Hay’adda Xaquuqul Insaanka ee Human Rights Watch ayaa ku eedeysay ciidamada ammaanka ee dalka Suudaan in ay ku keceen tacaddiyo dhanka galmada ah, hanjabaad iyo dhibaatooyin kale, si ay u cabburiyaan hawlwadeenada dumarka ah ee u ololeeya xaquuql insaanka.
Hay’addani ayaa waxa ay sheegtay in ay diiwaan gelisay dhowr dhacdo oo laamaha ammaanka ay dumarka hawlwadeenka ah ee ka shaqeeya arrimaha xaquuqul Insaanka u gaysteen kufsi iyo hanjabaado kufsi.
Hawlwadeenada Dumarka ah ee u ololeeya xaquuql insaanka ayaa waxa ay sidoo kale sheegeen in laamaha ammaanka dalkaasi ay isku dayeen in ay waxyeeleeyaan sumcaddooda.
Human Rights Watch waxa ay intaasi ku dartay in inkastoo cabburinta shacabka ay caadi ka tahay dalkaasi Suudaan, haddana dumarku waxa ay wajahayaan dhibaatooyin gaar ah.
Hase yeeshee mas’uuliyiinta dalkaasi ayaa mar kastaa waxa ay beeniyaan eedeymaha ah in ay gaystaan tacaddiyo.
The human rights organisation Human Rights Watch has accused Sudan's security forces of committing sexual abuses, threats and other harms in order to suppress women activists who campaign for human rights.
The organisation said it had documented several incidents in which the security forces subjected women activists working on human rights issues to rape and threats of rape. The women activists who campaign for human rights also said that the country's security forces had tried to damage their reputations. Human Rights Watch added that although repression of the public is common in Sudan, women face particular hardships. However, the country's officials have always denied the allegations that they commit abuses.AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.
