Sawirada Shirkan Hoos ka Fiirso:
Shir aad loo soo aggaasimay oo Bulshada Geeska Afrika isugu yimaadeen ayaa ka dhacay magaalada London Maalinimadii Sabtida ee 17 December 2011.
Shirkan ayaa waxa lagu marti qaaday wariyaha Caanka ah ee Thomas Mountain oo ah wariyaha kaliya ee Geeska Afrika sida Xorta ah uga soo warama 10ki sanno ee u danbeysay.
Wariyahan oo ah sidoo kale nin u ololeeya xuquuqda dadka madow oo ku takhasusay dhaqamada iyo taariikhda Geeska Afrika ayaa shirkan kasoo jeediyay warbixino la xidhiidha khilaafaadka ka taagan geeska Afrika.
Wariye Thomas oo shirkan ka hadlaya ayyaa hadalkiisii ku bilaabay Dhibaatoyinka ka jira Geeska Afrika isaga oo barbar-dhigaya istiraatajaiyda weyn ee dhulkani u leeyahay Geeska Afrika waxa uuna yiri. Geeska Afrika waa xarun Istiraataji weyn u leh wadamada Ree Galbeedka madama oo dhulkaasi ku fadhiyo badda cas islamar ahaantaasna xeebtaas ay maraan dhamaanba ganacsiga ree galbeedku la leeyahay Asia. Haddaba si ree galbeedku u illaashadaan dantooda waxa ay wakiisheen dowlada Ethiopia inay u noqoto police u illaaliya danaha ree galbeedka taas waxa ay keentay ayuu yiri in Ethiopia dhibaatoyin badan ka geysato Geeska Afrika caalamkuna indhaha ka illaashado madama oo ay shaqo u hayyaan.
Hadalkiisii oo uu kufuray dhibaatoyinka ka jira dhulka Ogadeniya ayaa Thomas waxa uu warbixin ka bixiyay dheer Cunaqabateynta KT Zenawi uu kuso rogay dhulka Ogadeniya waqti ayuu yiri la ogyahay in Ogadeniya ka jirto abbaaro xooggan. Sidoo kale waxa arrintaas oo kale ay ka dhacday ayuu yiri dhulka Oromada. Dowlada Ethiopia waxay cunaqabatayn saartay Ogadeniya oo u diiday raashinka oo dhan dadkaas tabaleysan islamar ahaantaasna waxay hayadihi samafalka ka saartay Ogadeniya sida Red Cross. Waqtigaas Abbaaruhu kajireen Ogadeniya iyo Ethiopia Wadanka UK waxuu kaalmo bani aadanimo u fidiyay dowlada Ethiopia oo uu ugu deeqay lacag dhan 60 Million. Maalmo kadib Ra isal wasaaraha Ethiopia Males Zenawi waxa uu sheegay in 200 oo nooca taangiyada daggaalka uu kasoo gattay wadanka Ukrine isaaga oo ka bixiyay lacag gaadhaysa 100 million.
Haddaba haddii mucaawamadi aysan gaadhayn dadkii loogudeeqay. waxa u baahan in la isweydiyo 60ka million ee loogu deeqay xagey geysay dowlada Ethiopia. jawaabtu waxa weeye waxay ku gateen taangiyadaas iyo hubkale.
Wariye Thomas waxa kale oo uu ka hadlay daggaalkii ay dowlada Ethiopia ku qaaday koonfurta somaliya waxuuna sheegay in daggaalkaas tobonaan kun oo dhalinyaro somali ah in lagu dilay sidoo kale lagu bara kiciyay million shacab ah. Waxa uu ka hadlay in Wadamada ree galbeedku aysan daacad ka ahayn in somaliya hesho dowlad iyo nabad galyo midna. isaga oo ku eedeyay wadanka Mareykanka in sheekadoodu tahay qowda maqashi waxna ha u qaban.
Sidoo kale waxa uu ku dheeraday khilaafka u dhexeeya wadanka Eritrea iyo Ethiopia iyo sida wadamada Ree galbeedku ay u rabaan in lacuna qabateeyo waxayar ee ah 2% ee jaaliyaadka Eritrea-nku ku caawiyaan dhulkooda. Wadanka Eritrea waa wadan raba innuu isku fillaasho gaadho caalamkuna waxuu ku dadalaya ayuu yiri in la qariyo horumarka Eritrea oo la buun buuniyo caqabada Eritrea. Waxa Eritrea ay ku guulaysay ayuu yiri inay dabar jarto cudurka kaneecada oo ah dillaaga ugu weyn ee Afrika. Sidoo kale waxay 40% ay yareysay cudurka Aidska. Waxaas oo dhan caalamka looma sheego. Waxase caalamka loo sheega ayuu yiri dhalinyarada Eritrea oo ka qaxday Eritrea. Waa run ayuu yiri dhalinbadan oo ree Eritrea ah ayaa wadanka ka haajirtay lakiin waxay u haajireen waa arrin dhaqaale la xidhiidha. maahan mid la xidhiidha amniga. Wadanka Eritrea dhalinta ka haajirtay waxay noqonaysa 2% tirada guud ee dadka ree Eritrea. Waxase aan wada ognahay dadka Ethiopia ka qaxay ee arrin siyaasadeed ku qaxay ama amni inay tahay 10% tirada guud ee Ethiopia. Hadana ma arkeysaan cid ka hadlaysa qaxootiga Ethiopia, lakiin midka yar ee Eritrea ayaa caalamku arka.
Waxuu aad uga hadlay sababta ay wadamada Ree Galbeedku ugu hiilinayaan Ethiopia, oo dadyowga ku nool Geeska Afrika u xaqirayaan, waxuu aad ugu dheeraday dhibatada daggaal iyo kacdoonada ka socda Geeska afrika khaasatan Gudaha Ethiopia. Waxa jirta in dhulka Gambella dadkii deggaanka ahaa dhulkoodi laga baro kiciyay taas oo shacabka gambellaa ay ka dhiidhiyeen oo ay qoriga qaateen duurkana galleen. Waxa jirta in Qowmiyadii axmaarada loo diiday hilibki ay cunni jireen oo maanta ay aad u kacsanyihiin, xattaa tigrega dhexdisa canfarta oromada dhamaan qowmiyadaha ku hoos nool Ethiopia waa kaceen oo daggaal ayay kula jiraan taliska woyanaha ayuu yiri mudane Thomas.
shirkan oo muddo 5 saacadood ah socday ayaa waxa ka hadlay oo kale Hoggaanka Arrimaha Dibada ONLF mudane Maaday, iyo Aqoonyahan badan oo kasoo jeeda Somaliya oo ka xusi karo Dr Gure iyo Xildhibaan Dr Zakariye.
Waxa shirkaan oo ay kasoo qeyb galeen Haweenka Somalida Ogadeniya, Dhalinta OYSU UK, Dhalinta Somaliweyn, iyo Jaaliyadaha Oromada, Eritreanka iyo Qowmiyada Axmaarada lagu weydiiyay su’aalo badan Suxufigan oo ah nin leh jinsiyad cadaan balse lamid ah halagaamaga Geeska Afrika ee jinsiga madow.
Warbixintan oo filim ah dhowaan ayaad heli doontaan ama kala soco Barnaamijka Ilays;
The guest of the conference was the renowned journalist Thomas Mountain, the only journalist who has reported freely from the Horn of Africa over the past 10 years.
The journalist, who is also an advocate for the rights of Black people and a specialist in the cultures and history of the Horn of Africa, presented reports at the conference on the conflicts ongoing in the Horn of Africa.
Speaking at the conference, journalist Thomas began his remarks with the problems in the Horn of Africa, setting them against the great strategic importance of the region, and said: The Horn of Africa is a hub of great strategic importance for Western countries, since the land sits on the Red Sea and, at the same time, all of the West's trade with Asia passes along that coast. So, in order to protect their interests, the Westerners have appointed the Ethiopian government to act as a police force guarding Western interests. This, he said, has led Ethiopia to cause many problems in the Horn of Africa while the world turns a blind eye, since it is working for them.
Concluding his remarks on the problems in Ogadenia, Thomas gave a lengthy report on the blockade that Zenawi imposed on Ogadenia at a time, he said, when it was known that a severe famine was occurring in Ogadenia. The same thing, he said, also happened in Oromo land. The Ethiopian government imposed a blockade on Ogadenia, denying all food to those helpless people, and at the same time it expelled aid agencies such as the Red Cross from Ogadenia. At the time the famine was occurring in Ogadenia and Ethiopia, the UK extended humanitarian aid to the Ethiopian government, donating a sum of 60 million. Days later, the Prime Minister of Ethiopia, Meles Zenawi, announced that he had bought 200 battle tanks from Ukraine, paying a sum of about 100 million.
So if the aid did not reach the people it was donated to, one must ask where the Ethiopian government took the 60 million that was donated to it. The answer is that they used it to buy those tanks and other weapons.
Journalist Thomas also spoke about the war that the Ethiopian government launched in southern Somalia, saying that tens of thousands of Somali young people were killed in that war and that a million civilians were also displaced. He said that Western countries are not sincere about Somalia obtaining either a government or peace, accusing the United States of all talk and no action.
He also spoke at length about the dispute between Eritrea and Ethiopia and how Western countries want to sanction the small 2% that the Eritrean diaspora contributes to their homeland. Eritrea is a country that wants to achieve self-sufficiency, and the world, he said, is working to hide Eritrea's progress and exaggerate Eritrea's challenges. Eritrea, he said, has succeeded in eradicating malaria, which is the biggest killer in Africa. It has also reduced AIDS by 40%. None of this is told to the world. What is told to the world, he said, is about the young people who have fled Eritrea. It is true, he said, that many young Eritreans have emigrated from the country, but the reason they emigrated is an economic matter, not one related to security. The young people who have emigrated from Eritrea amount to 2% of the total Eritrean population. Yet we all know that the people who have fled Ethiopia for political or security reasons amount to 10% of Ethiopia's total population. And yet you see no one talking about Ethiopian refugees, but the world sees the small Eritrean one.
He spoke extensively about why Western countries side with Ethiopia and look down on the peoples living in the Horn of Africa, and he dwelt at length on the problems of war and uprisings taking place in the Horn of Africa, particularly inside Ethiopia. In Gambella, the local people have been displaced from their land, which the people of Gambella resisted by taking up arms and going into the bush. The Amhara people have been denied the meat they used to eat and today they are very agitated; even among the Tigray, the Afar and the Oromo, all the nationalities living under Ethiopia have risen up and are fighting the Woyane regime, said Mr Thomas.
The conference, which lasted 5 hours, was also addressed by the head of ONLF Foreign Affairs, Mr Maaday, and many intellectuals from Somalia, among whom Dr Gure and MP Dr Zakariye can be mentioned.
At this conference, which was attended by Somali women of Ogadenia, OYSU UK youth, Greater Somalia youth, and the Oromo, Eritrean and Amhara communities, many questions were put to this journalist, a man of white ethnicity who is nonetheless like a fellow fighter of the Black people of the Horn of Africa.
You will soon be able to get this report as a film, or follow it on the Ilays programme;




AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.

