
Jahawareer badan iyo cabsi siyaada ah ayaa soo foodsaartay dadka ku nool magaalada Jigjiga kadib dagaalkii faraha lagaga gubtay ee magaalada Galaalshe ay CWXO ku qaadeen. Wariyaha wakaaladda u jooga halkaa ayaa warar badanoo uu ka soo ururiyay ilo xog-ogaal ah waxay u sheegeen in maamulka gumaysiga uu dhigtay Jigjiga ay soo fool-saartay hadda cabsi heer aan horay u dhicin. Waxay dadka isla dhex marayaan in cabsida ka muuqata maamulka iyo ciidamada kala jaadka ah ay la mid tahay cabsidii ay qaadeen wakhtigii uu dhacay weeraradii dagmooyinka Dhagax-madow iyo hareeraheeda amaba heer ka cabsi sareeya.
Waxaa laga dareemahayaa dhamaan dalka oo dhan iyo guri guri magaalada Jijiga. Waxuu sheegay wariyaha in si wayn loo daad guraynhayo maleeshiyaankii Hawaarinta, booliskoodii iyo Yihaadhigtii, kuwaas oo loo daabulahayo goobihii uu jabku ka soo gaadhay iyo sidoo kale gobalka Jarar oo gabi ahaaantiiba ay ka muujinhayaa wal-walka ugu xoga badan. Marka la weydiiyo maleesiyaadka la daabulayo waxay sheeganhayaana inay ka hor tagahayaaan soo galitaanka ciidamo iyo hubab ONLF leeedahay.
Xaaladda magaalada Jigjiga ayaa aad u sii xumaatay iyadoo magaalada badhtankeeda lagu soo daynhayo maleeshiyada oo duhurnimadii dadka baadhahaya suuqa dhexdiisa qaarna ka kaxaysanhaya. Sidoo kale habeenkii 1:00 AM ee seqda dhexe ayay u dhacahayaan huteelada seexadka ee magaalada Jijiga halkaasoo ay baadhitaan ka fulinhayaan weerarkii Galaalshe intii ka dambaysay.
Magaalada Dh/buur waxaa laga dhaariyay hal gaadhi ahi inuu dhaq-dhaqaaqo noocoo dooniba ha ahaadee kuwaas oo hadii la arko la gidhaashanhayo ilaa iyo jiida hore ee dagaalka.
Dhanka kale waxay sirdoonka Itobiya sheegayaan inuu soo galeen Ogaden al-shabaab ayna ka soo galeen gobalka Goday xuduuda uu la leeyahay Soomaaliya, hasa ahaatee midan ayay kooxdii al-itixaadka ka soo xarootay ku macneeyeen inaynan jirin wax soo galay oo shabaab ahe ee iyaga un loola jeeedo sidii loo layn lahaa taasoo walwal kale ku abuurtay.
Isbadalla badan ayaa ka soo guuxaya Jigjiga ka dib markii been badan oo loo sheegay dawladda federaalka ay soo baxeen hadda isla markaana qorshayaal badan oo la dajiyay kharash xoog lehna lagu bixiyay oo la’is lahaa waxay keeni doonaan inay ONLF ku burburto ay fashilantay.
ONA.
Great confusion and heightened fear have gripped the residents of the city of Jigjiga following the fierce battle that the ONLF launched in the town of Galaalshe. The agency's correspondent there gathered many reports from well-informed sources, who told him that the colonial administration installed in Jigjiga is now facing fear at an unprecedented level. People are saying among themselves that the fear visible in the administration and the various kinds of forces is equal to, or even greater than, the fear they experienced when the attacks on the districts of Dhagax-madow and its surroundings took place.
It is being felt throughout the entire country and in every home in the city of Jijiga. The correspondent said that the Hawaarinta militias, their police and the Yihaadhigtii are being mobilised on a large scale and transported to the places where the defeat struck them, and also that the whole of Jarar region is showing the most intense anxiety. When the militias being transported are asked, they claim that they are going to prevent the entry of forces and weapons belonging to the ONLF.
The situation in the city of Jigjiga has deteriorated further, with militias being deployed in the centre of the city who, at midday, search people in the middle of the market and take some of them away. Likewise, at 1:00 AM in the middle of the night, they raid the lodging hotels of the city of Jijiga, where they have been carrying out searches since the Galaalshe attack.
In the town of Dh/buur, every single vehicle, of whatever kind, has been banned from moving, and any that are seen are being commandeered to the front line of the battle.
Meanwhile, Ethiopian intelligence is claiming that al-Shabaab have entered Ogaden, coming in through Goday region along its border with Somalia; however, the group that defected from al-Itixaad explained this as meaning that no al-Shabaab have entered, and that it is they themselves who are meant, as a pretext for killing them, which has created further anxiety.
Many changes are rumbling in Jigjiga after the many lies told to the federal government have now come to light, and many plans that were drawn up, on which huge sums were spent and which were expected to bring about the destruction of the ONLF, have failed.
ONA.AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.

