudug. Waxaa halkaa idiinkaga muuqanaya buu yidhi qoraaga in Ilyaas kolba muusiqada loo tumo uu ku ciyaaro oo aanu lahayn mabd’a dhaafsan afkiisa furan. Dhib kuma hayso buu yidhi qoraaga inuu Ilyaas Barre mabda’ii SYL shir ka amaano, qolka ku xigana shir ay SNM ku qabsato intuu tago uu ka amaano iyagana.
Waxaa qoraaga ka yaabiyay hadalada Ilyaas uu ku leeyahay horumarka ka jira Jigjiga kama jiro NFD, taasoo haddii dhab ahaan loo sii dabagalo ceeb iyo fadeexad ku ah xildhibaanada gobolka NFD ee qudhiisa uu ka midka ahaa. Haddii horumarka NFD uu ka hooseeyo midka Jogjiga ka socda buu yidhi qoraaga, waa hawl u taala siyaasiyiinta gobolka mana ah mid keeni karta inuu gacmaha ka dhunkado gacan-ku-dhiiglayaasha Ogadenya. Waa laba arimood oo aad u kala duwan. Shacab ku jira gumaysi oo xuquuqdooda u dagaalamaya, oo ka dhiidhiyay cadaalad darro iyo cadaadis gumaysi, iyo gobol horumar u baahan oo siyaasiyiinta laga soo doorto gobolka NFD ay tahay inay ka hawlgalaan.
In Jigjiga laga furay Airport weyn, wadooyin la dhisayo iyo dugsiyo ma aha arin u baahan inuu ka soo xogwaramo Ilyaas, mana aha midaas qadiyadda Ogadenya ee qarniyada la soo factirsatay ee shacabka Somaliyeed ay ka doonayaan dawladda Itobiya. Ilyaas Barre waxyaaba badan ayuu ka been sheegay ay ka mid tahay inuu yidhaahdo dadka waxay ku faraxsan yihiin nidaamka siyaasiga ah ee meesha ka jira. Waxaa kaloo uu yidhi cadaadiska nalooga sheegay gobolka waxba kama jiraan. Qoraaga oo arintaa ka hadlaya ayaa yidhi; ereyada noocaa ah ee odhanaya dadka gobolka way faraxsan yihiin, maamulka gobolkana wuxuu haystaa madaxbanaani, jidhdilla iyo xasuuqa laga sheegayo Ogadenyana waxba kama jiro, ereyada noocaa ah waxay ka soo bixi karaan un qof maangaab ah oo maskaxdiisa aanay fiyoobeyn .. (sweeping generalizations about how people are happy in the region, how the administration enjoys political autonomy, how the charges of torture and killing in the region are all false, can only come from someone with cerebral paucity of disturbing proportions). Hadaan kaba soo qaadno buu yidhi qoraaga waxyaabaha lagu xanto xildhibaankan ee ah inuu fahmo oo kali ah waxay indhihiisa arkayaan, oo aanu lahayn maskax iyo caqli uu ku ogaado waxyaabaha ka qarsoon, maxaa ka hortaagnaa inuu ugu yaraan gaadho xabsiga weyn ee ku yaala Jigjiga oo halkaas uu ka soo ogaado waxyaabaha ka jira gobolka ee dhabta ah een ahayn sheekada rasmiga ahee qadada dusheeda loogu sheegayay?
Maqaalka qoraaga oo aad u dheer, waxyaaba badan oo muhiim ahna uu kaga hadlay ayuu ku sheegay inay Itobiya iyo daba-dhilifyada u jooga Ogadenya aad u buunbuuniyaan horumar baa gobolka laga sameeyay iyo nabadda iyo horumarka oo isku xidhan. Meesha buu yidhi ay jabhadda ONLF-na ay ay ka hadasho xoriyadda iyo cadaaladda oo aan jirin. Wuxuu yidhi qoraaga, arintan waxay ka mid tahay murankii waligeedba u dhexeeyay gumaysiga iyo gobanimadoonka. Xoriyadda iyo cadaaladda miyaa keena horumarka mise horumarka ayaa keena. Gobolka Somaliyeed ee Ogadenya waxaa la hadal hayaa buu yidhi qoraaga ereyada ah; ‘nabad’ iyo ‘horumar’, meeshii laga rabay inay ka hadlaan ‘cadaalad’ iyo ‘xoriyad’ oo ah waxyaabaha dadka la gumaysto ee la cadaadiyo ay u baahan yihiin. Qoraaga ayaa kula taliyay jabhadda ONLF in aanay ku mashquulin horumar baa jira iyo majiro, sababtoo ah hadafka loo halgamayo waa in la helaa cadaalad iyo aaya-ka-tashi madaxbanaan.
Maqaalkaa oo dhamaystiran Riix WardheerNews
ONA.
Many people were greatly astonished by the remarks Ilyaas Barre Shiil made on the BBC radio. Although those who know Ilyaas's personality well were not especially surprised by what came out of him, those who financed his trip and planned it in advance are standing everywhere asking, "Did you hear what Ilyaas said when he went to Jigjiga?"
In a long report on this matter by the well-known writer Mr. Muktaar Cumar, which we have quoted from the WardheerNews website, he discusses many issues concerning Ilyaas Barre Shiil. First, the writer stated that the remarks he made were known in advance and deliberate, and, the writer said, this is not the first time that Barre Shiil, once invited somewhere, has showered it with praise. The writer noted that when he went to Jigjiga, as had been his habit, Ilyaas Barre went with an open mouth ready to have things put into it and a closed mind not prepared to think about anything other than what had been agreed with him .. (he approached the weighty matters in Somali region ofEthiopia, again, with an open mouth and a closed mind.) It was in November 2010, the writer said, when he was invited to Hargaysa and lavished praise on the breakaway SL. Then in December 2011 he was invited to Garoowe and likewise praised it, rewarding the welcome that had been organised for him. Before that came his participation in November 2011 in the Galmudug conference, to which he was invited, where he shouted "Long live Galmudug" when Galmudug supporters welcomed him to the conference. This shows you, the writer said, that Ilyaas dances to whatever music is played for him and has no principle beyond his open mouth. It is no problem for him, the writer said, for Ilyaas Barre to praise the principles of the SYL at one meeting, and then go to the next room to a meeting held by the SNM and praise them too.
The writer was astonished by Ilyaas's remarks that the development taking place in Jigjiga does not exist in the NFD, which, if truly followed through, is a shame and a scandal for the members of parliament of the NFD region, of whom he himself was one. If development in the NFD is lower than that taking place in Jogjiga, the writer said, that is a task for the region's politicians, and it is not something that could lead him to kiss the hands of the butchers of Ogadenya. They are two very different matters. A people under colonisation fighting for their rights, who have resisted injustice and colonial oppression, and a region in need of development on which the politicians elected from the NFD region ought to work.
That a large airport has been opened in Jigjiga, and that roads and schools are being built, is not a matter Ilyaas needs to come and report on, nor is that the centuries-old Ogadenya question that the Somali people want resolved by the Ethiopian government. Ilyaas Barre told many lies, among them saying that the people are happy with the political system in place there. He also said that the oppression we have been told about in the region does not exist at all. Speaking on this, the writer said: words of that kind, saying that the people of the region are happy, that the regional administration enjoys autonomy, and that the torture and massacres reported in Ogadenya do not exist at all, words of that kind can only come from a feeble-minded person whose mind is not sound .. (sweeping generalizations about how people are happy in the region, how the administration enjoys political autonomy, how the charges of torture and killing in the region are all false, can only come from someone with cerebral paucity of disturbing proportions). Even if we accept, the writer said, what is said behind this MP's back, that he understands only what his eyes see and lacks the mind and intellect to discover what is hidden, what prevented him from at least visiting the large prison in Jigjiga and finding out there the real situation in the region, rather than the official story he was told over lunch?
In the writer's very long article, in which he discussed many important things, he stated that Ethiopia and its lackeys in Ogadenya greatly exaggerate that development has been achieved in the region and that peace and development are linked. Meanwhile, he said, the ONLF front speaks of freedom and justice, which do not exist. The writer said this issue is part of the dispute that has always existed between colonisers and those seeking liberation. Do freedom and justice bring development, or does development bring them? In the Somali region of Ogadenya, the writer said, the words being talked about are 'peace' and 'development', when they should instead be talking about 'justice' and 'freedom', which are what colonised and oppressed people need. The writer advised the ONLF front not to get preoccupied with whether or not there is development, because the goal being struggled for is to obtain justice and independent self-determination.
For the full article, click WardheerNews
ONA.
AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.
