Jaaliyada Ogaadeenya switzerland oo kaashaneeysa jaaliyada Soomaaliyeed ee isla wadankan ayaa si wada jir ah uga qeeyb galay shalay 18ka bishan Juun xuska maalinta qaxootiga aduunka oo lagu qabtay stateka Neuchâtel. Jaaliyada Ogaadeenya ayaa goobta ku soo bandhigtay tacadiyada loo geeysto shacabka Ogaadeenya taas oo sababta in dadku bara kacaan ka dibna ku noqdaan qaxooti gudaha iyo dibada Ogaadeenya. Xuska maalinta qaxootiga aduunka oo sanadkiiba mar la qabto ayeey labada jaaliyadood sanadkan si wada jir ah u qabteen maadaama dhibka isirka Soomaaliyeed ku heeysta Afrikada Bari uu ka imanayo halka cadaw kaliya ee ay wada leeyihiin labada shucuub oo ah gumeeysatada itoobiya.
Raashinka, dhaqanka umada Soomaalyeed iyo dhaantooyin goobta lagu soo bandhigay ayeey u bogeen shucuubtii iyo dadka Swiiska u dhashay oo ka soo qeeyb galay xaflada waxaadna arkeeysay dadka oo u riyaaqaya isna ruxaya kolka ey maqlaan dhaantada dhaqanka u leeyihiin umada Ogaadeenya. Mauuliyiinta jaaliyad Soomaalida Ogaadeenya ayaa sheegay in ujeedadu ahayd in calanka Ogaadeenya uu si siman uga ag badado shucuubta kale ee ka soo qaxay wadamadooda is la markaana dhibka uamdeena heeysta goob walba lagu soo bandhigo si qadiyadeenu aanay u noqon mid aan muuqan.Xubnaha jaaliyada ayaa si muuqata iyo si dadbanba ugu fasiray masuuliyiinta iyo shacabka tirada badnaa ee hadba ku soo leexanay miiska u gaarka ahaa Soomaaliya iyo Ogaadeenyaba nooca uu yahay dhibka itoobiya ku heeyso amada Ogaadeenya.


The Ogadenia community in Switzerland, in cooperation with the Somali community of the same country, jointly took part yesterday, the 18th of this month of June, in the commemoration of World Refugee Day, which was held in the canton of Neuchâtel. At the venue, the Ogadenia community presented the abuses inflicted on the people of Ogadenia, which cause people to be displaced and then become refugees inside and outside Ogadenia. This year the two communities jointly held the commemoration of World Refugee Day, which is held once a year, since the suffering afflicting the Somali people in East Africa comes from the one enemy shared by the two peoples, namely the Ethiopian colonisers.
The food, the culture of the Somali nation and the dhaanto dances presented at the venue were admired by the other peoples and the Swiss nationals who took part in the celebration, and you could see people delighting in them and swaying whenever they heard the dhaanto, which is part of the culture of the Ogadenia nation. Officials of the Ogadenia Somali community said that the aim was for the flag of Ogadenia to fly equally alongside those of the other peoples who have fled their countries, and at the same time for the suffering afflicting our nation to be presented everywhere so that our cause does not become an invisible one.The community members explained, both directly and indirectly, to the officials and to the many members of the public who kept stopping by the stand dedicated to Somalia and Ogadenia, the nature of the suffering Ethiopia is inflicting on the nation of Ogadenia.


AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.

