Jaaliyada Soomalida Ogadeniya ee Bariga Sacuudi Carabiya Dammam ayaa shir balaadhan isugu yimid Maalinimadi Jimcaha ee Bishan December 16keedii 2011. Jaaliyada oo shirkan abaabul weyn u gashay ayaa waxa kasoo qeyb galay jaaliyadda ku nool Bariga Sacuudi Carabiya. Shirkan oo markii ugu horeysay kulmiyay qeybaha kala gadisan ee bulshada sida Odayada, haweenka, dhalinta iyo aqqoonyahankoodaba.
Shirkan oon loo kala hadhin ayaa waxa lagaga hadlay lanasoo bandhigay waxqabadkii jaaliyada taniyo intii ay jirtay jaaliyadu waxa kale oo lagu gorfeeyay Qorshayaasha horyaala iyo waliba jaaliyadu waxa ay qaban karto mustaqbalka dhow iyo kan fog labadaba.
Shirkan ayaa waxa laga soo jeediyay qudbado aad muhiim u ah oo lasocda wacyiga lagu jiro maanta. Waxaana ladhageystay warbixinihii ugu danbeeyay oo looga warbixiyay xaalada dhulka Somalida Ogadeniya ku suganyahay iyo siyaasada Ogadeniya meesha ay marayso gude iyo dibadba. Shacabka Somalida Ogadeniya ee ku dhaqan wadanka KSA oo ah dad abaabulan una taagan sidii ay qeybtooda ugasoo baxi lahaayeen si loo gaadho Xoriyad. ayaa waxa ay soo saareen go’amo lagu canbaareynayo Guumeysiga foosha xun ee Abbysinia, waxa kale oo ay ku booriyeen bulshada somalida Ogadeniya inaysan kadaalin halganka dheer ay ugu jiraan xoriyada dhulkooda hooyo. Shirkan ayaa sidoo kale lagu ballan qaaday in lasii xoojiyo isgarab istaaga bulshada radyidka ah ee ku tabaaleysan xeryaha qaxootiyada geeska Afrika.
Shirkan iyo gunaanadkii waxaa lagubalamay in shaqada jaaliyada Sacuudi carabiya iyo iskaashiga lasii xoojiyo iyo howlo kale oo badan oo kamid ah shaqo maalmeedka jaaliyada Somalida Ogadeniya ee Sacuudi Carabiya
M Muxumed
Sacuudi Carabiya
ONA
The Somali Ogadenia community in Dammam, Eastern Saudi Arabia, convened a large meeting on Friday, 16 December 2011. The community, which made great organisational efforts for this meeting, was joined by community members living in Eastern Saudi Arabia. This meeting, for the first time, brought together the various sections of society, such as the elders, women, youth and intellectuals.
At this meeting, which no one missed, the achievements of the community since its founding were discussed and presented. The plans ahead were also examined, as well as what the community can accomplish in both the near and distant future.
Very important speeches in keeping with the current awareness were delivered at the meeting. Attendees also listened to the latest reports on the situation in the Somali Ogadenia land and on where Ogadenia's politics stands, both internally and externally. The Somali Ogadenia people living in the KSA, who are an organised people standing ready to play their part in achieving freedom, issued resolutions condemning the ugly colonialism of Abyssinia. They also urged the Somali Ogadenia society not to abandon the long struggle they are waging for the freedom of their motherland. The meeting also pledged to further strengthen solidarity with the refugee community suffering in the refugee camps of the Horn of Africa.
At the conclusion of the meeting, it was pledged to further strengthen the work and cooperation of the Saudi Arabia community, along with many other activities that are part of the daily work of the Somali Ogadenia community in Saudi Arabia.
M Muxumed
Saudi Arabia
ONA
AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.

