Waxaa maanta ka dhacday magalada Sanca caasimada dalka Yemen xaflad si wayn loo soo agaasimay oo lagu qabtay hoolka wayn ee shirarka ee Layalil-Ansi Xafaladda ayaa loogu magac daray Ogaden Night. Xafladan oo ahayd xaflad dhaqamed ayaa waxaa iska kaashaday Gudida Qaxootiga S.Ogadenia ee Yemen iyo hay’adda INTERSOS-Yemen, waxaana maalgalinteeda lahaa UNHCR/Yemen.

Waxaa xafladda ka soo qayb galay dadwayne aad u tira badan oo boqolaal ah kuwaasoo isugu jira qaxootiga Ogadenia ee dalka Yemen jooga iyo waliba dadwayna kale oo ka socday qaxootiga umadda Somaliyeed. Sidoo kale xaflada ayaa waxaa ka soo qayb galay dhamaan haya’adaha samafalka ee hoosyimaad UNHCR sida, INTERSOS, IRD, ADRA, IDF iyo SAVE THE CHILDREN.
Biloowgii xaflada ayaa waxaa ku soo dhaweeyay martsharafatii mudane Xuseen Makhtal Daahir oo ah Gudoomiyaha Gudida Qaxootiga Ogadenia ee dalka Yemen isagoo uga mahad celiyay dadwaynihii ka soo qayb galay munaasabada sida habsamida ah loo soo gaasimay. Ka dib aayado Quraanka ee lagu furay xaflada ayaa waxaa makarafoonka lagu soo dhaweeyay mudane Xuseen Maxamed (Gabood) oo ah xidhiidhiyaha jaaliyada isaga oo halkaas khudbad dheer oo mela badan taabanhaysa kasoo jeediyay. Mudane Gabood wuxuu ka war bixiyay marxaladihii la soo maray iyo halka maanta lataagan yahay.

Khudabadahaa qiimaha leh kadib ayaa waxaa mid mid loogu soo dhaweeyay makarafoonka hay’adihii kasoo qayb galay xaflada iyaga oo dhamaan ku balan qaaday inay hiil iyo hooba lagarab taagan yihiin Qaxootiga Ogadenia ee nacabka uu dhulkoodii hooyo kasoo barakiciyay, waxayna halkaas ku sameeyeen balan qadyo inay ka gargaari doonaan intii karaan kooda ah xaga waxbarashada, caafimaadka iyo waliba waxii kaleey awoodaan.
Waxaa xusid mudan kooxda fanka Horseed oo soo bandhigtay ciyaaraha ey hidaha iyo dhanqanka u leeyihiin umadda Ogadenia, oo isugu jiray dhaanto, buraanbur, gabayo iyo waliba heeso aad u qiiragaliyay dadwaynhii fadhiyay hoolka.
Waxaa ugu danbayn hadal gaba-gabayn iyo guubaabo isugu jira soo jeediyay mudane Cabdi salam Maxamed oo ah Gudoomiye ku xigeenka Gudida Qaxootiga.
Sayid Xakiim/Ogaden Committee in Sana’a.
ONA.
A well-organised celebration took place today in the city of Sanca, the capital of Yemen, held in the main conference hall of Layalil-Ansi. The celebration was named Ogaden Night. This event, which was a cultural celebration, was jointly organised by the S.Ogadenia Refugee Committee in Yemen and the organisation INTERSOS-Yemen, and it was funded by UNHCR/Yemen.
The celebration was attended by a very large crowd numbering in the hundreds, made up of Ogadenia refugees living in Yemen as well as other members of the public from among the refugees of the Somali nation. The celebration was also attended by all the charitable organisations operating under UNHCR, such as INTERSOS, IRD, ADRA, IDF and SAVE THE CHILDREN.
At the start of the celebration, the honoured guests were welcomed by Mr Xuseen Makhtal Daahir, Chairman of the Ogadenia Refugee Committee in Yemen, who thanked the public who attended the occasion for the orderly way in which it had been organised. After verses of the Quran with which the celebration was opened, Mr Xuseen Maxamed (Gabood), the community liaison officer, was welcomed to the microphone, and he delivered a long speech there touching on many points. Mr Gabood gave an account of the stages that have been passed through and where things stand today.
After these valuable speeches, the organisations that attended the celebration were welcomed to the microphone one by one, and they all pledged that they would stand with all their strength beside the Ogadenia refugees whom the enemy displaced from their motherland, and they made pledges there that they would help them as much as they are able in the areas of education, health and whatever else they can.
Worth mentioning is the Horseed arts group, which performed dances that belong to the heritage and culture of the Ogadenia nation, consisting of dhaanto, buraanbur, poems and songs that deeply moved the public seated in the hall.
Finally, closing remarks combined with words of encouragement were delivered by Mr Cabdi salam Maxamed, Deputy Chairman of the Refugee Committee.
Sayid Xakiim/Ogaden Committee in Sana'a.
ONA.

AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.

