
Maamulka Jaaliyadda S.Ogadenya ee dalka Qatar ayaa xaflad soo dhweyn ah u sameeyay Agaasimaha Hogaanka Warfaafinta oo socdaal hawleed ku yimid Qatar. Xafladda oo ay ka soo qaybgaleen xubnaha maamulka jaaliyadda iyo ururka dhalinyarada OYSU ee Qatar ayay labada dhinac ku kala warqaateen.
Ugu horeyn waxaa wacdi yar oo diini ah ka jeediyay goobta shirka Sh. Maxamad C/hi isagoo ku baraarujiyay xubnaha meesha fadhiyay inay Ilaahayna ka cabsadaan isla markaana u midoobaan halganka ay ku jiraan ee xaqqa ah. Sheekha ayaa si fiican uga waramay khaladaadka diiniga ahee ay ku dhaceen nimankii cadawga isu dhiibay oo sida hadda laga soo sheegayo buu yidhi Sheekha isugu biya shubtay inay danahooda ku mashquulaan isla markaana dad badan oo shacab ah dhibaatooyin u gaystay.
Ka dib waxaa lagu soo dhaweeyay hadalka Agaasimaha oo warbixin dheer ka siiyay shirka hawlaha ka socda Yurub gaar ahaan iyo guud ahaan dibadaha. Wuxuu ka sheekeeyay dibad baxyadii ugu dambeeyay ee jaaliyadaha ay ka dhigeen Yurub iyo Waqooyiga Ameerika, banaanbaxyadaa oo hadda ay kala qayb qaataan dadka cadaanka ah ee wadamadaa u dhashay ka dib markii la fahamsiiyay qadiyadda shacabka Ogadenya iyo dhibaatada uu gumaysiga ku hayo shacabka. Waxaa kaloo uu agaasimaha ka warbixiyay hawlaha Warfaafinta iyo heerarkii uu soo maray warfaafinta halganka, isagoo ahaa ragii ugu horeeyay ee asaaskii idaacadda RX ka mid ahaa. Wuxuu agaasimaha ka codsaday dadkii meesha fadhiyay in dagaalka warfaafinta laga wada qayb qaato oo qofwalba uu noqdo wariye madaxbanaan oo la shaqeeya HWF.
Intaa ka dib waxaa la siiyay warbixino ku saabsan jaaliyadda Doxa iyo heerarkii ay soo martay, heerka ay hadda mareyso jaaliyada iyo caqabadaha ku soo kordhay oy ka mid tahay rag culumo sheeganaya oo gumaysiga u shaqeeyanaya iyagoo qaarkood ayba yihiin jawaasiis dadka jaaliyadda ah ka gudbiya warbixino lagu dhibaateeyo eheladoodii.
Hogaanka Warfaafinta jabhadda oo ka mid ahaa xubnaha wax ka soo dhaweeyay Agaasimaha ayaa isguna ka xogwaramay heerka rafashada gumaysiga uu gaadhay, ka dib markuu ka quustay halganka shacabka S.Ogadenya inuu ku soo afjaro cudud ciidan iyo cadaadiska naxariisdarada ahee uu ku hayo shacabka. Wuxuu hogaanka ka waramay dacaayadaha gumaysiga iyo dagaalka uu kula jiro saxaafadda caalamka iyo midda halgankaba si aan loo ogaanin jabka joogtada ahee soo gaadha maalinwalba ciidankiisa ama aan loo ogaanin xad-gudubka xuquuqul insaanka ee ciidamadiisa iyo maxaysatada u qortay ay ku hayaan dadka shacabka ah een waxba galabsan.
Su’aalihii iyo jawaabihii ka dib, ayay xubnaha jaaliyadda waxay ka codsadeen agaasimaha inuu salaan iyo fariimo ka gaadhsiiyo jaaliyadaha uu dhex tagi doono.
ONA/Doxa.
The administration of the Somali Ogadenia community in Qatar held a welcome reception for the Director of the Information Department (HWF), who arrived in Qatar on a working visit. At the reception, attended by members of the community administration and the Qatar branch of the Ogaden Youth and Students Union (OYSU), the two sides exchanged information.
First, Sh. Maxamad C/hi delivered a short religious sermon at the meeting venue, reminding the members present to fear God and to unite for the just struggle in which they are engaged. The Sheikh spoke at length about the religious errors committed by the men who surrendered themselves to the enemy, who, the Sheikh said, according to current reports, have fallen out among themselves as they are preoccupied with their own interests and have caused hardship to many civilians.
The Director was then welcomed to speak, and he gave the meeting a lengthy report on activities underway in Europe in particular and abroad in general. He spoke about the most recent demonstrations held by the communities in Europe and North America, demonstrations in which white natives of those countries now take part after being made to understand the cause of the people of Ogadenia and the suffering the colonizer inflicts on the people. The Director also reported on the work of the Information Department and the stages through which the information effort of the struggle has passed, he himself having been one of the first men involved in founding RX radio. The Director asked those present to all take part in the information war, with everyone becoming an independent reporter working with HWF.
After that, he was given reports on the Doha community and the stages it has gone through, the stage the community is currently at, and the new challenges it faces, among them men claiming to be religious scholars who work for the colonizer, some of whom are actually spies who pass on reports on community members that are used to harm their relatives.
The front's Information Department, which was among those who welcomed the Director, also briefed him on the level of desperation the colonizer has reached after losing hope of ending the struggle of the people of Somali Ogadenia through military force and the merciless oppression it inflicts on the people. The department spoke about the colonizer's propaganda and the war it is waging against the international media and that of the struggle alike, so that the constant defeats its troops suffer every day do not become known, nor the human rights violations that its troops and the militias it has recruited commit against innocent civilians.
After the questions and answers, the members of the community asked the Director to convey their greetings and messages to the communities he will be visiting.
ONA/Doha.
AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.

