Waxaa maanta magaalada helsinki ka dhacay shirweyn oo ay isugu timid jaaliyada soomaalida Ogadeniya Finland. shirkaas oo lagu xusayey maalinta Haweenka Ogadeniya oo laga xusayo Jaaliyadaha Ogadeniya ee aduunkoo dhan ayaa waxaa soo abaabulay midowga dhalinyarada iyo ardayda Ogadeniya OYSU. waxaanna kasoo qaybgalay dhamaan jaaliyada soomaaliada ogadeniya ee dalkan finland ku dhaqan laamaheeda kala duwan.
shirka aya furmay galabta abaarihii 4:00tii galabnimo oo lagu furay aayado quraan ah kadib gudoomiyaha jaaliyada mudane maxamed digaale ayaa lagu soo dhaweyay codbaahiyaha .
hadaba shirkaas waxaa wacdaro lama iloobaan ah ka muujiyey ururka haweenka ogadeniya ee Finland.
ugu horaytiiba waxaa codbaahiyaha lagsuoo dhoweeyey gudoomiya jaaliyada oo ka warbixiyey sababta shirka loo qabtay iyo ahmiyada haweenka Ogadeniya iyo kaalmaha ay kuleeyihiin halganka Ogadeniya.
kadib waxaa la wareegtay codbaahiyaha gudoomiyaha haweenka Ogadeniya ee dalkan finland marwo aamina jwxo oo ka warbixisay waxqabadka haweenka Ogadeniya. Sidookale waxay dadka u ifisay booskay halganka kaga jiraan haweenku iyo dhibka uu kuhayo gumeystuhu haweenka marwalbana inay iyagu ugu nugulyihiin dhibaatooyinka waxay ka sheekaysay dhibaatada loogu geysto xabsiyada haweenka Ogadeniya sida kufsiga jidhdilka iyo IWM waxaa ka mid ahaa hadaladii hooyada Halganka Ogadeniya in 24kii saacba mar ay musqusha loo ogalaan jiray mar ay u xidhnayd gumeysiga hadana sidii iyo kasii daranba loo galo dumarka Ogadeniya.
sidoo kale waxaa meesha ka hadlay dad badan sida xogahaynta haweenka marwo shamis oo hadalo qiiro leh iyo gabay shirka kasoo jeedisay.
waxaa kaloo ka hadlay xoghayaha guud ee HAAB mudane xasan kamaal oo ka sheekeeyey taariikhda haweenka Ogadenia iyo siday marwalba halganka lafdhabar ugu ahaayeen. waxaa kaloo meesha lagu daawaday filim ka hadlaya dhibka laguhayo hawenka oo dadka shucuurtoodii bedelay
meeshan laguma soo koobi karo wacdaradii ka dhacday galabta helsinki , abaarihii 8:00 fiidnimo ayuu soo gabagaboobey shirku kuna soo gabagaboobey sidii loogu talogay.
ONA
HELSINKI FINLAND
CABDIRAXMAAN JARARI
Today a large conference bringing together the Ogadenia Somali community in Finland took place in the city of Helsinki. The conference, which commemorated Ogadenia Women's Day, a day being marked by Ogadenia communities all over the world, was organised by the Ogaden Youth and Students Union (OYSU). It was attended by all the various branches of the Ogadenia Somali community living in Finland.
First of all, the chairman of the community was welcomed to the microphone and explained why the conference was being held, as well as the importance of Ogadenia women and the roles they play in the struggle of Ogadenia.
Then the chairwoman of the Ogadenia women in Finland, Mrs Aamina ONLF, took the microphone and reported on the work of Ogadenia women. She also explained to the audience the place women hold in the struggle, the suffering the colonizer inflicts on women, and that they are always the most vulnerable to hardships. She spoke about the abuse inflicted on Ogadenia women in prisons, such as rape, torture, etc. Among the words of the mother of the Ogadenia struggle was that, when she was imprisoned by the colonizer, she was allowed to use the toilet only once every 24 hours, and that the same and even worse is still being done to Ogadenia women.
Many other people also spoke there, such as the secretary of the women's association, Mrs Shamis, who delivered emotional words and a poem to the conference.
ONA
HELSINKI FINLAND
CABDIRAXMAAN JARARIAI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.
