Waxaa maalinimadii shalay oo ay taariikhdu ahayd 31/03/12 ka dhacay magaalada Sydney shir ay isugu yimadeen dhamaan qaybaha ay ka kooban tahay Jaaliyada Somaalida Ogaadeenya ee ku dhaqan magaalada Sydney ee wadanka Australia.
Shirkan oo lagu soo dhaweeynayay laguna xog warsanayay hogaanka arimaha dibada ee ONLF Halgame C/raxmaan Maadeey ayaa lagu furay aayadaha quraanka oo uu akhriyay Sheekh Maxamed Macalin iyadoo kadibna lagu soo dhaweeyay Gudoomiye ku xigeenka JWXO Mudane Maxamed Ismaaciil Cumar oo ka mid ah xubnaha jaaliyadda Sidney ayaa halkaas kasoo jeediyay warbixin ku saabsan heerka halganku marayo, waayaha dadka Ogaadeenya ku sugan yahay iyo dardaaran uu usoo jeediyay jaaliyadda.
Intaas kadib ayaa waxaa hadalka lagusoo dhaweeyay Hogaanka Arimaha Dibada ee JWXO mudane C/raxmaan Maxamed Sheekh Mahdi oo halkaas kasoo jeediyay warbixin mug wayn oo ka hadlaysay taariikhdii halganka, iyo guulaha siyaasadeed iyo diblamaasiyadeed ee uu halganku gaadhay isagoo sidoo kale hogaanku ku muujiyay warbixntiisa sida dhulka Ogaadeenya barwaaqo u yahay una leeyahay khayraadka aduunka loogu jecel yahay hadana ay uga baahana yihiin dadkii lahaa iyagoo sanad walba tiro aad u badani u dhimato gaajo iyo cuduro la xidhiidha gaajada.
Halgame C/raxmaan ayaa soo bandhidigida warbixntiisa u isticmaalay aalada casriga ah isagoo kasoo qayb galayaashii ku tusay halkaas maqal iyo muuqaal lasoo habeeyay oo muujinayay khayraadka dalka iyo macaluusha dadka ku haysata Ogaadeenya. Waxaa kale oo uu soo bandhigay cududa Ciidanka Xoraynta Ogaadeenya.
Warbixintaas kadib ayaa dadka loo furay wixii su’aal iyo talobxin ah ee ay u hayaan madaxda jabhada iyadoo ay masuuliyiinta JWXO si lagu qancay uga jawaabeen dhamaan su’aalihii la waydiiyay.
Gunaanadkii ayaa waxaa wacdi xeel dheer kasoo jeediyay shirka Sheekh Maxamed Macalin oo dadkii meesha yimid kula dardaarmay in ay taageeraan halganka lagu xoraynayo dalkooda iyo dadkooda.
Marka la iskusoo wada duubo shirkii Sydney ee ay ku kulmeen madaxda Jabhada iyo Jaaliya Sydney ayaa ahaa mid aad loogu bogay sida uu u qabsoomay iyo sida loo kala warqaatay.
ONA/Sidney
Yesterday, 31/03/12, a meeting took place in the city of Sydney that brought together all sections of the Ogaden Somali community living in the city of Sydney, Australia.
The meeting, which was held to welcome and receive a briefing from the ONLF head of foreign affairs, Freedom Fighter C/raxmaan Maadeey, was opened with verses of the Quran recited by Sheekh Maxamed Macalin. Then the Deputy Chairman of the ONLF, Mr Maxamed Ismaaciil Cumar, a member of the Sidney community, was invited to speak, and he delivered a report on the state of the struggle and the situation of the people of Ogaden, as well as a message of advice to the community.
After that, the ONLF Head of Foreign Affairs, Mr C/raxmaan Maxamed Sheekh Mahdi, was invited to speak, and he delivered a substantial report on the history of the struggle and the political and diplomatic successes the struggle has achieved. In his report, the head of foreign affairs also showed how the land of Ogaden is prosperous and possesses the resources most coveted in the world, and yet the people who own it are deprived of them, with a very large number dying every year from hunger and hunger-related diseases.
Freedom Fighter C/raxmaan used modern equipment to present his report, showing the attendees prepared audio and video footage depicting the country's resources and the famine afflicting the people in Ogaden. He also showcased the strength of the Ogaden National Liberation Army.
Following that report, the floor was opened to the people for any questions and suggestions they had for the leaders of the Front, and the ONLF officials answered all the questions put to them satisfactorily.
In conclusion, Sheekh Maxamed Macalin delivered a profound sermon to the meeting, urging the people who had come to support the struggle to liberate their country and their people.
All in all, the Sydney meeting, in which the leaders of the Front and the Sydney community met, was greatly appreciated for how it was conducted and for the exchange of information that took place.
ONA/SidneyAI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.
