Waxaa maalmihii la soo dhaafay ay shirar is dabajoog ah u socdeen jaaliyada Sacuudi Carabaya faraca Dammaam. Shirarkaa ayay jaaliyadda u qabatay bulshada qaybaheeda kala duwan.
Waxay taariikhda markay ahayd 9kii bisha 2012 ay jaailyadda Sacuudi faraca Dammaam qabteen kulan ay gabdhaha halganka ay isugu yimaadeen. Kulanka ayay gabdhaha ku falanqeeyeen xaaladda guud ee halganka iyo dhibaatooyinkii ugu dambeeyay ee shacabka loo gaystay.
Waxaa isla taariikhdaa ay isugu yimaadeen xubnaha jaaliyadda, qaybta dhalinyarada iyo odayaasha shir midkaa hore la mid ah oo malinimadii socday. Dhamaan shirarkaa oo lagaga hadlay heerka uu marayo halganka shacabka Ogaadeeniya lagu xoreeynaayo ayuu ka soo jeediyay warbixin isugu jirta xogwaran abaabul iyo la socodsiin wararkii ugu dambeeyay ee halganku gudo iyo dibaba isu-duwaha arimaha Khaliijka carabta mudane C/lahi ciraaqi.

Isu-duwaha ayaa xubnaha jaaliyadda uga xogwaramay heerka uu gaadhsiisan yahay dagaalada ka socda dalka, cadaadiska iyo xasuuqa uu cadawga ku hayo dadka shacabka ah. Wuxuu mudane Ciraaqi u sheegay xubnaha jaaliyadda in guusha halganka ay ku xidhan tahay dadaalka qof walba uu galiyo halganka iyo siduu uga soo boxo waajibaadka saaran. In dhibaatada halganka loo dulqaato oo la ogaado inaan xoriyada lagu helin baryo iyo dhibaato la’aan.
Waxaa gabagabadii shirarkaa la’isla qaatay sidii loo dardar galin lahaa oo hiil iyo hooba la isula garabtaagi lahaa halganka ka socda Ogaadeeniya ee dalka lagu xoreeynaayo.
ONA/Dammam
Over the past days, the community in Saudi Arabia, Dammam branch, has been holding a series of consecutive meetings. The community held these meetings for its various sections of society.
On the 9th of this month in 2012, the Saudi community, Dammam branch, held a gathering at which the women of the struggle came together. At the gathering, the women analysed the general state of the struggle and the latest atrocities committed against the people.
On the same date, members of the community, the youth section and the elders came together for a meeting similar to the earlier one, which went on all day. At all of these meetings, which discussed the stage reached by the struggle to liberate the people of Ogadenia, a report combining a briefing, mobilisation and an update on the latest news of the struggle at home and abroad was presented by the coordinator for Arab Gulf affairs, Mr. C/lahi Ciraaqi.
The coordinator briefed the community members on the level reached by the fighting taking place in the country, and on the oppression and massacres the enemy is inflicting on the civilian population. Mr. Ciraaqi told the community members that the success of the struggle depends on the effort each person puts into the struggle and how they fulfil the duties placed upon them. He said that the hardships of the struggle must be endured, and it must be understood that freedom is not obtained by begging or without hardship.
At the conclusion of the meetings, it was agreed to strengthen, and to stand together with full support behind, the struggle taking place in Ogadenia to liberate the country.
ONA/DammamAI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.

