
Lix ka mid ah odayaasha Kongreeska Mareykanka (Senators) ayaa warqad wada jir ah waxay u qoreen Wasiiradda Arimaha Dibadda Marwo Hillary Clinton ay kaga codsadeen inay arimaha Ogadenya iyo dhibaatada lagu hayo shacabkaa ay u dhug yeelato. Waxay warqadooda ku bilaabeen;
The Honorable Hillary Rodham Clinton Secretary of State
U.S. Department of State
2201 C Street, N.W.
Washington, D.C. 20520
Waxaan aad uga walwalsanahay xaaladda aadminimo oo ka sii dareysa iyo xadgudubka xuquuqul insaanka ee ka dhacaya Ogadenya oo dhaca Koonfurberri Itobiya. Waxaa gobolka soo foodsaaray abaar daran waxaanan ka walwalsanahay inay xaaladda ka sii dareyso hadaan talaabo laga qaadin lagu badbaadinayo shacabka aan waxba galabsan.
Waxay sheegeen odayaasha in malaayiin qof ay u baahan yihiin gargaar aadminimo oo dagdag ah, maadaama sanadkii tagay uu roobabka si fiican uga di’in taasoo keentay inay dad badan barakacaan isla marahaantaa ay biya lantiina ka dhashaan cuduro uu daacuun calooleedka ka mid yahay.
Waxay intaa raaciyeen; in dhibaatadaa oo jirta aan hadana caalamka sidii la rabay u gaarsiinin Ogadenya gargaarkii loo baahnaa iyadoo ay ugu wacantahay nabadgalyo la’aanta ka jirta iyo dagaalada ka dhex socda xukuumadda Itobiya iyo Jabhadda ONLF.
Waxay farta ku fiiqeen odayaasha in dagaalada ka socda Ogadenya uu dhibaato weyn u gaystay dadweynihii, iyadoo bay yidhaahdeen uu ka socdo xadgudub xuquuqul insaanka asaasiga ah oo loo gaysanayo dadaweynaha sida dil aan maxkamad xukumin, jidhdil, kufsi, afduub, xabsi aan la xukumin iyo waliba bulshooyin idil oo laga rarayo dhulkii ay daganaayeen.
Waxay odayaasha u sheegeen Wasiiradda inwarbixintii ay Wasaaradda Arimaha Dibadda soo saartey 2010 ee ku saabsanaa xuquuqda aadanaha lagu bayaamiyay xadgudubka ay ka wadaan Ogadenya ciidamada Itobiya iyo maxaysatada (Hawaarin) iyo booliskaba.
Waxay kaloo u sheegeen Wasiirada in laga bilaabo markii ay dawladda Itobiya ku dhawaaqday dagaal ka hortag ah inay ku qaadayso ONLF laga mamnuucay inay galaan Ogadenya diblomaasiyiinta, shaqaalaha samafalka, suxufiyiinta taasoo loola jeedo in aan la arkin oon laga warbixinin xad-gudubka aadminmo ee ciidamada Itobiya ay geysanayaan. Waxaa intaa dheer bay yidhahdeen iyadoo la joojiyay isu socodkii taasoo keentay in baahida dadweynaha aan la ogaanin.
Waxay u sheegeen odayaasha in wasiirka arimaha dibadda ee Itobiya Hailemariam Dessalegn uu diiday waxyaabihii ku qornaa warbixintii Itobiya laga qoray ee Xuquuqda Aadanaha isagoo yidhi uma baahnin inaan ogolaano warbixintaa. Waxaa dhab ah bay yidhaahdeen in aanay xukuumadda Itobiya diyaar u ahayn in wax laga qabto dhibatadan aadminimo ee ka jirta gobolka.
Waxay xasuusiyeen wasiiradda inkasoo uu xidhiidh istraatiijiga ah ka dhexeeya labada dal, hadana ay tahay masuuliyad Mareykanka saaran inay horumariso xaq-dhowrka Xuquuqda aadanaha Itobiya iyo xukuumad wanaagga. Ma dhici karto bay yidhaahdeen in xidhiidhka nabad-sugidda ee ka dhexeeya labada dal ay keento in lagu tunto asaasiyaadkii Xuquuqul Insaanka oy ka mid tahay inuu qofka si xor ah u noolaado oo aan dhib loo gaysanin, si xor ah u dhq-dhaqaaqo oo si xor uga mid noqdo ururkii uu doono.
Waxay ugu dambayn ka codsadeen wasiiradda inay ku baraarujiso xukuumadda Itobiya inay u furan Ogadenya haya’adaha madaxa banaan oy ka mid yihiin kuwa samafalada si loo soo hubiyo xaaladda aadmino ee ka jirta halkaa. Waxay kaloo ka codsadeen inay la socodsiiso dadaalka ay dawladda Mareykanka wado sidii loo joojin lahaa dagaalka ka socda Ogadenya iyo in xukuumadda Itobiya ay la xisaabtanto xadgudubka ay ciidamadeeda ka wadaan Ogadenya. Waxay ku soo gunaanadeen;
Thank you for your attention to this important matter and for your tireless work to ensure that all people are able to enjoy their fundamental human rights.
Sincerely,
Barbara Boxer / United States Senator
Benjamin L. Cardin / United States Senator
Dick Durbin / United States Senator
Patrick Leahy / Senator United States Senator
Kent Conard / United States Senator
Jeff Merkley / United States Senator
Six members of the United States Congress (Senators) have written a joint letter to the Secretary of State, Mrs Hillary Clinton, in which they asked her to pay attention to the affairs of Ogadenia and the suffering being inflicted on its people. They began their letter:
The Honorable Hillary Rodham Clinton Secretary of State
U.S. Department of State
2201 C Street, N.W.
Washington, D.C. 20520
We are deeply concerned about the worsening humanitarian situation and the human rights violations taking place in Ogadenia, which is located in southeastern Ethiopia. The region is facing a severe drought, and we are concerned that the situation will worsen further if action is not taken to save the innocent civilians.
The senators stated that millions of people need urgent humanitarian assistance, since last year the rains did not fall well, which caused many people to be displaced, while at the same time water shortages gave rise to diseases, including cholera.
They added that, despite this existing crisis, the international community has still not delivered the needed aid to Ogadenia as desired, owing to the insecurity there and the fighting between the Ethiopian government and the ONLF Front.
The senators pointed out that the fighting in Ogadenia has caused great suffering to the population, and they said that basic human rights violations are being committed against the population, such as extrajudicial killings, torture, rape, abduction, detention without trial, and even entire communities being removed from the land they lived on.
The senators told the Secretary that the State Department's 2010 human rights report described the violations being committed in Ogadenia by the Ethiopian forces, the militias (Hawaarin) and the police alike.
They also told the Secretary that ever since the Ethiopian government announced it would launch a counter-offensive against the ONLF, diplomats, aid workers and journalists have been banned from entering Ogadenia, which is intended to ensure that the humanitarian violations committed by the Ethiopian forces are not seen or reported. In addition, they said, movement has been halted, which has meant that the needs of the population remain unknown.
The senators told her that the Ethiopian Foreign Minister, Hailemariam Dessalegn, rejected the contents of the Human Rights report written about Ethiopia, saying, "We do not need to accept that report." It is clear, they said, that the Ethiopian government is not ready to address this humanitarian crisis in the region.
They reminded the Secretary that although there is a strategic relationship between the two countries, it is nonetheless a responsibility resting on the United States to promote respect for human rights and good governance in Ethiopia. It cannot be, they said, that the security relationship between the two countries should lead to the trampling of the fundamentals of human rights, which include a person's right to live freely without being harmed, to move freely and to freely join the organisation of their choice.
Finally, they asked the Secretary to urge the Ethiopian government to open Ogadenia to independent agencies, including humanitarian organisations, so that the humanitarian situation there can be verified. They also asked her to keep them informed of the efforts the U.S. government is making to stop the fighting in Ogadenia and to hold the Ethiopian government accountable for the violations its forces are committing in Ogadenia. They concluded:
Thank you for your attention to this important matter and for your tireless work to ensure that all people are able to enjoy their fundamental human rights.
Sincerely,
Barbara Boxer / United States Senator
Benjamin L. Cardin / United States Senator
Dick Durbin / United States Senator
Patrick Leahy / Senator United States Senator
Kent Conard / United States Senator
Jeff Merkley / United States SenatorAI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.

