Shaki kuma jiro inay Itobiya ka filaysay dhamaadka sanadka 2011 wax ka duwan sidan uu ugu dhamaaday. Kaligii Taliyaha Itobiya wuxuu laba sano ka hor ugu bishaareeyay Wayaanaha iyo kuwa u dhaga nugul in waqti aan fogayn la soo afjari doono halganka shacabka S.Ogadenya ee JWXO ay hogaaminayso.
Sida laga soo wariyay diblomaasiyiinta Mareykanka ee WikkiLeaks uu qoray; Xisbiga Wayaanaha (TPLF) ayaa wuxuu aaminsanyahay in hadaanay ONLF iska qabanin ay uga dhamaatay xukunka Itobiya. Sidaa adrteed; ayay waxay dajisteen qorshe ka kooban qodobo (aan xogtooda helnay) oo ah maaxdii caqliga Wayaanaha. Waxaa loo qoondeeyay miisaaniyad xoogan, waxaana la hawlgaliyay kooxo kala duwan oo loo sameeyay hawlqaybsi oo dunida u kala foofay. Maxay noqotay natiijadii? Hal erey hadii lagu soo koobo waa : Guuldarro.
Gumaysiga Itobiya gaar ahaan Wayaanaha marka ay u dajinayaan Somalida qorshe dhagareed waxay ku dhisaan 3ex tiir oo kala ah;
1- Somalida waaxaan qabiil ahayn ma aaminsana.
2- Somalida mansab aan jirin ayaa loo sameeyaa uu midwalba iska dhex arko.
3- Somalida lacag ayaa loo sheegaa xabadna dhafoorkaa laga saaraa.
Hadaad dib ugu noqoto labadii sanee la soo dhaafay, qorshaha gumaysiga uu ugu talagalay inuu ku soo afjaro halganka shacabka Somaliyeed ee Ogadenya wuxuu sidoo kale ku salaysnaa qodobadaa aan soo sheegnay.
Marka laga yimaado dadaalka ay JWXO ku fashisay shirqooladii gumaysiga, waxyaabaha soo dadajiyay fashilka gumaysiga waxaa ugu horeeya aqoon darida gumaysiga ka haysata dabeecadaha shacabka S.Ogadenya iyo siyaabaha ay u dhayalsanayaan heerka wacyiga shacabkeena uu gaadhay ee taariikh halganeedkiisii soo taxnaa labada qarni uu ka dhaxlay. Wuxuu filayay gumaysiga qodobadaa aan soo sheegnay marka la dhaqan galiyo oo si ka badbadin ah loo xayaysiiyo in xubnaha JWXO iyo taageerayaasha halganka oo kala ordaya ay soo buux dhaafin doonaan Jigjiga iyo gegada dayaaradaha ee Bole Adisababa. Waxyaabaha lagu qoslo waxaa ka mid ahaa in ciidanka Itobiya la faray inay dhisan xeryihii ay ku soo xaroon lahaayeen ciidanka JWXO markay isa soo dhiibaan. Sidoo kale Hotelada ayaa qaar la baneeyay. Waxaa halkaa kaaga muuqanay in aanay Itobiya ku talagalin in shacabka S.Ogadenya uu fahmi karo qorshaha gumaysiga.
3ex nin ayaa masuul looga dhigay burburinta halganka iyo soo xareynta xubnaha JWXO iyo Qurbajoogta S.Ogadenya iyo waxay ugu yeedheen dib-u-dajinta CWXO. Waxayna kala ahaayeen; Dr. Shefroow Takle Maryam, Cabdi Iley iyo Ibraahim dheere. Midwalbana wuxuu qaatay jadwal iyo muhiimad gaar ah.
Sheffroow wuxuu qaabilsanaa isku-xidhka Addisababa iyo Jigjiga iyo maalgalinta, Cabdi Iley soo xareynta qurbajoogta iyo kala qaybinta shacabka, Ibraahim dheere isagana inuu dacaayada diiniga ah qaabilo, u xalaaleeyo Hawaarinta iyo intii la socotay dilka ONLF-ta isla markaana uu Jigjiga keeno culumada magaca ku leh bulshada.
Qorshahii la siiyay qofwalba siduu u ahaa ayuu u dhaqan galiyay, KT Meles-na waxaa laga codsaday inuusan 2ba sano qalin iyo warqad is-dulsaarin oo aanu xisaabinin wixii ka baxay iyo wixii u soo xarooday. Labadii sano wey dhamaatay, lacag aan ka yareyn $100-200 million (siday sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoonaan karo) ayaa ku baxay.
Ugu horeyn xeryihii la dhisay ee la yidhi waxaa soo buuxin dhaafin doona naftood-hurayaasha JWXO laba bilood ka diba waxaa la ogaaday inay ahayd been aan waxba ka jirin oo waa loo fujiyay, ka dib markay soo qaadeen CWXO dagaalo saf balaadhan ah oo argagax weyn ku abuuray ciidankii gumaysiga. Waxaa ku xigay socdaaladii uu dibadda ugu soo baxay Cabdi Iley markii lagu yidhi waa la dhisay jaaliyadahii loogu magacdaray Somalida Itobiya. Isagana wixii qabsaday waa la ogaa. Waxaa ku xigay wufuudii ka socday gumaysiga ee loo soo diray jaaliyadaha Mareykanka oo iyagana ku fashilmay inay beentii loo soo dhiibay ka gadaan 100 qofna. Waxaa ku xigay socdaalkii KT Meles oo filayay in caleemo qoyan lagu soo dhaweyn doono, maadaama laga qaaday malaayiin doolar si loo dhiso jaliayadahii ku soo dhaweyn lahaa qurbaha. Waa isagii ka cararay Oslo ee u baqoolay Copenhagen halkaasoo uu kula kulmay markale kabtii uu ka soo cararay.
Ninka kali ah ee masuuliyaduu qaaday ka soo baxay ee waajibaadkii la saarayna gutay waa Dr. Sheffroow, oo miisanayadii tikidhada iyo jaadka iyo .. iyo .. soo xasiliyay.
Cabdi iley isaga riwaayadiisii ayuu weli jilahayaa, kolbana wiilal yaryar ayuu intuu geela ka soo dhex qabqabto ku amraa inay yidhaahdaan waxaan ahayn UBO si loo sii daayo. Ibraahim dheere oo isagana aduun iyo aakhiraba ku seegay (tawbadda way u furan tahaye), raaligalinta Cabdi iley ayaa dhalinyaradii uu khiyaanay ee beenta u sheegay ay maanta dhex taag taagan yihiin Godey iyo Jigjiga oo meel ay tagaan la’yihiin. Waxaa laga wariyay qaarkood inay yidhaahdeen shacabkiina dambi ayaan ka galnay, Ibraahim dheere iyo Nashaad iyo inyaroo la socotana waxay ku mashquulsan yihiin beero iyo guryo.
Gudigii xaaraanta ahaa halkaa ayuu ku dambeeyay.
Gumaysiga Itobiya wuu ogaaday hadda inuu ku guuldareystay qorshihii uu dajiyay. Waxaa kaloo uu gumaysiga ogaaday been badan oo loo sheegayna in aanay waxba ka jirin. Sababtoo ah ONLF iyadoo ka awood badan laba sano ka hor heerkay joogtay ayay gude iyo dibadba ka ahwlgalaan.
Sanad cusub oo guulihiisa xambaarsan Inshaa Alaah ayaan idiin rajaynaynaa.
ONA.
There is no doubt that Ethiopia expected the end of 2011 to be different from the way it actually ended. Two years ago, the Ethiopian dictator gave the good news to the Woyane and those who lend them an ear that, before long, the struggle of the Somali people of Ogadenia, led by the ONLF, would be brought to an end.
Sheffroow was responsible for coordination between Addis Ababa and Jigjiga and for financing; Cabdi Iley for gathering in the diaspora and dividing the people; and Ibraahim Dheere was to handle religious propaganda, to legitimise the Hawaarin and those who went along with them in killing the ONLF, and at the same time to bring to Jigjiga religious scholars who have a name in society.
Each person implemented the plan he was given just as it was, and PM Meles was asked not to put pen to paper for two years and not to account for what was spent and what came in. The two years have ended, and no less than $100-200 million (according to reliable sources) has been spent.
First of all, the camps that were built, which it was said would be filled to overflowing by ONLF fighters, were found two months later to have been a lie with no truth to it and were blown up, after the ONLF launched wide-front battles that struck great terror into the colonial army. Next came the trips Cabdi Iley made abroad when he was told that communities named "Ethiopian Somalis" had been established. What befell him is well known. Next came the colonial delegations sent to the communities in America, which likewise failed to sell the lies they had been handed to even 100 people. Next came the trip of PM Meles, who expected to be welcomed with fresh leaves, since millions of dollars had been taken to establish the communities that would welcome him abroad. He is the one who fled Oslo and took refuge in Copenhagen, where once again he met the shoe he had fled from.
The only man who came through with his responsibility and fulfilled the duties placed on him is Dr. Sheffroow, who settled the budget for tickets and khat and .. and ..
Cabdi Iley is still acting out his play; every so often he rounds up young boys from among the camels and orders them to say "we are UBO" so that they will be released. Ibraahim Dheere, who has lost both this world and the hereafter (though the door of repentance is open to him), the young people he deceived and lied to in order to please Cabdi Iley are today stranded between Godey and Jigjiga with nowhere to go. Some of them were reported to have said, "We have committed a crime against our people," while Ibraahim Dheere, Nashaad and the few who go with them are busy with farms and houses.
That is where the unlawful committee ended up.
The Ethiopian colonisers have now realised that they failed in the plan they drew up. The colonisers have also realised that much of what they were told was a lie with no truth to it. Because the ONLF, being more powerful than it was two years ago, operates both at home and abroad.
We wish you a new year full of victories, God willing.
ONA.AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.

