Itobiya waxay xoogga saartey intii ka dambaysay dagaalkii Cobolle inay caalamka ka gado Laba arimood .. waxaadna moodaa inay u suurtagashay inay ka qariso caalamka heerka uu gaarsiisan yahay awooda ay ciidan ahaan ku leedahay Itobiya gudaha Ogadenya.
Hawlgalkii Cobolle ka dib waxay Itobiya ku dhwaaqday inay qaadayso olole ay muddo kooban uga sifayn doonto dagaalyahanka ONLF dalka Ogadenya. Ciidan xoogan oo dacaayad laga hormariyay ayay soo dhoobtay. Dagaalna way qaaday ay ku waxyeelaysay dadweynaha shacabka ah, taasoo caalamka ay u tustay loona aqbalay ilaa heer inay ahayd arin ay keentay dagaalka xoogan ee meesha ka dhacay (Collateral damage), iyo inay ka sifayso dagaalyahanka goobahaa.
Waxaa kaloo ay shaacisay in ka dib markay wiiqday dagaalyahankii ONLF-na ay heshiis nabadeed lakala saxiixatay hadhaagii Itoxaadka iyo garab ONLF ah
Si labadaa ay uga gado caalamka, gaar ahaan kuwa doonaya inay boobaan khayraadka dalkeena, waxay Itobiya xoogga saartey inuusan saxafi caalami ah ka galin xadka Somaliya gudaha Ogadenya si aanu u soo taaban xaqiiqada dhabta ah, oon loo hubinin sheegashadada Itobiya ee ah inay ka ka sifaysay Ogadenya dagaalyahanka ONLF.
Waxaa xayiradaa garab socday kooxda Ibraahim dheere ee calooshood la ciyaarka ah ee doonaya inay qadiyaddii umadda ku iibsadaan – samafalo loo sharciyeeyo – oo la maalgaliyay si ay qurba-joogta ugu gadh-qaadaan Ogadenya oo caalamka u yidhaahdo Itobiya way ku guulaysatay inay soo afjarto qadiyadii Ogadenya.
Waxaa arimahaa kaloo garab socday shirkadaha kor u dhaafay 6-8da ee kolba ay Itobiya u sheegaysay saxaafadda inay ka iibisay shidaalka iyo gaaska Ogadenya inay la soo baxaan. Hadafka ka dambeeyana uu yahay in lagu jahawareeriyo shacabka, maadaama ay ogsoon tahay Itobiya in shirkadaha aanay ku dhiiran karin inay galaan Ogadenya oo mashaariic malaayiin ku kacaysa ka fuliyaan dalka.
Waxay hadda ugu dambayntii caalamka u sheegtay inay shirkad Shiina ah oo lagu magacaabo Petro Trans ka iibisay ceelashii Gaaska ee Jeexdin (Calub and Hilala gas fields).
Waxaa la yidhi durbaan ninkii xaday meel uu ku tumo ayaa laga doonayaa. Dalka Ogadenya shacabkii lahaa way joogaan, Itobiyana way ogtahay inaysan si nabadgalyo ah kula baxaynin shidaalka Ogadenya.
Jabhadda Wadaniga Xoreynta Ogadenya waxay si sharci ah caalamka ugu caddaysay in aanay ogolaanaynin shidaalka iyo khayraadka Ogadenya inay Itobiya la soo baxdo iyadoo qadiyadda shacabka Ogadenya aan xal waara oo caadil ah loo helin. Dawladda Shiinaha waa inay shirkadaheeda wargalisaa una sheektaa xaqiiqada dhabta ah oo aanay ku qamaarin dhiiga shacabkeeda.
ONA.
Since the Cobolle battle, Ethiopia has concentrated on selling the world two things, and it seems it has managed to hide from the world the true extent of its military strength inside Ogadenia.
After the Cobolle operation, Ethiopia announced that it would launch a campaign to clear ONLF fighters out of the country of Ogadenia within a short period. It deployed a large force, preceded by propaganda. It waged a war that harmed the civilian population, which it presented to the world, and which was accepted to some extent, as the result of the heavy fighting that took place there (collateral damage) and of its effort to clear the fighters from those areas.
It also announced that, after weakening the ONLF fighters, it had signed a peace agreement with the remnants of Itixaad and an ONLF wing.
In order to sell these two claims to the world, particularly to those who want to plunder our country's resources, Ethiopia has made a strong effort to ensure that no international journalist enters Ogadenia from the Somali border, so that they cannot reach the real truth and so that Ethiopia's claim that it has cleared the ONLF fighters from Ogadenia cannot be verified.
Alongside this blockade was the group of Ibraahim Dheere, who play for their stomachs and want to sell out the nation's cause, legitimised as charity work, and who were funded to ferry members of the diaspora to Ogadenia so that they would tell the world that Ethiopia had succeeded in ending the Ogadenia cause.
Also accompanying these matters were the companies, numbering more than 6 to 8, that Ethiopia has repeatedly told the press it sold the right to extract Ogadenia's oil and gas. The aim behind this is to confuse the public, since Ethiopia knows that the companies do not dare to enter Ogadenia and carry out projects costing millions in the country.
Most recently, it has now told the world that it has sold the Jeexdin gas wells (Calub and Hilala gas fields) to a Chinese company called Petro Trans.
It is said that a man who steals a drum must find a place to beat it. The people who own the country of Ogadenia are still there, and Ethiopia knows that it will not extract Ogadenia's oil peacefully.
The Ogaden National Liberation Front has legally made clear to the world that it will not allow Ethiopia to extract the oil and resources of Ogadenia while no lasting and just solution has been found for the cause of the people of Ogadenia. The Chinese government must inform its companies and tell them the real truth, so that they do not gamble with the blood of their people.
ONA.AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.
