Opens in a new tab

Jidgooyo loo Dhigay Cadawga oo Khasaare Laxaad Leh lagu Gaadhsiiyay

ONA6 February 2012
Read in English

Ciidamada cadawga oo dhowr jeer isku dayay inuu dhaq-dhaqaaq sameeyo ayaa meela kala duwan oo dalka ka mid ah loo dhigay jidgooyo aad loogu naafeeyey ciidamadii socday oo halkaa lagu joojiyay socdaalkoodii.

Warar goor dhaweyd naga soo gaadhay Xarunta dhexee JWXO ayaa naloogu sheegay in 31/1/2012 ay CWXO kamiin si xirfad leh loo qorsheeyey u dhigeen kolanyo gaadiid ah oo maraysay inta u dhaxaysa  Simane iyo Dundumo Cadka, oo katirsan degmada Baabili. 

Dagaalakn oo ahaa mid si xirfadaysan loo qorsheeyay ayaa waxa cadawga lagu gaadhsiiyay khasaare naf iyo maalba ah, waxayna wararka hordhaca ah sheegayaan in lagaga dilay cadawgaa goobtaa 15 askari halka dhaawa kor u dhaafaya 20 loo sii qaaday isbitaalada Harar.

 Wararka kalee aan heleyno ayaa sheegaya in askarta  cadowga ee daganayd  Birqod ay dhexdooda ka dagaalameen. Arintaa oo la malaynayo inay ka dambayso cabsi ay ka qabaan, oo qaarkood ay moodeen qaarka kale inay yihiin CWXO. Waxaa la sheegayaa inuu khasaare badan oo rag saraakiil ah ku jiraan ay is gaadhsiiyeen.
 
Habeenkii Isniintu soo gelaysay ee bisha 5teedii ayay CWXO saldhigga Qabridaharre laba jeer mireen, halkaasoo khasaare badan lagu gaadhsiiyey cadowga.

Wixii warar ah ee soo kordhana waan la socon doonaa.

ONA.

 

La wadaag