Wadanka Denmark ayaa waxa kusoo qulqulaya shacab aad u tiro badan oo raba inay ka qeyb galaan shir siminaar ah oo ay Jaaliyada Somalida Ogadeniya ku qabanayso caasimada Coppenhegan barito. Shirkan oo dhacaya 2 April 2012 oo berri ku beegan ayaa waxa kasoo qeyb gali doona Jaaliyado ajanabi ah oo ka imanaya Wadanka Ireland, Finland iyo Jaaliyada Nigerianka ee UK. Waxaa kale oo Siminaarkan kasoo qeyb galaya Jaaliyadaha somalida Ogadeiya ee Europe.
Jaaliyada Somalida Ogadeniya ee wadanka Denmark ayaa Xubin ka ah oo shaqo wadaag la leh jaaliyado caddaan ah oo kasoo jeeda Wadanka Ireland iyo Finland iyo waliba wadanka UK jaaliyado iyagu kaso jeeda Qowmiyada Nigerianka. Waxaa xidhiidhka jaaliyadahan uu bilowday muddo illaa sanadkii 2010 halkaas oo xidhiidh xoog badan ay yeesheen. Waxaana Saxiibada Jaaliyada Denmark ay ku tixgaliyeen in sanadkan ay jaaliyada Somalida Ogadeniya ee Denmark ay qabato siminaaro loogu talo galay isdhexalka jaaliyadahan. Sidookale waxaa Si qotto dheer looga warami doona Dhaqanka Shacabka Somalida Ogadeniya. Dhibaatada Gumeysi ee soo heysatay mudada dheer iyo arrimaha xuquul insaanka.
Jaaliyadaha Somalida Ogadeniya Dibadaha ayaa haddiyo jeer raadiya sidii ay saxiibo ugu sameyn lahaayeen qadiyada Ogadeniya. Islamarkaasna ay isu dhexgal ula sameyn lahaayen jaaliyadaha ay dariska yihiin. si ay uga faaideystaan dhan khibradeed iyo dhan halgan intaba.
Siminaarka oo Barito ka bilaabmi doona Hotel aad u weyn oo ku yaala magaalada Copenhegan ayaa idiin soo gudbin doona wararka la xidhiidha Shirkan.
ONA
Denmark
Very large numbers of people are pouring into Denmark wishing to take part in a seminar conference that the Somali Ogadenia community will hold in the capital, Coppenhegan, tomorrow. The conference, taking place on 2 April 2012, which falls tomorrow, will be attended by foreign communities coming from Ireland and Finland, and by the Nigerian community in the UK. The Somali Ogadeiya communities in Europe will also take part in the seminar.
The Somali Ogadenia community in Denmark is a member of, and has a working partnership with, white communities originating from Ireland and Finland, as well as communities in the UK originating from the Nigerian nation. The relationship between these communities began around 2010, since when they have built a strong relationship. The friends of the Denmark community decided that this year the Somali Ogadenia community in Denmark would hold seminars intended for the integration of these communities. In addition, there will be in-depth presentations on the culture of the Somali Ogadenia people, the colonial suffering they have endured for a long time, and human rights issues.
The Somali Ogadenia communities abroad always seek ways to win friends for the cause of Ogadenia, and at the same time to integrate with the communities they live alongside, so that they can benefit in terms of both experience and struggle.
We will bring you news related to this conference, the seminar that will begin tomorrow at a very large hotel located in the city of Copenhegan.
ONA
DenmarkAI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.

