Jaaliyada Ogaadeeniya ee dalka Germany ayaa Shirkoodee sanadlaha ahaa ku qabatey Magaalada Offenbach/Frankafurt, Shirkaas oy Hogaaminayeen Maamulka Jaaliyada iyo Ururka Dhalinyarada Ogaadeeniya fariciisa Germany OYSU-Germany ayaa looga gol-lahaa dajinta Qorshaha Shaqada ee Jaaliyada ee sanadkan 2012 iyo Xuskii/Baroor-diiqda ahaa ee Xasuuqa Shacabka Ogaadenia.
Saacadu markey aheyd 2-dii Duhurnimo ayaa Shirka lagu furey aayado Quraan ah iyo Wacdi Diini ah, kadiban waxaa loo istaagey Heesta Calanka Ogaadeeniya iyo in loo duceeyo shuhadaha Ogaadeeniya ee ku geeriyoodey gacanta gumeysiga daalimka ah. Kadib gudoomiyaha jaaliyadda ayaa ka warbixiyey Xaalada uu hada ku sugan yahey dadka iyo dalka Ogaadeeniya iyo gumaadka shacabka lagu hayo, halkaasoo ay xubnihii shrka fadhiyaya uu mid walba ka xogwaramay.
Kadib waxaa laga hadley in laga xisaabtamo wixii uga qabsoomay jaaliyadda qorshayaashii Sanadkii tagey ee 2011ka oo ka koobnaa ilaa iyo 18-qodob oo ahaa hawlo balaadhan oo u qabsoomay iyo waxyaabo yaryraa oo duruufo awgood aan qabsoomin.
Waxaa iyagana warbixin qiima badan soo jeediyey maamulka OYSU-Germany, kuwaasoo ka warbixiyey wixii u qabsoomey mudadii sanadka aheyd ey OYSU-Germany ay jirtay, sida dhinaca, wax soo saarka, taakuleynta halganka, tirada sii kordheysa ee xubnaha OYSU iyo tayada wax-qabad ee maamulka mintidka ah ee OYSU-Germany.
Warbixanada ka dib ayaa la guda galay in la dhiso maamulka Jaaliyada Ogaadeeniya ee dalka Germany oo xilka heyn doona labada sanadood ee soo socota, kuwaas oo cod gacan-taag ah lagu ansixiyey.
Waxaa doorashada ka dib la gudo-galey Xuskii Maalinka xasuuqa Shacbiga Ogaadeeniya, halkaasoo Dhalinyarada OYSU ku soo bandhigeen Filim aad u qiimo-badan oo dadkii daawadey kaga ilmeysiiyey, kuna dhalisay is-caraabin, wisiisi iyo aynu guntiga adkeysano shabkeenana difaacno. Waxaa kaloo laga hadley Doorka ay haweenka Ogaadeeniya ku leeyihiin Halganka Gobanimadoonka Ogadenya iyo taakuleynta ay Shacabka ay la garab-joogaan habeen iyo dharaarba, halkaas oy gabdhuhu ku soo bandhigeen Filim muujinaya Sharafta iyo Qiimaha Gabdhaha Ogaadeeniya ay leeyihiin iyo sidey mintidka u yihiin,
Canbaareyn;
Wuxuu shirku canbaareeyay Gacan-ku-dhiigle Meles Zinawi oo ku mamay daadinta dhiigga shacabka Somaaliyeed gaar ahaan Ogaadeeniya. Waxaan kaloo uu canbaaraynaynaa baadii shacabka ee Meles uu u soo raray dibadda.
Waxaa shirka canbaarayn iyo dhaleecayn dusha looga tuuraynaa kooxda budhcadka ah ee u tolowda KT Meles Zinawi, isla mar ahaantaana u soo safriyay baadii Zinawi uu Somalida ka qaadayay magaaladaLondon. Wuxuu shirka ugu baaqayaa dadweynaha in kooxdan ilma Tigree aan lagu kadsoomin oon lamoodin dad Soomaali ah.
Baaq iyo Guubaabin:
Jaaliyada Ogaadeeniya eeGermanywaxey ugu baaqaysaa dhamaan Jaaliyadaha Ogaadeeniya ee dibada iney ka dhiihdiyaan damaca gumeysiga uu ka leeyahay jaaliyadaha dibadda oy ku beeneeyaan gumeysiga Guuro-bahaleynta uu dibadaha ugu soo qadhaab-doonanayo. Sidoo kale wuxuu shirku ku Gubaabinayaa Shacabka Ogadeeniya ee Gumeysi diidka ah iney si mintidnima ah oo mideysan ku hor-istaagaan gumeysiga dalkooda ku soo duuley.
Wuxuu Shirku ku soo afjarmay guul iyo jawi wanaagsan, waxaana lagu balamey in la sii laban-laabo Shaqada jaaliyada iyo qorshaha sanadkan 2012-ka ee la dajiyey iyo in qadiyada Ogaadeeniya si ka sii fiican sidii sanadkii hore loo gaadhsiiyo bulshada caalamka iyo DawladaGermany, khaasatan Haydaha Xuquuqul-insaanka oo sifiican loo gaadhsiiyo xad-gudubyada Gumeysigu uu ku hayo Sahcbiga Ogaadeeniya.
Axmed Gaboose, Ogaden News Agence (ONA)
Frankafurt,Germany
The Ogadenia community in Germany held its annual conference in the city of Offenbach/Frankafurt. The conference, which was led by the community's administration and the Germany branch of the Ogaden Youth and Students Union, OYSU-Germany, was intended to set the community's work plan for this year, 2012, and to hold the commemoration/mourning of the massacre of the people of Ogadenia.
At 2 o'clock in the afternoon, the conference was opened with verses of the Quran and a religious sermon. Then everyone stood for the Ogadenia flag anthem and prayers were offered for the martyrs of Ogadenia who died at the hands of the oppressive colonizer. After that, the chairman of the community gave a report on the current situation of the people and the country of Ogadenia and the massacre being carried out against the people, after which each of the members attending the conference shared their views.
Next, there was discussion on reviewing what the community had accomplished of its plans for last year, 2011, which consisted of as many as 18 points; these included broad tasks that were accomplished and small things that were not accomplished due to circumstances.
The OYSU-Germany administration also presented a very valuable report, describing what had been accomplished during the one year that OYSU-Germany has existed, such as in the areas of production, support for the struggle, the growing number of OYSU members, and the quality of work of the dedicated OYSU-Germany administration.
After the reports, the formation of the administration of the Ogadenia community in Germany, which will hold office for the coming two years, was undertaken, and it was approved by a show of hands.
After the election, the commemoration of the day of the massacre of the people of Ogadenia began, where the OYSU youth presented a very valuable film that brought the audience to tears and created a sense of encouragement, emotion, and the resolve that we must tighten our belts and defend our people. There was also discussion of the role that the women of Ogadenia play in the struggle for the freedom of Ogadenia and the support with which they stand beside the people day and night, where the girls presented a film showing the honour and value that the girls of Ogadenia have and how dedicated they are,
Condemnation;
The conference condemned the bloodthirsty Meles Zinawi, who has never tired of shedding the blood of the Somali people, especially in Ogadenia. We also condemn the people's lost property that Meles has transported abroad. The conference casts condemnation and denunciation upon the gang of bandits who are loyal to PM Meles Zinawi and who at the same time brought the plunder that Zinawi had been taking from the Somalis to the city of London. The conference calls on the public not to be deceived by this group of Tigrayan offspring and not to mistake them for Somali people.
Appeal and Exhortation:
The Ogadenia community in Germany calls on all Ogadenia communities abroad to frustrate the colonizer's ambitions toward the diaspora communities and to expose the colonizer's attempt to rein in and bridle the diaspora through "Guuro-bahaleynta". The conference likewise exhorts the anti-colonial people of Ogadenia to stand in a dedicated and united manner against the colonizer that has invaded their country.
The conference concluded successfully and in a good atmosphere, and it was agreed to redouble the work of the community and the plan set for this year, 2012, and to convey the Ogadenia cause to the international community and the German government even better than last year, especially to human rights organizations, so that the abuses the colonizer is committing against the people of Ogadenia are better communicated.
Axmed Gaboose, Ogaden News Agence (ONA)
Frankafurt,Germany
AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.
