Opens in a new tab

JABHADA WADANIGA XORAYNTA OGADENIYA JWXO

ONA14 June 2026
Read in English

14_Juun 2026.

BAYAAN KU SAABSAN XIDHIGGA IYO WAREEJINTA 62 DHALLINYARO SOOMAALIYEED.

Ururka ONLF wuxuu walaac weyn ka muujinayaa xadhigga iyo wareejinta 62 dhallinyaro Soomaaliyeed oo ka soo jeeda Dagaanka Soomaalida (Ogadeeniya) kuwaas oo la sheegay inay ka shaqay_sa-nayeen goobaha macdanta dahabka laga qodo ee Milxo Puntland Soomaliya.

Sida ay baahiyeen warbaahinta Soomaaliyeed iyo hadallada masuuliyiinta qaarkood, dhallinyaradan ayaa lagu xidhay magaalada Boosaaso, kaddibna loo wareejiyey saraakiil Itoobiyaan ah Intii ay arrintani socotay waxaa soo baxay sharraxaado kala duwan oo is khilaafsan kuwaaasoo ku saabsan sababaha loo xidhay iyo wareejintooda.

Masuuliyiinta qaarkood ayaa ugu dambayn ku tilmaamay dhallinyaradan inay yihiin dadd laga badbaadiyey tahriibin oo loo waday dalal shisheeye hase yeeshee, xogaha laga helayo ilo deegaanka ah waxay muujinayaan in dhallinyaradani ahaayeen xoogsato ka shaqaynaysay goobaha macdanta ee Milxo, kuwaas u yimid Boosaaso nasasho gaaban, Ilaa hadda lama soo bandhigin wax caddayn ah oo muujinay in dhallinyaradan loo waday dal shisheeye ama ay ku jireen hawl tahriibin ah.

Hadaba Shacabku wuxuu xaq u leeyahay inuu helo jawaabo cad Maxay ahayd sababta sharci ee loo xidhay? Maxay ahaayeen caddaymaha lagu saleeyey xadhiggooda? Maxaa sharci ahaan awood u siiyey in Soomaaliya laga wareejiyo loona gacan galiyo saraakiil itoobiyaan ah.

Sidaaas awgeed Waxaa si gaar ah walaac u leh wararka sheegaya in saraakiil amni oo Itoobiyaan ahi ay la kulmeen dhallinyarada iyagoo ku jira xabsiga Boosaaso, isla markaana markii dambe lagu wareejiyey waxaa amni oo Itoobiyaaan ah.

Si wallbaaba Dadka laga gudbinayo xuduudaha caalamiga ah waa in loo maraa hannaan sharci oo daahfuran, kormeer garsoor iyo ilaalin buuxda oo xuquuqdooda aasaasiga ah.

Wareejinta la sheegay in dhallinyaro Soomaaliyeed laga qaaday Soomaaliya looguna gacan galiyay Itoobiya iyada oo aan si cad loo shaacin wax dacwad ah iyo amar maxkamadeed sidoo kalena habraac sharciyeed aan loo marin dhacdadani waxay muujinaysaa walaac daran iyo tigri fal ka baxsan qanuunada iyo sharciyada caalamiga ah waxaana lagama maar-maan ah inay helaan dhalinyaradaasi xuquuqaha asaasiga ah kuwaas oo ay tilmaamayaan jaartarada qaramada midoobay iyo qanuunada garsoorka caalamiga ah ee aduunka .

Dhacdadan waxa kale oo ay iftiiminaysaa xaqiiqo ka sii weyn oo ah boqollaal kun oo dhallinyaro ah oo ku nool Deegaanka Soomaalida Ogaadeeniya inaay wajahaya shaqo la’aan, faqri iyo fursado la’aan baahsan qaar badan ayaa lagu khasbaa inay shaqo ka raadsadaan meel ka baxsan deegaa_nnadooda iyo qoysaskooda Sanadihii u dambeeyey, in ka badan 42,000 oo arday ayaa u fariistay imtixaanka dugsiga sare ee Deegaanka Soomaalida, hase yeeshee wax ka yar 500 ayaa lagu sheegay inay gudbeen. Iyadoo fursadaha waxbarasho iyo shaqoooyinka sii yaraanaya ay dhallinyaro aad u badan ku khasabtay inay nolol iyo shaqo ka raadsadaan meelo kale.

Sidaa darteed, waa wax laga xumaado dhalinyaro shaqo laan daryeel xumo handadaado joogta ah iyo raadinta fursado ka badalan tii ku sababtay ka dhoofida wadankooda in la dul saaro danbiyo siyaasadeed iyo mow-duucyo ka badalan duruufaha ay la noolaayeen oo si joogta ah ay oogala kulmayeen deegamadooda ay haysato itobiya.

Gunaanad Ma jirto dhallinyaro Soomaaliyeed oo laga qaadi karo xorriyadooda loona gudbin karo dal kale ama loogu adeegsan karo tallaabooyin amni iyadoo aan la marin hannaan sharci oo daahfuran isla markaana aan la dhowrin xuquuquuqahooda aasaasiga ah.

ONLF waxay ugu baaqayaa hay’adaha xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay, ururrada caalamiga ah bulshada rayidka Soomaaliyeed, sharci-yaqaannada iyo dhammaan dhinacyada ay khusayso inay si dhow ula socdaan xaaladda dhallinyaradan, ayna ka shaqeeyaan ilaalinta xuquuqdooda, badqabkooda, karaamadooda iyo daryeelkooda.

Jabahada wadaniga Xoraynta Ogadeeniya JWXO.

La wadaag