Magaalada Gaarissa ee Caasimada Gobolka Waqooyi-bari kenya ayaa saldig u noqotay boqolaal dhalinyaro ah oo ka soo jeeda Ogaadeeniya kuwaas oo xiliyo kala duwan ka yimid wadankoodii hooyo,isla markaan ka faa’iidaystay fursada ay heleen xaga nabada galiyada oo qaar kamid ah dhalinyarada ay wadaan waxbarashadooda ilaa heer jaamacada inta badana ay wax ka dhigtaan Iskuulaadka Gaarissa.
Hadaba Midawga Ururka dhalinyarada iyo ardayed Ogaadeeniya (OYSU) ee magaalada Gaarissa oo abaabul iyo dhiirigalin kawaday mudooyinkan halkaas si ay qadiyada Ogaadeeniya iyo taariikhda halganka gobanimo doonka ah ee Ogaadeeniya ka socoda ooga dhaadhiciyaan dhalinta Soomaaliyeed iyo kuwa gobolka Waqooyi-bari Kenya ayaa maanta gabogabo oga dhigay hawlihii isbuucyadan u socoday ciyaar saaxiibtinimo oo dhex martay Kooxda xidigaha midnimo oo ah koox ay leeyihiin dhalinta OYSU Gaarissa iyo kooxda kale ee Leeds oo magaalad Gaaris aad looga yaqaano. Ciyaartan saaxiibtinimo ee maanta ayaa guusha raacaday kooxda Midnimo ee xidigaha OYSU Gaarissa, iyadoo ciyaatani ay ahayed midii oogu horeysay ee ay u saftaan koox dhalinyaro magaca Soomaalida Ogaadeeniya wadata garoomada magaalada Gaarissa.
Ciyaataas kadib ayaa dadweynihii daawanayey iyo dhalinyaradii garoonku isla dhexqaadeen in ay iswaydiiyaan Magaca OYSU iyo astaanta ururka ayna horey u aqoonin waxaase goob joog ahaa mas’uliyiinta ururka OYSU Gaarissa oo qeexid fiican ka siiyey su’aalaha ay iska waydiinayeen OYSU, iyo astaanta ay caleemuhu ku gadaamanyihiin. Xoghayaha Ururka Mudane Cabdinaasir oo su’aalaha dhalinta ooga jawaabayey ayaa yidhi; “Waa urur dhalinyaro oo aduunka oo dhan ka ku leh laamo ka shaqeeya Ujeedada iyo himilada ururka waxayna himiladanadu tahay in la helo Ogaadeeniya oo xor ah oo Soomaalida degtana ku maashushaan nidaam ku saleysan diintooda dhaqankoda iyo kolba sidii datoodu ku jirto”
Sidoo kalena wuxuu Xoghayuhu ka hadley in ay dhalinta Ogaadeeniya jecelyihiin walaaltinimada guud ahaan umada Soomaaliyeed ee Ogaadeeniya iska leh, dhalinta Ogaadeeniya waa kuwo ay ka go’antahay raadinta xornimo ay ku noolaadaan shacabka dulman ee Soomaalida Ogaadeeniya.
Waxaa halkaas ku kala tagay dhalinyaradii oo ku wada faraxsan munaasaba sida ay u dhacday ee wanaagsan waxay ku balameen kulamo kale oo ay isugu yimaadaan kana wada shaqeeyaan wixii dantu oogu wada jirto,Magaalada Gaarissa ayaa horey loogu xidh xidhay dhalinyaro ka soo jeeda Ogaadeeniya kuwaas oo intooda badan la siidaayey iyada oo aan wax danbi ah loo haysanin balse qaarkood loo qabqabatay arrin la xidhiidha xaga sharciyada ay ku jiraan.
Xikam/ONA-Garissa.
The town of Gaarissa, the capital of Kenya's North Eastern Province, has become a base for hundreds of young people from Ogadenia who came from their motherland at different times. They have taken advantage of the opportunity they have found in terms of peace and security, and some of the youth are pursuing their education up to university level, mostly studying at schools in Gaarissa.
The Ogaden Youth and Students Union (OYSU) in Gaarissa, which has recently been carrying out mobilisation and encouragement there so that the cause of Ogadenia and the history of the ongoing freedom struggle in Ogadenia are made understood by Somali youth and those of Kenya's North Eastern Province, today concluded the activities that had been running over these weeks with a friendly match between the Midnimo Stars team, a team belonging to the OYSU Gaarissa youth, and another team, Leeds, which is well known in the town of Gaarissa. Today's friendly match was won by the Midnimo team of the OYSU Gaarissa Stars, and this match was the first ever played on the pitches of Gaarissa by a youth team bearing the name of the Ogadenia Somalis.
After the match, the spectators and the young people on the pitch began asking one another about the name OYSU and the organisation's emblem, which they had not known before. However, officials of OYSU Gaarissa were present and gave a good explanation in answer to the questions they were asking about OYSU and its emblem encircled by leaves. The organisation's Secretary, Mr Cabdinaasir, who was answering the youth's questions, said: "It is a youth organisation that has branches all over the world working for the purpose and aims of the organisation, and its aim is to achieve a free Ogadenia in which the Somalis who live there govern themselves under a system based on their religion, their culture and whatever their interests may be at any time."
The Secretary also spoke about how the youth of Ogadenia love the brotherhood shared in general by the Somali nation of Ogadenia, and that the youth of Ogadenia are determined to seek freedom in which the oppressed people of the Somalis of Ogadenia can live.
The young people parted there, all happy with how well the occasion went, and they promised to hold other meetings at which they would come together and work jointly on matters of common interest. In the town of Gaarissa, young people from Ogadenia have previously been arrested, most of whom were released without any crime being held against them, though some were detained over matters relating to their legal status.
Xikam/ONA-Garissa.AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.

