Ururka OYSU ee Melbourne si caalami ah u soo bandhigeyn xuskii Maalintii haweenka Ogadenia.
Xaflad aad u heersareysa oo loogumagac daray Xuska Maalinta Haweenka Ogadeniya ayaa lagu qabtay Magaalada Melbourne ee wadanka Australiya. Xafladan ayaa waxa kasoo qeyb galay marti sharaf kasocota Jamacada Melbourne University iyo crisis hub, Ururka dumarka Ogadenia, dumarka Soomaaliweeyn, Sidoo kale Hablaha OYSU Melbourne.
Xafladan oo ay soo aggaasimeen ururka dhalinta iyo Ardeyda Ogadeniya ee OYSU Melbourn ayaa qabsoomay maalinimadi 17 March 2012. Waxuuna khaas u ahaa kaliya Haweenka.
Luul Cabdi Mocalim oo ah Gudoomiyaha Ururka OYSU Melbourne ayaa noo sharaxday u jeedada ay maanta u qabteen xafladan lagu muujinayo kaalinta Haweenka Somalida Ogadeniya. Taariikh ahaan haweenka Aduunku waxa ay leeyihiin maalin ay xusaan taariikhda haweenka dhibaatoyinki soo maray, caqabadaha hortaagan waana kulan ay qadiyada haweenka lagusoo bandhigo. Sidaas awgeed haweenka Ogadeniya oo dhibaatoyin gumeysi ku hoos jira waxa baahi badan loo qaba in codkooda banaanka loo soo saaro oo la helo maalmo badan oo Qadiyada haweenka Ogadeniya lagu muujiyo. Waxaana ururka Dhalinta OYSU uu gartay in aan sameyno maalin si maalinkaas gooni loogu yeelo haweenka Ogadeniya, si bulshadeena aan ugu baraarujino dhibaatoyinka Haweenka ku yimada ee gumeysiga inaga soo gaadha iyo dabcan horumarka iyo kaalinta ay haweenku ku leeyihiin bulshada intab.
Kulankan oo ay kasoo qeyb galeen ajaanib badan oo xiisaynaya qadiyada haweenka Ogadeniya ayaa waxa kulan si muuqata uga qeyb qaatay kana hadashay
Emma oo kasocotay Jaamacada Melbourne iyo Crisis Hub oo ah hayad haayad aan dowli aheyn. Emma waxay kahadshey wadashaqeeynta eey laleedahay Jaaliyada Ogadenia ee Vcitoria, Ururka Dumarka Victoria iyo OYSU Melbourne. waxa Emma ay u muujisay haweenka Somalida Ogadeniya garab istaag.
Shirkan oo gabdho badan oo dayar oo u dhashay Somalida Ogadeniya aqoon yahano iyo xirfado badan oo ah kuwo lagu shaqeysto ay kasoo qeyb galeen ayaa waxa aad loogu farxo aheyd nidaamka ay gabdhaha Somalida Ogadeniya ay usoo qaban qaabiyeen Xafladan, iyo muuqalada ay soo dhigeen.
Muna Ahmed Nasir oo aheyd gabadh aqoon yahan ah kana tirsan Ururka OYSU ayaa sharaxaad dheer ka bixisay u jeedoyinka ururka OYSU loo asaasay iyada oo soo bandhigtay daraasad dheer oo ku aadan dhalinta Somalida Ogadeniya iyo Howlaha Ururka OYSU. Waxayna ka codsatay in gabdhaha Somalida Ogadeniya ay ku biiraan ururada bulshada Ogadeniya sida OYSU si ay fikirkooda iyo xoogoogaba ay halganka ugu hibbeeyaan. Ururka OYSU ayaa gabdhuhu ay kaalin xoog leh ku leeyihiin oo lamid ah kan wiilasha haddeysan ka horeyn.
Waxaa kale oo Maalinkan si qotto dheer loogu soo bandhigay Melbourn dhibaatoyinka haweenka soo gaadha, iyo Kaalinta haweenku ay ku leeyihiin halganka Somalida Ogadeniya. Barnamijkan oo ay soo diyaarisay Ayan Ibrahim oo kamid ah OYSU Melbourne,
Ayaan waxay tusaale usoo qaadatay Haweenka Somalida Ogadeniya ee la odhan karo waxay u yihiin bulshada dad tusaale ah (Role Model) Sida halgamaada weyn ee caanka ka ah Geeska Afrika Rooda Afjano oo iyadu halganka kaalin aad u xoog badan kaga jirta.
Sida ragga Somalida Ogadeniya ay Gabayga ugu gudbistaan dareenkooda, Haweenka Somalida Ogadeniyana waxa ay leeyihiin haween xikmadooda ku gudbiya Gabayo, waxaana shirkan iyada oo lagu qiimeynayo kaalinta haweenka Waxaa kal oo ay kulankan kusoo bandhiggeen Gabayo iyo taariikhda haweenka Ogadeniya waxaana dhowr gabay oo aad loogu boggay oo xanbaarsan qiimo weyn halkaas kasoo jeedisay Raaxo sheikh oo ka mid ah dumarka Ogadenia ee Victoria.
Haweenka Somalida Ogadeniya waxa kale oo ay aqqon badan u leeyihiin cilmiga Diinta waxayna kulankan iyaga oo ka faa ideysanaya is xasuusinta Eebe ay Hani Cabdulahi Macalim oo ka mid ah ururka OYSU Melbourne ay soo jeedisay maxaadaro Diini ah oo kusaabsan dumarka iyo kaalinta eey ooga qayb qaadankaraan Halganka xoriyada lagu raadinayo.
Fartuun daahir oo ku magac dheer( Fartun JWXO) oo ka mid ah ururka haweenka Ogadenia ee Melbourne, Victoria. halkaas ka qaaday buraanbur oo dadkii meesha joogay aad u qiiro galiyey. Buraanburkaas oo erayadiisa ka mid ahaayeen
“Halganka hooyiyo waxaa wada hablo. Halyeeyga halgamahayaana way hawadinhayaan. Wax ayna hayin waligiiba muu hirgalin . Gumaysiga Haliilay hanjabinyaan. xornimo Loo heelanyahay habaynayaan.Fariin halgan baan wadanaayoo faafinaa. Fadhiga manaqaano faras baanu fushanahey. Fidnada dabaqoodhigaan ka fogaanaynaa. Faduusha Gumaysigaanu fashilinaa”.
Intaas kadib waxaa lo sobandhigay dhaantooyin kala duwan oo run ahaandii aad iyo aad uga heleen dumarkii goobtaas joogay.
Luul Gudomiyaha Ururka dhalinta OYSU melbourne ayaa iyada oo ku hadlaysa magaca guud ee dhalinta iyo gabdhaha Somalida Ogadeniya waxay ugu baaqaysa bulshaweynta Somalida Ogadeniya inay fiiro gaar ah u yeeshaan haweenka Ogadeniya, oo ay la socdaan kuwooda ku jira xabsiyada gumeysiga ama dhibaatooyinka badan ay soo gaadheen.
Waxa ay tacsi u diraysaa Gabdhaha somalida Ogadeniya ee lagu faro xumeyo dhulkooda hooyo isaga oo gumeysigu tacadiyo iyo dilal u geysanayo, 16 gabdhood ee laba todobaad ka hor dhowaan lagu faro xumeeyay gudaha Ogadeniya ayaa tusaale ugu filan dhamaanteen. Sidaas awgeed ayay tiri waa in shacabka Ogadeniya meel kasta oo aynu joogno u midownaa sidii gabdhahena aynu u bad baadin laheyn ugana xoreyn laheyn Gumeysiga madow ee liita.
Alla Mahadleh – Guul iyo Goobanimo
ONA
The OYSU organisation in Melbourne presents the commemoration of Ogadenia Women's Day internationally.
A very high-level ceremony, named the Commemoration of Ogadenia Women's Day, was held in the city of Melbourne in the country of Australia. The ceremony was attended by guests of honour from Melbourne University and Crisis Hub, the Ogadenia Women's Union, Greater Somali women, and also the young women of OYSU Melbourne. The ceremony, organised by the Ogaden Youth and Students Union (OYSU) Melbourne, took place during the day on 17 March 2012. It was exclusively for women. Luul Cabdi Mocalim, the Chairwoman of OYSU Melbourne, explained to us the purpose for which they held this ceremony today, which highlights the role of the Somali women of Ogadenia. Historically, the women of the world have a day on which they commemorate the history of women, the hardships they have gone through and the obstacles facing them, and it is a gathering at which the cause of women is presented. Therefore, the women of Ogadenia, who live under the hardships of colonialism, greatly need their voice to be brought out into the open and to have many days on which the cause of Ogadenia's women is highlighted. The OYSU youth organisation decided that we should create a day so that a separate day would be dedicated to the women of Ogadenia, in order to raise awareness in our society about the hardships that befall women as a result of the colonialism inflicted on us, and of course the progress and the role that women have in society as a whole. At this gathering, which was attended by many foreigners interested in the cause of Ogadenia's women, the one who visibly took part in the meeting and spoke was Emma, from Melbourne University and Crisis Hub, which is a non-governmental organisation. Emma spoke about the cooperation she has with the Ogadenia Community of Victoria, the Women's Union of Victoria and OYSU Melbourne. Emma expressed solidarity with the Somali women of Ogadenia.
At this conference, which was attended by many young women of Somali Ogadenia descent, intellectuals and many working professionals, the organisation with which the Somali young women of Ogadenia arranged this ceremony, and the displays they put up, were a source of great joy.
Ayan gave as an example Somali women of Ogadenia who can be said to be exemplary figures (Role Models) for society, such as the great freedom fighter famous in the Horn of Africa, Rooda Afjano, who herself holds a very strong role in the struggle.
Just as the Somali men of Ogadenia convey their feelings through poetry, the Somali women of Ogadenia also have women who convey their wisdom through poems, and at this conference, as the role of women was being honoured, poems and the history of the women of Ogadenia were also presented, and several highly acclaimed poems carrying great value were recited there by Raaxo Sheikh, one of the women of Ogadenia in Victoria.
The Somali women of Ogadenia also have great knowledge of religious studies, and at this gathering, taking advantage of the remembrance of God, Hani Cabdulahi Macalim, a member of OYSU Melbourne, delivered a religious lecture about women and the role they can play in the struggle for freedom.
Fartuun Daahir, also known as (Fartun JWXO), a member of the Ogadenia women's union in Melbourne, Victoria, performed a buraanbur there that deeply moved the people present. Among the words of that buraanbur were
“The struggle, mother, is led entirely by young women. The heroines of the struggle are carrying it out. Whatever they do not hold has never succeeded. They are threatening the brutal coloniser. They are organising the freedom so longed for. We are carrying a message of struggle and spreading it. We do not accept sitting idle; we are mounted on horses. We are keeping away from the strife they sow. We will defeat the coloniser's scheming”.
After that, various dances were performed, which the women present there truly and greatly enjoyed.
Luul, the Chairwoman of the OYSU youth organisation in Melbourne, speaking on behalf of the youth and young women of Somali Ogadenia in general, calls on the wider Somali society of Ogadenia to pay special attention to the women of Ogadenia, and to keep track of those of them who are in the coloniser's prisons or who have suffered many hardships.
She sends condolences to the Somali young women of Ogadenia who are being raped in their motherland while the coloniser commits abuses and killings against them; the 16 young women who were recently raped two weeks ago inside Ogadenia are a sufficient example for all of us. Therefore, she said, the people of Ogadenia, wherever we are, must unite so that we can save our young women and free them from the wretched black colonialism.
Praise be to God – Victory and Triumph

Melbourne
ONA
AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.
