
Qofka dambiilaha ah waxaa lagu gartaa marka farta lagu fiiqo inuu caraatamo oo xile iyo xoolaba is tiro. Itobiya barnaamijkii xaqiiqada ka waramayay ee laga sii daayay BBC Newsnight wuxuu ku riday madax xanuun iyo qandho, sababtoo ah marnaba ma’aanay filaynin in beenteeda la rumaysan waayo, maadaama ay caalamka ka go’doomisay Itobiya gaar ahaan Ogadenya oy ka dhigtay xero ciidanka u xidhan oon loo dhawaan karin lana sawiran karin. Jawaabta ay Itobiya ka bixisay marka laga yimaado qoraalada faraha badanee ay shabakadaha ku qoreen ama idaacadahooda iyo TV-yadooda ay ka sheegeen, waxaa ka mid ah booqashada KT Meles uu ku tagay Shiinaha isagoo sii kaxaystay Siilaanyo, suu reer Galbeedka u tuso inay heleen saaxiib kale oon aqoonin wax la yidhaahdo xuquuqul-insaan oy ku wareegayaan hadday ka dayn waayaan run-sheega.
Qoraal dheer ayay shabakadda Walta ee afka Wayaanaha ku hadasha ka qortay barnaamijkii BBC Newsnight, iyagoo isku dayaya inay shacabka Itobiya u tusaan in arimaha lagu soo bandhigay filimkaa uu yahay dacaayad ay mucaaradka Itobiya oy ONLF ugu horeyso u dhiibeen BBC-da. Qoraalkaa oo aad u dheer markaan ka tagno qaybaha ka hadlaya xad-gudubyada loo gaystay shacabka Itobiya ee barnaamijka lagu soo qaatay, oon uga gudubno qaybaha ay kaga hadleen Ogadenya iyo dhibka loo gaystay dadka shacabka ah iyo haweenka la fara xumeeyay ee barnaamijka lagu wareystay, waxay markhaatiga ugu horeeya u soo qaateen Cabdirashiid Duulane oy yidhaahdeen isagaba waa Somali wuxuuna ku daleeceeyay saxafiyiintii barnaamijka soo diyaarisay inay warka ka soo qaateen xerada Dhadhaab ONLF-ta joogta –
(That is why, Ethiopia’s Dep. Ambassador to the UK, Abdirashid Dulane, an ethnic-Somali himself, criticised the journalist for relying on information provided by ONLF people in the Dadaab camp in Kenya.) Waa sadaro ka mid ah taariikhda.
Eedeymaha gabdhaha la wareystay markay ka hadlayeen waxay yidhaahdeen hadda ka hor ayay HRW soo bandhigeen wareysiyadan, Itobiyana way ku gacan saydhay. Taasoy ula jeedaan hadday Itobiya diiday waxba kama jiraan. Caqliga Itobiya waa midkaa, waana midka lagu shubay ina Duulane. Diid wax walba, xataa hadaad aragto walaashaa oo ka cabanaysa inay ciidamada Itobiya faraxumeeyeen.
Waxaa kaloo kaa yaabinaya habka ay u fikirayaan Wayaanaha oo waliba ay doonayaan kuwa u adeega inay u fikraan. Markay ka hadlayeen tuulooyinka la gubay ee barnaamijka lagu soo bandhigay waxay qorayaan inay ONLF siisay haya’adda baadhitaanka samaysay sawirada muujinaya tuulooyinka ay gubeen ciidamada Itobiya.
(These images purport to show villages in the Ogaden burned by Ethiopian forces as part of a campaign against the ethnic Ogaden people.These images were handed to the Bureau by the Ogaden National Liberation Front (ONLF), an opposition movement which has been labeled a ‘terrorist group’ by the Ethiopian government.)
Malaga yaaba inay isku qanciyeen oy run ka tahay inay ONLF haysato ama kiraysatay dayax gacmeedyada soo sawiray tuulooyinka la gubay ee caalamka u soo bandhigay, gaar ahaan markay inkirtay Itobiya eedeymaha loo soo jeediyay. Si kastaba waxay ka mid tahay un dhaqanka xukuumadaha Itobiya ee ah wax walba diid, waxaad doontana samee ilaa luguugu imanayo Adisababa.
Itobiya ama dalkan la odhan jiray Abyssinia waxaa dhaqan u ahaa aduunsi iyo in shacabka la duleeyo oo la gumaado ilaa uu ka ogolaanayo in la leeyahay isaga iyo xoolihiisaba. Xukunka (boqorka) wuxuu shacabka ku gumaadi jiray koox danaystayaal ah oo magacyo loo bixiyo. Inkastoo dalkeena ilaa xad aynu ka badbaadnay dullinamada la baday shucuubta kale sida Oromada, Oraagada, Shucuubta Koonfur iwm., waxaad moodaa hadda inay adeegsanayaan Wayaanaha sida Cabdi iley, Cabdifataax, Cabdirashiid Duulane iyo maamulada ka dhisan Somaliya si shacabka Somaliyeed loogu duleeyo Wayaanaha Meles Zinawi.
ONA.
A criminal can be recognised when a finger is pointed at him: he panics and loses all sense of what he is doing. The documentary on the reality in Ethiopia, broadcast by BBC Newsnight, has given Ethiopia a headache and a fever, because it never expected its lies to stop being believed, having cut Ethiopia, and Ogadenya in particular, off from the world and turned it into a military-sealed camp that no one could approach or film. Apart from the many articles they wrote on websites or statements they made on their radio and TV stations, Ethiopia's response included PM Meles's visit to China, taking Siilaanyo along with him, to show the West that they have found another friend who knows nothing of so-called human rights, and to whom they will turn if the West does not stop telling the truth.
The Walta website, which speaks for the Wayane, wrote a long article about the BBC Newsnight programme, trying to show the Ethiopian people that the issues presented in the film were propaganda handed to the BBC by the Ethiopian opposition, with the ONLF foremost among them. Setting aside the parts of that very long article dealing with abuses committed against the Ethiopian people covered in the programme, and moving on to the parts in which they discussed Ogadenya, the harm done to civilians and the raped women interviewed in the programme, the first witness they brought forward was Cabdirashiid Duulane, who they said is himself a Somali, and who attacked the journalists who prepared the programme for having obtained their information from the ONLF in Dhadhaab camp –
(That is why, Ethiopia’s Dep. Ambassador to the UK, Abdirashid Dulane, an ethnic-Somali himself, criticised the journalist for relying on information provided by ONLF people in the Dadaab camp in Kenya.) These are lines that belong to history.
Speaking about the accusations of the women interviewed, they said that HRW had previously presented these interviews and Ethiopia had rejected them. By this they mean that if Ethiopia has denied something, there is nothing to it. That is Ethiopia's mentality, and it is the one that has been poured into Duulane's son. Deny everything, even if you see your own sister complaining that Ethiopian troops raped her.
What will also astonish you is the way the Wayane think, and that they want those who serve them to think the same way. Speaking about the burned villages presented in the programme, they write that the ONLF gave the research organisation the images showing the villages burned by Ethiopian troops.
(These images purport to show villages in the Ogaden burned by Ethiopian forces as part of a campaign against the ethnic Ogaden people.These images were handed to the Bureau by the Ogaden National Liberation Front (ONLF), an opposition movement which has been labeled a ‘terrorist group’ by the Ethiopian government.)
One would not be surprised if they have convinced themselves that it is true that the ONLF owns or has rented the satellites that photographed the burned villages and presented them to the world, especially since Ethiopia denied the accusations made against it. In any case, it is simply part of the culture of Ethiopian governments: deny everything, and do whatever you want until your feet reach Addis Ababa.
Ethiopia, or this country once called Abyssinia, has had a tradition of oppression and of humiliating and slaughtering its people until they accept that they and their livestock belong to the ruler. The regime (the king) used to slaughter the people through a group of self-serving individuals who were given titles. Although our country has to some extent escaped the humiliation inflicted on other peoples such as the Oromo, the Oraaga, the Southern Peoples, etc., it now seems that the Wayane are using people such as Cabdi iley, Cabdifataax, Cabdirashiid Duulane and the administrations established in Somalia to humiliate the Somali people on behalf of the Wayane of Meles Zinawi.
ONA.AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.
