Sidaan la socono qawmiyadda Cafarta ayaa ka mid ah qawmiyadaha uu gumaysiga Itobiya xooga ku haysto oo dagaal gobanimadoon oo heerar kala duwan soo maray waday intay ku jireen gumaysiga. Waxaa maalmahan cusbaa dalxiiskii Jarmalka ahaa ee jabhadda ARDUF ay ka kaxaysteen dalkooda iyagoo sabab uga dhigay inay ku wiiqaan dhaqaalaha ka soo galaya gumaysiga arimaha dalxiiska oo dalka Cafarta aad loo yimaado. Arintaa ayaa ku dhamaatay in 5an ka mid dadkii dalxiiska ahaa ay ku dhintaan markay isku dayeen ciidamada Itobiya inay xoog ku soo furtaan. Ka dib waxaa ku xigtay inay Itobiya sheegatay inay weerar ku qaaday xeryo ay jabhadda ARDUF ku leedahay gudaha dalka Eritrea, taasoo ay beenisay dawladda Eritrea kuna tilmaantay daandaansi ay Itobiya ula jeedo inay caalamka uga weeciso dhibaatada dalkeeda ka dhex taagan iyo dagaalada ay jabhadaha ku hayaan ciidamdankeeda. Si kastaba ha ahaatee, jabhadda ARDUF ayaa bayaan saxaafadeed ka soo saartey arintaa oy ku tilmaameen in aanay jrin xeryo tababar oy ku leeyihiin dawlada dariska la’aha Cafarta ee Eritrea.
War-saxaafadeedkan ayay jabhadda ku sheegtay in aanay jirin xeryo ugu yaala meelaha ay timaameen Itobiya inay weerareen oo kala ah Galacbiyyi, Ramood iyo Ginxi. Waxayna sheegeen inay jabhaddu weerar si habaysan ay ku qaadeen ciidamada TPLF 17kii bishii Maarso goor habeen ah iyagoo dhex jiifa teendhooyinkooda, halkaasna ay kaga dileen 6 askari kuwa kalena ay ka dhaawaceen.
20kii bisha Maarso ayay jabhadd ARDUF ku qaaday ciidamada TPLF meesha lagu magacaabo Qado Qali halkaasoo ay kaga dileen 8 ka mid ahaa ciidankii halkaa fadhiyay iyo cadad kale oo dhaawac ah iyagoo ka furtay hub iyo saanad ciidan oo kala duwan iyo rasaas aad u badan.
Waxay war-saxaafadeedkaa ku sheegtay jabhadda ARDUF inay dagaal kadis ah ku qaadeen 22kii Maarso ciidamada TPLF iyagoo isku dayahaya inay ka gudbaan wabiga Sidiica Dara ee dagmada Teeru. Dagaalkaa oo ahaa mid culus ayaa cadawga lagaga dilay 12 askari halka uu dhaawaca intaa aad uga badanaa. Dagaalkaa oo muddo 5 saacadooda ah socday ayay jabhadda ku sheegtay inay isu soo dhiibeen 13 ka mid ahaa ciidamada TPLF oo jahawareer uu ku dhacay, oo 9 ka mid ah ay ahaayeen dhalinyaro aad u da’yar oo Cafar ah oo la soo qafaalay, tababar fiicanna aan la siinin. Dhalinayardaa ayaa sheegay siday uga xun yihiin in shacabkooda ay la dagaalamaan oo loo adeegsado, mana aanan ogayn bay yidhaahdeen in aan la dagaalamayno jabhadda UGUUGUMO/ARDUF”.
Dagaalka lagu xoreynayo dalka Cafar ee TPLF iyo ARDUF wuu socdaa, ismana taagayo ilaa dalkanaga aan ka xoreynayno ayay jabhadda ku sheegtay war-saxaafadeedka. Waxay kaloo sheegeen in ARDUF ay tahay jabhad ka soo horjeeda xukunka TPLF ee dhibaatada ku haya shacabkooda uuna yahay urur la asaasay 1987 kana dhisan gudaha gobolka Cafar. Waxay sheegeen in xubnihii ka tirsanaa jabhadda ARDUF eek u biiray TPLF/EPRDF ee lagu laaluushay guryaha iyo wasiirada aanay waxba ka badalaynin hadafkii ARDUF ee ahaa inay wadaan dagaalka inta ay xuquuqdooda soo dhacsanayaan dalkooda ka xoreynayaan Wayaanaha.
Waxay jabhadda ARDUF u sheegayaan caalamka in dagaalka lagu hayo shacabka Cafarta uu hadafkiisu yahay siday u xaqiijin lahaayeen TPLF-ta riyadooda ah (Greater Tigrea) oo ah in gobolka Cafarta lagu daro Tigrea. Sidaa darteed dagaalka ay jabhadda ARDUF ku jirto ma’aha oo kali ah inay xaqooda soo ceshadaan ee waa inay ka hortagaan baab’inta lagu hayo shacabka Cafarta si dalkooda looga dhigo dal Tigrea leeyahay.
Waxaa soo saaray bayaanka – Afar Revolutionary Democratic Unity Front (ARDUF)
UGUUGUMO
ONA.
As we know, the Afar nation is one of the nations that Ethiopian colonialism holds by force, and it has waged a liberation war that has gone through various stages while under colonial rule. Recent news in these days was the German tourists whom the ARDUF front took away from their country, giving as the reason that they wanted to weaken the revenue the colonisers receive from tourism, as the Afar country is visited heavily. That matter ended with 5 of those tourists dying when the Ethiopian forces tried to free them by force. This was followed by Ethiopia claiming that it had attacked camps that the ARDUF front has inside Eritrea, which the government of Eritrea denied, describing it as a provocation by which Ethiopia intends to divert the world's attention from the problems within its own country and the fighting the fronts are waging against its forces. In any case, the ARDUF front has issued a press statement on that matter in which they stated that they have no training camps in Afar's neighbouring country, Eritrea.
In this press release, the front stated that there are no camps located in the places Ethiopia claimed to have attacked, namely Galacbiyyi, Ramood and Ginxi. And they stated that the front carried out an organised attack on TPLF forces on the 17th of March at night while they were lying in their tents, and there they killed 6 soldiers and wounded others.
On the 20th of March, the ARDUF front attacked TPLF forces at a place called Qado Qali, where they killed 8 of the troops stationed there and wounded another number, seizing various weapons and military equipment and a very large amount of ammunition.
The ARDUF front stated in that press release that on the 22nd of March they launched an ambush on TPLF forces as they were trying to cross the Sidiica Dara river in Teeru district. In that battle, which was a heavy one, 12 enemy soldiers were killed while the wounded were far more than that. In that battle, which lasted 5 hours, the front stated that 13 of the TPLF troops, who had fallen into confusion, surrendered, and 9 of them were very young Afar youths who had been abducted and had not been given proper training. Those youths said how sorry they are that they are fighting their own people and being used for it, and they said, "we did not know that we were fighting the front UGUUGUMO/ARDUF".
The war to liberate the Afar country between TPLF and ARDUF continues, and it will not stop until we liberate our country, the front stated in the press release. They also stated that ARDUF is a front opposed to the TPLF rule that is oppressing their people, and that it is an organisation founded in 1987 and established inside the Afar region. They stated that the members who had belonged to the ARDUF front and joined the TPLF/EPRDF, who were bribed with houses and ministerial posts, change nothing in ARDUF's goal, which is to continue the war until they regain their rights and liberate their country from the Woyane.
The ARDUF front is telling the world that the aim of the war being waged against the Afar people is to realise the TPLF's dream (Greater Tigrea), which is to annex the Afar region to Tigrea. Therefore, the war the ARDUF front is engaged in is not only to regain their rights, but also to prevent the destruction being inflicted on the Afar people in order to make their country a land owned by Tigrea.
The statement was issued by - Afar Revolutionary Democratic Unity Front (ARDUF)
UGUUGUMO
Read it here
ONA.AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.
