Ilwaad Ali
Frankfurt, Germany
Waxaa maanta oo ay taariikhdu tahay 2-1-2012 si toos ah uga furmay kala fadhigii labaad ee ururka dhalinta (OYSU) Aduunka.
Kala fadhigaas ayaa waxaa kasoo qayb galay dhamaan ururka dhalinta ee aduunka & madaxda JWXO.
Waxayna ka kala yimaadeen Wadamada ururka dhalinta,
1. Europé
2. N. America
3. Australia
4. Africa
5. Asia
Sidaanu horay idiinku sheegnay dhamaan dhalintaa ka kala timid daafaha aduunka ayaa kal fadhigan ku lafa guraysa waxyaalo badan oo wax tar u leh Halganka Ogadenia kuna dajinaya qorshe howleedyo fara badan kuwaas oo ah kuwii lagu hawl gali lahaa sanakan maanta bilowga ah ee 2012-ka.
Waxaa ugu horeyntiiba sida caadada ahayd lagu furay aayadaha quraanka kariimka maadaama aynu nahay dad islaam ah, kadib waxaa lagu xijiyay heestii calanka oo ay ku luuqaynayeen dhalinta OYSU.
Kadib ayaa cod baahiyaha lagusoo dhaweeyay X.Hayaha guud ee OYSU Mudane Mujaahid sh. Ibraahin hambalyo & bogaadin uu dhalinta usoo jeediyay kadib ayuu waxuu ugu baaqay Marwa Leyla Abdulaahi oo ka sheekaysay xaaladihii uu soo maray ururka dhalinta, Heerarkii iyo Marxaladihii kala duwanaa & magacyadii uu lahaa urur walba & walibana siduu u midoobay.
Kadib waxaa wacdi aad u qiima badan dhalinta & dhamaan waftigii madasha isugu yimid usoo jeediyay Hogaanka ( HAAB) ee JWXO Mudane Mahamed Abdi Yasiin (DIIRANE)
Wacdiga uu mudanaha soo jeediyay ayaa waxuu ku saabsanaa Halganka xaqqa ah ee ummada somalida Ogadeniya kula jirto Gumeysiga. Xaaji Maxamed Cabdi Yasiin waxa uu aad ugu booriyay dhalinta kaqeyb qaadashada halganka Somalida Ogadeniya isaga oo tusaaleyn badan kasoo qaatay siiradii nabiga S.C.W iyo Quraanka Kariimka ah- halgamadii ummada islaamku soo mareen iyo siday waajib ugu tahay qofkastaba inuu u gargaaro ummad ku hoos nool gumeysiga.
Ilwaad Ali
Frankfurt, Germany
Today, on 2-1-2012, the second session of the worldwide Ogaden Youth and Students Union (OYSU) officially opened.
The session was attended by all of the youth union worldwide & the leadership of the ONLF.
They came from the youth union's countries:
1. Europe
2. N. America
3. Australia
4. Africa
5. Asia
As we told you earlier, all of the youth who came from the corners of the world are analysing at this session many matters that are beneficial to the struggle of Ogadenia, and are setting many action plans, which are those to be worked on this year of 2012, beginning today.
First of all, as is customary, it was opened with verses of the Holy Quran since we are a Muslim people, and then it was followed by the national anthem, which was sung by the OYSU youth.
Then the General Secretary of OYSU, Mr Mujaahid Sh. Ibraahin, was welcomed to the microphone, and after the congratulations & praise he addressed to the youth, he invited Mrs Leyla Abdulaahi, who spoke about the circumstances the youth union has gone through, the different levels and stages & the names each union had & also how it united.
Then a very valuable sermon was delivered to the youth & all of the delegation gathered at the venue by a member of the leadership (HAAB) of the ONLF, Mr Mahamed Abdi Yasiin (DIIRANE)
The sermon delivered by the honourable member was about the rightful struggle that the Somali people of Ogadenia are waging against colonialism. Haji Maxamed Cabdi Yasiin strongly urged the youth to take part in the struggle of the Somalis of Ogadenia, citing many examples from the life of the Prophet S.C.W and the Holy Quran, the struggles the Islamic nation has gone through, and how it is a duty for every person to help a people living under colonialism.
AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.


