
Waxaa shir si cilmeyeysan loo soo abaabulay shalay galab uu ka dhacay xafiiska jaaliyyada Soomaalida Ogadeniya ee dalka Finland, shirkaas oy isugu yimaadeen hawlwadeenka jaaliyada iyo xubnaha jaaliyada ee dalka Finland.
Shirka ayaa waxaa looga hadlayey arimo badan oo quseeya hawlaha jaaliyada S.Ogadeniya ee taageerta halgan gobanimadoon ee ka socda Ogadenya, sida diyaargarowga ka qaybgalka mudaharaadka ka dhici doona caasimada dalka Sweden ee Stockholmoo ay soo qababqaabiyeen haya’do caalami ah iyo ururka suxufiyiinta Sweden.
Mudaharaadkaas ayaa lagu wadaa inay kasoo qaybgeli doonaan dhamaan jaaliyadaha Somaalida Ogadeniya ee qaarradan Yurub kaasoo lagu muujinayo sida looga xunyahay xukunka xaqdarrada ah ee lagu xukumay labadii wariyeye ee Sweden oo ay xukumada KT melez ku riday maxkamad xaqdarro bishii hore iyagoo lagy xukumay 11 sano oo xadhig ah. Mudaharaadka ayaa wuxuu dhici doonya 14ka bishan hadii Allaha awooda lihi ogolaado.
Sidoo kale waxaa warbixno laga dhegeystey weftigii jaaliyada uga qaybgalay kalfadhigii 2baad ee ururka Midowga Dhalinyarada iyo Ardayda Ogadeniya ee marka lasoo gaabiyo loo yaqaano (OYSU) ee ka dhacay magaalada Frankfurt ee dalka Jarmalka.

Waxaa kaloo lagu soo qaaday shirka qiimaynta howlaha jaaliyada iyo horumarintooda, sida qorshii lagu shaqayn lahaa 2012ka oo nuqul ka mid ah goobta lagusoo bandhigay.
Siwalbaba shirku wuxuu ku bilowday kuna dhamaaday jawi aad u wanaagsan iyo sidii loogu talogalay, waxaana laga rajaynayaa jaaliyadda guul iyo horumar.
ONA
Cabdiraxnaan Jarari Helsinkifinland


A methodically organised meeting took place yesterday afternoon at the office of the Ogadenia Somali community in Finland, a meeting that brought together the community's officials and members of the community in Finland.
The meeting discussed many matters concerning the activities of the S. Ogadenia community, which supports the independence struggle under way in Ogadenia, such as preparations to take part in the demonstration that will take place in Stockholm, the capital of Sweden, organised by international organisations and the Swedish journalists' union.
That demonstration is expected to be attended by all the Ogadenia Somali communities on this continent of Europe, and it will express displeasure at the unjust sentence handed down to the two Swedish journalists, whom the government of KT melez put before an unjust court last month, where they were sentenced to 11 years in prison. The demonstration will take place on the 14th of this month, if God Almighty wills.
Reports were also heard from the community's delegation that took part in the 2nd session of the Ogaden Youth and Students Union (OYSU), held in the city of Frankfurt in Germany.
Also raised at the meeting was the evaluation of the community's activities and their development, such as the plan to be worked on for 2012, a copy of which was presented at the venue.
All in all, the meeting began and ended in a very good atmosphere and as planned, and success and progress are hoped for the community.
ONA
Cabdiraxnaan Jarari Helsinkifinland


AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.
