Hadalkaa waxaa yidhi Dr. Zakariya Haji Cabdi oo idaacada (RBC) ay wareysatay isagoo ku sugan caasimadda dalka Ertreeya ee Asmara. Dr Zakariya oo madax ka ah isbahaysiga la magac baxay (Alliance for the Re-liberation of Somalia ARS) Isbahaysiga Dibuxoreynta Somaliya ayaa wuxuu ku eedeeyay inay Itobiya isu diyaarinayso inay ciidamadeeda mar labaad qabsadaan Somaliya iyagoo buu yidhi doonaya inay taageeraan xukuumadda liidata KMG ee daciifka ah.
Wuxuu sheegay Dr. Zakariya in ila-wareedyo ku sugan Addisababa ay u sheegeen in Itobiya ay diyaarinayso ciidankaa ka dib markii uu ka codsaday madaxweynaha DKG Sheekha Shariif KT Meles Zinawi.
Wuxuu uga digay Dr. Zakraiya umadda Somaliyeed inuu ku soo socdo weerar la mid ah midkii ay Itobiya soo qaaday 2006dii isagoo waliba hoosta ka xariiqay inaysan Itobiya waligeedba faraha kala bixin arimaha Somalya.
Waxaan aaminsanahay buu yidhi Dr Zakriya in ugu yaraan 1500 oo jawaasiista Itobiya ah ay joogaan Muqdisho iaygoo waliba ciidamadooda ay dadka cashuur kaga qaadaan Kalabaydh oo ka tirsan gobolka Hiiraan.
Arimahan uu sheegay Dr Zakariya waxaa sii xaqiijinaya rabitaanka KT Meles uu ku doonayo inuu dagaal galiyo shacabka Itobiya inta ka horeysa kacdoonada ay abaabulkeeda wadaan mucaaradka si shacabka loo yidhaahdo –wax walba xagga difaaca dalka – waxayna ka mid tahay tabaha ay xukuumadaha kalitaliska ah adeegsdaan marka ay dareemaan mucaaradka gudaha kaga shidan oo sii xoogaysnaya. Dhismaha Biyaxidheenka uu ku dhawaaqay in laga dhisayo xadka Suudaan meel agteeda ah iyo hayikicinta shacabka in xoolo loo guro mashruucan balaadhan iyo daandaansiga Masar intaba waxaa ka dambeeya fikradaa aan horey ku tilmaanay.
ONA.
These remarks were made by Dr. Zakariya Haji Cabdi, who was interviewed by radio station (RBC) while in Asmara, the capital of Eritrea. Dr Zakariya, who heads the coalition known as the Alliance for the Re-liberation of Somalia (ARS), accused Ethiopia of preparing for its troops to occupy Somalia a second time, wanting, he said, to support the weak and feeble Transitional Federal Government (TFG).
Dr. Zakariya said that sources in Addis Ababa had told him that Ethiopia is preparing those troops after the TFG president, Sheikh Sharif, made a request to Prime Minister Meles Zenawi.
Dr. Zakariya warned the Somali nation that an attack similar to the one Ethiopia launched in 2006 is coming, and he also emphasised that Ethiopia has never kept its hands out of Somalia's affairs.
We believe, said Dr Zakariya, that at least 1,500 Ethiopian spies are in Mogadishu, and moreover that their troops are taxing people in Kalabaydh, which is part of the Hiiraan region.
These matters raised by Dr Zakariya further confirm the desire of Prime Minister Meles to drag the people of Ethiopia into war ahead of the uprisings that the opposition is organising, so that the public can be told "everything for the defence of the country" – this is one of the tactics that dictatorial governments use when they sense that internal opposition is burning and growing stronger. The construction of the dam that he announced would be built at a location near the Sudanese border, the agitation of the public to raise money for this vast project, and the provocation of Egypt are all driven by the idea we pointed out above.
ONA.AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.
